Fowsiyo Yuusuf: “Gabdho badan ayaa ka xumaaday markii ay maqleen in…”

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayo wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taasoo ka mid ahayd golihii wasiirada horre ee waayay kalsoonida baarlamaanka.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto wax yaabaha ay u qabaneyso dalka “Sagootin uun weeye ee dalka kama tagin waana sii joogayaa” ayey tiri.

Waxa ay aad u amaantay xildhibaannadii iyo wasiiradii ay soo wadashaqeeyeen kuwaasoo ay ku tilmaamtay kuwa howllo fiican isla soo qabtay.

Waxa kaloo ay amaantay wasiirada arrimaha dibedda IGAD sidda kan Ethiopia iyo Kenya, Dr tedros Adhanom iyo Amiina Maxamed, kuwaasoo ay tilmaamtay in ay waxyaabo badan isla soo qabteen oo wanaag ah.

Mar ay ka hadleysa xilka ay heysay oo ahaa labo xil oo waaweyn kuwaasoo kala ahaa wasiirka arrimaha dibedda iyo ra’iisal wasaare ku-xigeen waxa ay sheegtay in markii laga qaaday xilkaas in dumar badan ay ka caroodeen.

“Dumar badan ayaa berrigii dhawaa ee xilka la iga qaaday ka carooday,laakin cayaari waa galin dambe, aan dul qaad muujino xilkaas iyo kuwa kale waan sugeynaa” ayey tiri.

Ugu dambeyn Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay siddii ay gacan uga geesan lahayd horrumarka dalka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xil noocaas kale ka qabta Soomaaliya tan iyo markii Soomaaliya ay xor noqotay sannadkii 1960-kii.

Dad badan ayaa aaminsan in ay wax badan qabatay marwo Fowsiyo muddada ay xilka heysay, wallow la lee yahay lacago badan oo ay lahaayeen shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ay ku lee yihiin caalamka ayaa ku maqan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com