Madaxda DF oo iscasilaad laga dalbay, xaaladda Muqdisho ka jirta darteed

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay haddii aysan waxbo ka qaban ammaanka caasimada Muqdisho in ay iscasilaan madaxda dowladda.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal uu sheegay afhayeenka booliska, kaasoo ahaa in wixii xaley ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa looga gun lee yahay khal khalinta ammaanka magaalada Muqdisho qaraxyadana ay ahaayeen kuwa macmal ah.

“Waxaan ka xumahay in la dhaho wixii xaley ka dhacay Muqdisho waxa ay ahaayeen Bululeer, dad ayaa u dhintay marka haddii ay waxbo u qabaneynin waxa ay ahayd in u tacsiyeeyaan laakin sidda hadalka loo dhigay wuxuu ahaa mid jees-jees ah” ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.

Wuxuu kaloo sheegay siyaasigan in dowladda Xasan ay sheegtay in ay la imaan doonto isbadal balse isbadalkaas uusan meesha ka muuqan xittaa haddii xukuumadii horre la dhillay qorshaha ay ku howlgali jirtay.

Siyaasigan ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu isalo haddii uu arkay in uu wax ka qaban waayay xaallada ammaanka magaalada Muqidsho.

“Haddii aan cidna loo casilin wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay, waxaan is lee yahay meesha cayaar ayaa lagu hayaa waayo inn madaafiic ay ku dhacaan degmooyinka Boondheere iyo Xamar Jabjab lagana soo tuuro waddada Wadna waa ayaan daro” ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh.

Labadii habeen khalkhal weyn ayaa ka jiray magaalada Muqidsho kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen kuwaasoo qaar kood khasaaro geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com