Kenya oo ka hadashay ka bixitaankeda Kismaayo, una sheegtay shacabka…!

Nairobi (Caasimada Online) – Afayeenka ciidamadda Kenya Col Willy Wesonga oo la hadlay shacabka Kismaayo oo dhawaan mudaaharaad ka sameeyey bixitaanka ciidamadda Kenya, ayaa sheegey in uu doonayo in uu shacabka reer Kismaayo u sheego in ay ogaadaan in qaar yar oo ka mid ah ciidamadda Kenya ay ku harayaan Kismaayo.

Waxa kale oo uu sheegey in ciidamadda ka socda dalka Sierra Leone ay badali doonaan ciidamadda Kenya ee ka baxaya Kismaayo, islamarkaasina ay ciidamadaasi yihiin kuwa la awood ah kuwa Kenya.

Waxa kale oo uu sheegey in taliska ciidamadda Kenya iyo inta baddan ciidamadda ay u wareegi doonaan qeybaha kale ee Koonfurta Somalia.

Ciidamadda Kenya ayaa bilaabay in ay ka guuraan magaalada Kismaayo, iyada oo la arkayay maraakiib daad gureyneysa ciidamo meel u dhow dekada iyo waliba duulimaadyo.

Waxa uu hadlayay kadib markii uu xilka afayeenimadda kala wareegey afayeenkii hore Cyrus Oguna oo xil kale ka qabanaya ciidamadda.

Shalay afayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa xaqiiyey in ciidamadda Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo, islamarkaasina la wareegayaan ciidamo kale oo ka socda dalka Sierra Leone.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

Caasimada@live.com