Maxaad kala socotaa qorshaha uu R/W Turkiga u tagayo Muqdisho dhowaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Raisul Wasaaraha Dalka Turkey, Recep Tayyip Erdogan ayaa lagu wadaa in uu dhowaan Booqasho Rasmi ah ku yimaado Magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya. Madaxweyne Hassan Sheikh ayaa shalay galab ilaa xalay kulan kula lahaa wafti hordhac ah dhismaha Safaarada Turkey ee magaalada Muqdisho, waftigaa oo u gogol xaaraya booqashada raisul wasaaraha qiimaha badan Recep Tayyip Erdogan.

Raisul wasaaraha Turkeyga ayaa la filayaa inuu booqdo mashaariicda iyo dib udhiska dalkiisu ka wado magaalada Muqdisho, waxaa la sheegayaa in Raisul wasaaraha Turkeyga uu xariga ka jari doono Isbitaalka Digfeer oo qaab casri ah u dhiseen dalka Turkey-ga.

19-ka August 2011 ayaa RW Recep Tayyip Erdogan iyo qoyskiisu booqasho taariikhi ah ku tageen magaalada Muqdisho xiligaa oo abaar Macluul daran wadata ka jirtay dalka Soomaaliya, Raisul wasaaraha Turkeyga oo ay wehliyaan xaaskiisa iyo ilmihiisa ayaa xiligaa booqday xerooyinka barakacayaasha ee magaalada Muqdisho, isagoo dareenka Caalamka usoo jeediyey in dadka Soomaaliyeed wax loo qabto.

Safiirka Turkeyga u fadhiya Soomaaliya iyo hay’adaha Turkeyga ee ka ka hawl gala muqdsisho ayaa xaqiijinaya imaanshaha Raisul Wasaare Recep Tayyip Erdogan ka hor in la dhamaystiro wadada isku xirta Garoonka iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa si xawli ah lagu wadaa oo dhamaystir haatan jooga wadada ka baxda KM 4 ee tagta Isbitaalka Digfeer, wadooyinkaas oo la qorsheynayo in Raisul wasaaraha Turkeyga iyo Saxaafada la socoto ay mari doonaan.

Inkastoo shacabka Soomaaliyeed uu u mahad celinayo Dawlada Turkey-ga, Shacabkeeda iyo Raisul Wasaaraheeda qiimaha badan Recep Tayyip Erdogan haddana waxaa ay jeclaan lahaayeen in waftiga Raisul wasaaraha iyo saxaafada la socoto aan socodkooda lagu ekeynin wadooyinka yare e dib loo dhisay ee ay kamidka yihiin wadada Maka Al Mukarama ee tagta Madaxtooyada iyo wadada Tagta Isbitaalka Digfeer, shacabka Muqdisho waxaa ay jeclaan lahaayeen in waftiga Raisul wasaaraha ama ugu yaraan saxaafada la socota la marsiiyo wadooyinka ugu waaweyn magaalada Muqdisho balse haatan burbursan, wadooyinkaas oo kala ah Jidka Wadnaha, Jidka Sodonka iyo Jidka Warshadaha, Jidka wadada Madiina ee taga ilaa Xoosh, Wadada Sanco ilaa Suuqa xoolaha si raisul wasaaraha qiimaha badan iyo shacabkoodu ay gacan uga geystaan dib udhiska wadooyinkaas halbowlaha u ah nolosha Muqdisho.

Dalka Turkeyga ayaa ah wadan usoo gurmaday shacabka Soomaaliyeed xili ay baahi weyn u qabeen, shacabka Soomaaliyeedna wuu ogsoon yahay abaalka dawlada iyo shacabka Turkeyga u galeen shacabka Soomaaliyeed, Dawladda iyo shacabka Soomaaliya ayaa looga fadhiyaa inay ka faaiideystaan Mashaariicda Dawladda Turkey-gu ka fulinayso guud ahaan Dalka Soomaaliya mashaariicdaas oo isugu jira dib udhiska wadooyinka, xarumaha Caafimaadka iyo xarumaha Waxbarashadaba sidoo kale shacab iyo dawladba waa inaan xasuusnaanaa oo aan u abaal gudnaa cid kasta oo wax na tartay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com