Maxaa xaley ka dhacay MUQDISHO?warar dheeraad ah.

Muqdish (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa habeenkii xaley ka dhacay howgallo lagu adkeenaayo ammaanka, kuwaasoo looga gun lee yahay siddii loo yareen lahaa khalkhalka magaalada ku soo kordhay.

Wasiirka amniga oo ay wehliyaan saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xaley kormeeray qaybo ka mid ah degmooyinka gobalka Banaadir si ay ugu kuur galaan xalada ammaanka.

Goobaha ay tageen mas’uuliyiintan waxaa ka mmid ah Ex-control Balcad,Ex-control Afgooye, Jidka warshadaha,Dayniile, Howlwadaag, iyo goobo kale.

Markii uu soo dhammaaday kormeerkooda ayaa waxaa saxaafada la hadlay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed General Cabdixakiin Daahir Siciid wuxuu sheegay in kormeerkooda uu la xiriiray siddii ay u soo qiimeyn lahaayeen xaalada ammaanka magaalada Muqdisho oo labadii habeen ee la soo dhaacay laga maqlay qaraxyo iyo madaafiic.

Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga fogaado wax kasta oo khalkhal galin kara ammaanka.

Kormeerka mas’uuliyiinta dowladda ay xaley ku sameeyeen ayaa daba socoday kulan shaley ka dhacay magaalada Muqdisho oo uu ka qayb galay ra’iisal wasaaraha kaasoo looga hadlay wax yaabaha sababta u ah in magaalada oo ay gacanta ku heyso dowladda laga maqlo madaafiic xooggan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com