Video: Darafka koonka inta la ogyahay iyo mucjisada & awoodaha Allah SWT

Sida uusoo sawiray markabka fiddaa’iyaatka NASA iyo teleskobkooda, kaalay ka qeyb qaado safarkan dheer oo bal soo arag koonkan cajaa’ibka badan.

Safarkan KOONKA CIRIFTIISA, waa inta illaa immika la ogyahay, Rubbamaa ay dhici kartaa intaas inuu ka siiweyn yahay in lamid ah inta immika la og yahay.

Safarkani wuxuu ka billaaban doonaa meeraheenna dhulka, oo ah meeraha ay nolasha dushiisa ka jirta.

Secen-ka xawaaraha iftiinka waa 300 000 km (3 boqol oo kun km).

Daqiiqadii xawaaraha iftiinka waa 18 million km.

Halkii sano ee xawaaraha iftiinka waa 9,46 trillion km.

Qorraxdeenna oo malaayiin mar ka weyn inta uu la egyahay dhulkeenna, ma isweydiisay inta uu inagu soo gaaro iftiinkeeda? Waa 8 daqiiqo oo qura.

Xawaaraha iftiinka waa waxa ugu xawaaraha dheereeya koonka dushiisa. Ma jira wax ka dheereeya xawaaraha.

Meerayaasha sagaalka ah ee loo yaqaan BAHDAY MIDEYSAYQORRAXDA (Majmuucatish- Shams), ee kala ah

Mercury oo xagga qorraxda xiga,
Venus oo kan labaad ee qorraxda xiga
Earth (dhulkeenna) oo kan saddexaad ee qorraxda xiga ah
Mars oo inagu xiga
Jupiter oo kasii dambeeya
Saturn oo kasii dambeeya (kan ugu qurxoon)
Uranus oo kasii dambeeya
Neptune oo kasii shisheeya
Ploto oo ugu dambeeya, inkastoo hadda laga saaray BAHDAY CADCEEDDU Kulmiso.

Meerayaashan sagaalka ah waxaa ugu weyn meeraha Jupiter, wuxuu ka weyn yahay dhulkeenna boqollaal mar labo jibbaaran bal e kumanaan mar.

Meeraha inoogu dhaw ee Mars, markabka fiddaa’iyaatka oo aynu ognahay xawaaraheedu inuu kasarreeya xawaaraha diyaaradaha miigga ah, wuxuu usocon lahaa 9 bilood. Waa meeraha immika loo filanaya inay dushiisa nolali kajiri karto. Jupiter oo kasii shisheeya Mars, waxay markabadda fiddaa’iyaatka ku qaadan lahayd 14 sano, Saturn, waa kasii fogyahay dhowr jibbaar, Uranus sidoo kale, Neptune sidoo kale, Ploto fogaanshaha uu cadceedda ka fogyahay darteen heerkulka qabowgiisa waa minus kumanaaan oo ka hooseysa eber (0).

Intaan 9ka meere, xagga weyniga dhulkeenna wuxuu noqon doonaa kan shanaad ee xagga yaraanta. Taa macnaheedu waxaa weeye waxaa kaweyn 4 meere, oo kala ah Jupiter, Saturn, Uranus iyo Neptune. Waxaa kayar Ploto, Mercury, Mars iyo Venus.

Marka Jupiter loo fiiriya meerayaasha kale oo dhan, wuxuu ka weyn yahay dhammaantood xattaa haddii la isku wada daro. Cadceedduna Jupiter waxay ka weyn tahay kumanaan mar oo labajibbaaran.

Cadceedda oo Malaayiin km inoo jirta dhulkeenna, oo shucaaca iftiinkeeda uu nagu soo gaaro heerkul marmarka qaar gaaraya 50’C, weynigeeda mayara. Markabadda fiddaa’iyaadka haddii cadceedda dusheeda ay cirif illaa cirif kale u kala goo is oran lahayd, waxay ku qaadan lahayd kumanaan kun oo sano. Subxanallaah.

Videogan yar wuxuu inaga wadi doonaa dhulkeennaa, wuxuuna ina geyn doonaa ama uu ina soo tusi doonaa koonka Ilaahay, wuxuu ina dhaafsiin doonaa Ploto oo ah meeraha ugu dambeeya meerayaasha BAHDAY CADCEEDDU KULMISAY, kaasoo haddii markabadda fiddaa’iyaadka ay xaggiisa u duusha ay ku qaadan lahayd safar aanan ka yareen 30 sano.

Marka intaasoo koon iyo khalqi Ilaahay aan ka baxno waxaanu geli doonnaa abuur kale, waxaan soo arki doonnaa xiddigo waaweeyn oo dhalaalaya, xiddiga uguyarna uu balaayiin mar ka weyn yahay cadceeddeenna, waxaan sidoo kale soo arki doonnaa malaayiin meerayaal ah, oo kuwooda ugu yar ay balaayiin mar kaweyn yahiin cadceeddeenna.

Haddaynu rumeysneen in waxa ugu weyn koonka ay tahay cadceedda, waxan arki doonnaa balaayiin mujarraad xiddigo iyo meerayaal ah oo wada dalaalaya, kuwaasoo cadceedda iska dhaafee xataa BAHDAY CADCEEDDA KULMISA masaafada ay ku fadhiyaan uu halkii xiddig ama meere ka weyn yahay.

Waxaynu gaari doonnaa cirifka dambe ee koonka, inta ilaa immika la ogsoon yahay, waana meel ku siman fogaanta dhulkeenna ay u jirta 13. 7 Billions years oo xawaaraga iftiinka ah.

Xusuuso halkii sano oo xawaare iftiin ah waa 9,46 trillion km. Bal ka warran 13,7 billions years iftiin ah? Masaafadaasi xisaabteeda sidee lagu qori karaa? Ma ahan millions, waa Billions waa 13,7 billions years.

Markaas baa waxaad dib ugusoo laaban doontaa dhulka, oo aad arki doontaa halka aad koonkan weyniga badan ka joogto.

Waxaadna soo xusuusan doontaa xaddiiskii nebiga suubban (NNKH), ee ahaa ”Haddii adduunyadu ay Allaah agtiisa ka leedahay qiimo la eg garab kaneeco, gaal kabbasho biyo ah kamuu siiyeen”.

Intani, waa samada koowaad iyo hoosteeda, bal ka warran lixda sama ee kale, iyo carshiga weyn ee Raxmaanka? Kuwaasi wuxuu nebigeenna suubban ka yiri habeenkii dheelmitaanka ”Ma jira samada meel afar farood ladhiga, illaa Malak baa ku rukuucsan ama ku sujuudsan, saa waxaan dul joogsanaynay Malak rukuucsan ama sujuudsan.

Halkee baynu innaga ka joognaa koonka Ilaahay? Kii arka qormadan, ee daawada videogan yar, war hooy cibaadadaada Rabbi waxbo ugama baahno, ee adiga uun bay ku anfacaysaa. U noqo Rabbigaa oo u toobad keen.

WD: Mohammed Tahir Abdi
Email: mohamed1@live.fi