C/Weli oo war cad kasoo saaray arrimo cusub oo kusoo badanaya Bakaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa ka hadlay dhibaatooyin lagu hayo ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa amar ku bixiyay in hey’addaha ammaanka ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka loo geesto ganacsatada ku dhaqan Suuqa Bakaaraha kuwaasoo waayahan ka cabanayay kooxo hubeysan oo dhaca hantidooda.

Wuxuu tilmaamay ra’iisal wasaaraha in Suuqa Bakaaraha uu ahmiyad ballaaran ugu fadhiyo Soomaaliya “Ma yeeleyno in la dhaco” ayuu yiri.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ballan qaaday in wax laga qaban doono cabashada ganacstada suuqa bakaaraha iyo guud ahaa suuqyada kale ee ku yaalla dalka.

Hadalka ra’iisal wasaaraha ayaa yimid kaddib markii toddobaadkii horre kooxo hubeysan ay dharaar cad weerar ku qaadeen xarunta ganacsiga ee Sava Group oo ku taalla Bakaaraha dabadeedna ay dhaceen lacag ka badan 50kun oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com