C/Weli Gaas oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho + Qorshaha

Garaawe (Caasimada Online) Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe ayaa soo sheegaya in goordhow uu ka duuli doonaan magaaladaas wafdi ballaaran oo uu hoggaaminaayo madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, kuwaasoo ku wajahan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdiga ka tagaya Garoowe ayaa ka qaybgali doona aas qaran oo loo sameenaayo ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo goordhow ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minnapulis ee dalka Maraykanka.

Dhinaca kale, wariye kale oo ka tirsan Caasimada Online oo ku sugan Muqdisho ayaa isna soo sheegaya in garoonka Aadan Cadde uu ka socdo qaban qaabada soo dhaweynta mas’uuliyiinta ka qaybgaleysa aaska marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Maanta galinka dambe ayaa lagu wadaa in meydka allaha ha u naxariisto Cabdirisaaq Xaaji Xuseen in laga soo dajiyo magaalada Muqdisho.

Waxaa kaloo wararka ay heleyso Caasimada Online ay sheegayaan in aaska qaranka ee loo sameenaayo ra’iisla wasaarihii horre in ay ka qaybgali doonaan wafdi ka imaanaya maamulka KMG ee ka dhisan magaalada Kismaayo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan guddi heer qaran u xil saartay aaska ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com