Hargeysa iyo Garowe oo muujiyey inay ka maskax badan yihiin MUQDISHO iyo DF Somalia (Maxay u sameeyeen QM?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalooyinka Hargaysa iyo Garoowe ayaa hay’adaha UN-ka laga siiyey dhulal aad u balaaran oo ay dhistaan, iyadoo la sheegayo in labadaas magaalo laamaha UN-ka ay ka dhisteen dhul aad u balaaran, halkaasoo oo shacabka kunool magaalooyinkaas ay shaqo aad u balaaran ka heleen.

Maamulada Somaliland iyo Puntland oo u daneynaya shacabka soomaaliyeed oo deegaanadaas kunool ayaa go’aankaas muhiimka ah qaatay kaasoo ay ka faaiideen Maamulada iyo shacabka ku dhaqan goboladaas.

Magaalada Muqdisho oo iyadu ah Caasimada Dalka ayaan masuuliyiinta ku sugan Laga soo Bilaabo madaxweynaha, raisul wasaarayaasha soo maray, Wasiiradii arimaha Gudaha iyo Maamulka Gobolka Banaadirba garan waayeen in dhamaan laamaha UN-ka siiyaan dhul ay dhistaan si joogitaanka shaqaalaha UN-ka uu joogto u noqdo.

Xafiisayada aan badneyn ee UN-ka iyo Hay’adaha Caalamiga ah ka joogaan magaalada Muqdisho ayaa ah kuwo ku jira guryo Kiro ah oo ay uun ka faaiideystaan shaqsiyaad fara kutiris ah, Halka haddii dhul balaaran hayad kasta lasiin lahaa ay maal gashan lahaayeen caasimada Muqdisho dad badana shaqo ka heli lahaa, Deegaanka Hay’adaha UN-ka iyo Kuwa kale ee Caalamiga degi karaan magaalada Muqdisho oo hay’adahooda amniga u qaabilsan u ogolaanayaan ayaa ah inta u dhaxaysa KM 4 iyo Garoonka Caalamiga ah ee Aden Abdulle.

Madaxweynaha Dalka , raisul wasaaraha, Wasiirka Arimaha Gudaha , Gudoomiyaha Gobolka ayaa dhamaan ku baraarugsaneen muhiimada in UN-ka iyo Hay’adaha kale ee Caalamiga ah siiyaan dhul ay dhistaan si Joogitaankooda Magaalada Muqdisho u bato, Dad badan oo Soomaaliyeedna shaqo uga helaan.

Magaalooyinka Garoowe iyo Hargaysa oo ku amaanan iney dhul siiyeen hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale oo Caalamiga ah ayaa lagu dhaliilayaa kaliya inay Soomaalida Koofurta ku sameeyaan cunsuriyad una diidaan inay ka shaqeeyaan Hay’adaha ka hawl gala Maamulada Puntland iyo Somaliland, Halka Magaalada Muqdisho ay tahay magaalo aan dadka lagu cunsuriyeyn oo ah Caasimada Dalka, shaqaalaha ka shaqeeyana ka kooban yihiin dhamaan qabaailada Soomaalida.

Isku soo wada duube Muqdisho iyo koofurta Soomaaliya ayaa ku dulman qaabka Hay’adaha UN-ka iyo kuwa kale ee Caalamiga ah sida midawga yurub ( EU-da) ula dhaqmaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyaga oo Dalka Soomaaliya u qeybiyey 3 dawladood oo siman oo ay u kala yaqaanaan Somali Federal republic (SFR) Somaliland (NWZ) iyo Puntland (NEZ) ulana Macaamila 3 dawladood oo kala duwan inkastoo Baarlamaanka federaalka oo ka kooban 275-ta xubnood iyo Xukuumada Federaalka ee fadhigeedu yahay Muqdisho yihiin mid Soomaalidu u dhan tahay.

Gudoomiye Gobolka Banaadir Mr Tarsan oo ah nin inta uu ahaa Gudoomiyaha Gobolka wax wanaagsan ka qabtay Gobolka Banaadir ayaa laga doonayaa inuu xaqiijiyo in dhamaan Hay’adaha UN-ka iyo EU-da uu siiyo dhul ay dhistaan si joogitaankooda uu nolosha iyo amniga qeyb uga qaato.

Sidoo kalana Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh ayaa laga doonayaa inuu Wadamada Caalamka uu ama ka gado ama siiyo dhul ay safaarado ka dhistaan, uuna xaqiijiyo Safiirada uu warqadaha aqoonsiga ka gudoomayo inay noqdaan kuwa jooga Caasimada Dalka Muqdisho.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa la arkaa mar walba isaga oo Safiir ka socda Dal caalamka kamid ah ka gudoomaya waraaqda aqoonsiga, safiiradaas oo ay diyaaradi garoonka Muqdisho u taalo oo marka warqada aqoonsiga laga gudoomo u noqdaan Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com