27.8 C
Mogadishu
Tuesday, May 5, 2026

C/llaahi Shirwac: Xoriyad siyaasadeed kama jirto Somalia xilligan”, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) Cabdulaahi Maxamed Shirwac oo madax u ah mid ka mid ah ururada bulshada ee ka dhisan Muqdisho, ayaa sheegay in Soomaaliya xilligan aysan ka jirin xoriyad siyaasadeed, wuxuuna arrintaas ku sababeeyay in qof kasta uu cabsanaayo maadama haddii uu ka hadlo arrimaha siyaasadda la dilaayo.

Shirwac ayaa sidoo kale tilmaamay Soomaalida in xilligan aysan u bisleen xoriyad siyaasadeed,isagoona intaas ku daray in ay ku jiraan dagaal iyo qax.

“Dadka ku dhaqan Koonfurta dhibaatooyin fara badan ayaa heesta, markii ay nastaan ayey gaari karaan xoriyad siyaasadeesan” ayuu yiri.
Wuxuu sheegay in dalka xillugan aanu lahayn dastuur rasmi ah iyo nidaamka axsaabta badan, taasoo aan la heylin waxa ay muujineysaa ayuu yiri in doorasho One Vote iyo Man aysan ka dhici doonin sannadka 2016-ka.
“Dadka ku nool Koonfurta iyo Bartamaha waxa ay ku dhex nool yihiin Dagaal iyo Nolal”marka ma filaayo xilligan in la joogo xoriyada siyaasadeed” ayuu yiri Cabdulaahi Shirwac.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

VIDEO: Maxaa ka yaabiyay Soomaalida dagan Xaafada islii oo ka Cusub….?

0

Shacabka ku nool Xaafada ay dagaan Soomaalida ee Islii ee Wadanka Kenya gaar ahaan Magaalada Nairobi ayaa aad ula yaabay ficil ay sameysay Gabar Soomaaliyeed oo halkaa ku nool oo ku dhawaaqdaya rin ka yaabisay Soomaalida Kenya.

Barnaamij laga diyaariyay arinkani ka yaabiyay Soomaalida Kenya ayaa laga sii daayay Tv-ga Soomaalida ee Universal ee nala daawo waa hubaal adiguba waad yaabi doontaa hadii aad maqasho.

HALKAAN KA DAAWO:

 

CABDI WELI Gaas oo Muqdisho tagaya dhowaan iyo qorshaha socdaalkiisa

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxwaynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali(Gaas) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay tagaan magaalada Muqdisho, si ay uga qayb gallaan aaska halkaas loogu samaynayo allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen Xasan ayaa todobaadkan bilowgiisii ku geeriyooday isbitaal ku yaala magalada Minneapolis halkaasoo mudo ku xanuun sanaa, wuxuna Ra’iisul wasare Somalia kasoo noqday intii u dhaxaysay 1964 -ilaa 1967-dii.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen,ayaa ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii.

Ka qayb galka aaska Marxum Cabdirisaaq waxaa ku wehelinaya Madaxwaynaha Puntland wasiiro iyo Isimo iyadoo wararku sheegayaan in maanta maydka Marxuumka laga soo qaadi doono wadanka Maraykanka.

Xiriirka Puntland iyo DFS ayaa go’an mana jirto ilaa iyo hada isa-soo dhowansho muuqda walow Madaxwayne Gaas uu sheegay wax kasta oo la isku hayo in lagu dhamayn doono sida sharciga uu qabo.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]

Nabaddoon Xaad oo si kulul dowladda ugu canaantay ficiladii ka dhacay…!

Muqdisho (Caasimada Online) Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo ah guddoomiyaha golaha dhaqanka Muqdisho ayaa caawa talooyin muhiim ah siiyay dowladda Soomaaliya, haddii ay rabaan in ay wax ka qabtaan ammaanka caasimada Muqdisho.

Wuxuu sheegay ammaanka magaalada Muqdisho in uu ku dhow yahay in uu faraha ka baxo sida uu hadalka u dhigay, madaxda dowladdana ay diiddan tahay in la tashato shacabka ku nool magaalada.

Wuxuu sheegay wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay in ay muujinayaan heerka ammaanka magaalada.

Nabadood Xaad ayaa qiray in wax wadashqeyn ah uu ka dhexeynin madaxda dowladda, sarakiisha ciidamada iyo shacabka.

Wuxuu ugu baaqay golaha wasiirada xukuumada Cabdiweli haddii ay rabaan in ay wax qabtaan haka soo baxaan madaxtooyada iyo meelaha ku dhowdhow, “Waa in aad degtiin Jidka Wadnaha, Warshadaha iyo Sodonka” ayuu yiri.

Ugu dambeyn nabadoonka ayaa sheegay in ay wax badan oo faa’ido u ah dowladda Xasan Sheekh ay hayaan balse meel ay ku hagaajiyaan aysan heynin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Fowsiyo Yuusuf: “Gabdho badan ayaa ka xumaaday markii ay maqleen in…”

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagu qabtay xaflad lagu sagootinaayo wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, taasoo ka mid ahayd golihii wasiirada horre ee waayay kalsoonida baarlamaanka.

Marwo Fowsiyo ayaa sheegtay in ay sii wadi doonto wax yaabaha ay u qabaneyso dalka “Sagootin uun weeye ee dalka kama tagin waana sii joogayaa” ayey tiri.

Waxa ay aad u amaantay xildhibaannadii iyo wasiiradii ay soo wadashaqeeyeen kuwaasoo ay ku tilmaamtay kuwa howllo fiican isla soo qabtay.

Waxa kaloo ay amaantay wasiirada arrimaha dibedda IGAD sidda kan Ethiopia iyo Kenya, Dr tedros Adhanom iyo Amiina Maxamed, kuwaasoo ay tilmaamtay in ay waxyaabo badan isla soo qabteen oo wanaag ah.

Mar ay ka hadleysa xilka ay heysay oo ahaa labo xil oo waaweyn kuwaasoo kala ahaa wasiirka arrimaha dibedda iyo ra’iisal wasaare ku-xigeen waxa ay sheegtay in markii laga qaaday xilkaas in dumar badan ay ka caroodeen.

“Dumar badan ayaa berrigii dhawaa ee xilka la iga qaaday ka carooday,laakin cayaari waa galin dambe, aan dul qaad muujino xilkaas iyo kuwa kale waan sugeynaa” ayey tiri.

Ugu dambeyn Wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay diyaar la tahay siddii ay gacan uga geesan lahayd horrumarka dalka Soomaaliya.

Fowsiyo Yuusuf ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee xil noocaas kale ka qabta Soomaaliya tan iyo markii Soomaaliya ay xor noqotay sannadkii 1960-kii.

Dad badan ayaa aaminsan in ay wax badan qabatay marwo Fowsiyo muddada ay xilka heysay, wallow la lee yahay lacago badan oo ay lahaayeen shaqaalaha safaaradaha Soomaalida ay ku lee yihiin caalamka ayaa ku maqan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaxda DF oo iscasilaad laga dalbay, xaaladda Muqdisho ka jirta darteed

Muqdisho (Caasimada Online) Siyaasiga Cabdulaahi Sheekh Xasan ayaa dhaliil u jeediyay dowladda Soomaaliya, isagoona sheegay haddii aysan waxbo ka qaban ammaanka caasimada Muqdisho in ay iscasilaan madaxda dowladda.

Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay hadal uu sheegay afhayeenka booliska, kaasoo ahaa in wixii xaley ka dhacay magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa looga gun lee yahay khal khalinta ammaanka magaalada Muqdisho qaraxyadana ay ahaayeen kuwa macmal ah.

“Waxaan ka xumahay in la dhaho wixii xaley ka dhacay Muqdisho waxa ay ahaayeen Bululeer, dad ayaa u dhintay marka haddii ay waxbo u qabaneynin waxa ay ahayd in u tacsiyeeyaan laakin sidda hadalka loo dhigay wuxuu ahaa mid jees-jees ah” ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh Xasan.

Wuxuu kaloo sheegay siyaasigan in dowladda Xasan ay sheegtay in ay la imaan doonto isbadal balse isbadalkaas uusan meesha ka muuqan xittaa haddii xukuumadii horre la dhillay qorshaha ay ku howlgali jirtay.

Siyaasigan ayaa ra’iisal wasaaraha ka codsaday in uu isalo haddii uu arkay in uu wax ka qaban waayay xaallada ammaanka magaalada Muqidsho.

“Haddii aan cidna loo casilin wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay, waxaan is lee yahay meesha cayaar ayaa lagu hayaa waayo inn madaafiic ay ku dhacaan degmooyinka Boondheere iyo Xamar Jabjab lagana soo tuuro waddada Wadna waa ayaan daro” ayuu yiri Cabdulaahi Sheekh.

Labadii habeen khalkhal weyn ayaa ka jiray magaalada Muqidsho kaddib markii qaraxyo ay ka dhaceen kuwaasoo qaar kood khasaaro geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Kenya oo ka hadashay ka bixitaankeda Kismaayo, una sheegtay shacabka…!

Nairobi (Caasimada Online) – Afayeenka ciidamadda Kenya Col Willy Wesonga oo la hadlay shacabka Kismaayo oo dhawaan mudaaharaad ka sameeyey bixitaanka ciidamadda Kenya, ayaa sheegey in uu doonayo in uu shacabka reer Kismaayo u sheego in ay ogaadaan in qaar yar oo ka mid ah ciidamadda Kenya ay ku harayaan Kismaayo.

Waxa kale oo uu sheegey in ciidamadda ka socda dalka Sierra Leone ay badali doonaan ciidamadda Kenya ee ka baxaya Kismaayo, islamarkaasina ay ciidamadaasi yihiin kuwa la awood ah kuwa Kenya.

Waxa kale oo uu sheegey in taliska ciidamadda Kenya iyo inta baddan ciidamadda ay u wareegi doonaan qeybaha kale ee Koonfurta Somalia.

Ciidamadda Kenya ayaa bilaabay in ay ka guuraan magaalada Kismaayo, iyada oo la arkayay maraakiib daad gureyneysa ciidamo meel u dhow dekada iyo waliba duulimaadyo.

Waxa uu hadlayay kadib markii uu xilka afayeenimadda kala wareegey afayeenkii hore Cyrus Oguna oo xil kale ka qabanaya ciidamadda.

Shalay afayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa xaqiiyey in ciidamadda Kenya ay ka baxayaan magaalada Kismaayo, islamarkaasina la wareegayaan ciidamo kale oo ka socda dalka Sierra Leone.

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

[email protected]

Madaxweyne Xasan Sh oo BAYDHABA ku wajahan iyo qorshaha ka dambeeya

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomalia iyo xubno ay ka mid yihiin Wakiilka UN-ka AU-da iyo Midowga Yurub u jooga Somalia ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda gaaraan Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay.

Socdaalka Xasan Sh. Maxamuud iyo Xubnahan ayaa lagu sheegay inay tahay mid la xiriirta sidii ay u qaboojin lahaayeen xiisado ka dhashay rabshado ka dhashay isku-day lagu joojin lahaa Shir Maamul lagu sameynayo oo halkaas ka socda.

Baydhabo ayaa waxaa la geeyay ciidamo Nabadsugid iyo AMISOM isugu jira oo loogu talogalay inay sugaan amaanka Madaxweynaha iyo Xubnahan kale ee lagu wado inay degmadaas gaaraan.

Inkastoo madaxweynaha Somalia uusan weli ka hadlin booqashadiisan oo ah tii labaad oo uu ku tagayo Baydhabo tan iyo markii xilka loo doortay ayaa ku soo beegmaysa xili shirar iska soo horjeeda ay ka socdaan Baydhabo.

Shirarkan ayaa waxaa mid ka mid ah lagu doonayaa in lagu dhiso maamul ay yeeshaan 6-gobol oo Koonfurta iyo Galbeedka Somalia ku yaala halka midka kalena lagu doonayo in lagu dhiso maamul kulminaya 3-gobol oo kala ah Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Xukuumada Somalia ayaa qoraal ay dhawaan soo saartay ku sheegtay inaan la ogolaan karin shirar lagu dhisayo maamulo ka horimaanaya dastuurka u dagsan dalka iyo habka federaalka ah.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada Ethiopia ee dhawaan ku biiray AMISOM ay is-hortaag ku sameeyay shirarka ka socda Baydhabo, taas oo keentay inay dadweynuhu dhigaan dibadbaxyo rabshado wata.

Mas’uuliyiinta hogaaminaysa shirka Maamul u sameynta Gobolada 6-da ah ee Baydhabo ka socda ayaa sheegay in arintaas aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shirkooda oo ay sii wadanayaan.

Warar hoose ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh iyo xubnaha kale ay la hadli doonaan ergooyinka shirarku uga socdaan Baydhabo si ay isugu dayaan inay ka dhaadhiciyaan in hal shir oo ay dowladu ogoshaya la isugu yimaado.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdsiho

[email protected]

RW Cabdiweli : “Wixii xaley iyo habeen horre dhacay waxaan u baahanahay in jawaab nalaga siiyo, haddii kale….”

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ku soo dhammaaday kulan xasaasi ah oo looga hadlaayay ammaanka gaar ahaan qaraxyadii iyo madaafiicada habeenkii labaad magaalada ruxay.

Kulanka waxaa ka qaybgalay ra’iisal wasaaraha, wasiirada arrimaha gudaha iyo amniga, dhammaan guddoomiyaasha degmooyinka gobalka Banaadir iyo saraakiisha ciidamada.

Waxaa si weyn looga looga hadlay wax yaabaha keenay magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku heyso dowladda in madaafiic iyo qaraxyo dhowr saac socday laga maqlo.

Wasiirka amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in kulanka looga hadlay qoddobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin siddii loo ogaan lahaa wax yaabaha sababay in magaalada labo habeen oo isku xiga ay ka dhacaan qaraxyo.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in aan la isaga hari doonin wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay.

Wuxuu sheegay in dhammaan xubnaha maanta joogay kulanka in looga baahan yahay in ay jawaab cad ka bixiyaan wixii ka dhacay Muqdisho.

“Wixii ka dhacay Muqdisho labadii habeen ee la soo dhaafay waxaa mas’uuliyad ay ka saaran tahayxukuumadda waana in ay kula xisabtanto xubnaha hoos yimaada, wixi xaley dhacay iyo habeen horre waxaan u baahanahay jawaab in nalaga siiyo jawaab cad, waxaan u maleenayaa in loo dhan yahay fadhiggan, oo aysan jirin cid wax laga weydiinaayo” ayuu yiri ra’iisal wasaaraha.

Ra’iisal wasaaraha ayaa wajigiisa laga dheehan karay in uu aad uga carooday qaraxyada iyo madaafiicda magaalada ka dhacay labadii habeen ee la soo dhaafay oo aaney cid si rasmi ah loo soo qabtay marka laga reebo dad loo tuhmay oo howgallo lagu soo qabqabtay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Sawirro: Wasiirada cusub ee Puntland oo codka kalsoonida loo qaaday

Garoowe (Caasimada Online) Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay ansixiyeen golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wakiilada maamulka Puntland ee Garoowe, waxaa ku sugnaa dhammaan inta badan xildhibaannada baarlamaanka maamulkaas iyo madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo golaha wasiirada cusub.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, Siciid Xasan Shire oo shir guddoominaayay fadhigga maanta ayaa gabagadii ku dhawaaqay natiijada, wuxuuna tilmaamay in dhammaan xubnaha baarlamaanka ee kulanka joogay in ay codka kalsoonida siiyeen wasiirada oo aaney jirin.

Intaas kaddib waxaa kula ka hadlay madaxweyne, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa u horreyn u mahadceliyay xildhibaannada barlamanka sida sharrafta leh ee ay u ansixiyeen xubnaha wasiirada xukuumadiisa.

Wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay wax ka qabanayso arrimaha ammaanka, horumarka, midaynta bulshada, kobcinta dhaqaalaha iyo la dagaallanka musuqmaasuqa.

Wuxuu kula dardaarmay wasiirrada inay hufnaan ugu adeegaan dadkooda, isagoona u mahadceliyey golaha wakiillada Puntaland.

Si kastaba, xubnaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo ka kooban 47 xubnood ayaa la magacaabay dabayaaqadii bishii horre Janaayo ee sanadkan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Horumarka ka socda Muqdisho

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka hir galay arin aad loogu farxo taa oo ah arin qof walba oo arka ama maqla uu aad ugu farxayo taa oo ah Teknoolajiyadii ugu dambeeyay ee Caalamka laga isticmaalo oo dalka maanta laga helayo.

Hadii Shalay aad dalka ku ogeyd burbur iyo dagaal maanta waa kan ee ogoow in wax kasta oo Caalamka laga isticmaalo laga helayo dalka hadii ay ahaan lahaayeyn wax yaabihii aan dalalka dariska u doonan jirnay oo maanta dalka laga helayo ee nala daawo muuqaalkaan farxadeeed.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Xubnihii DF ee lagu xiray Hargeysa oo xog badan shaaca ka qaaday (Aqri)

Addis Ababa (Caasimada Online) Dhawaan waxaa garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa lagu xiray seddax sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya, kuwaasoo maamulka Somaliland uu ku eedeeyay in ay rabeen si dhuumaaleysi in ay ku soo galaan magaalada Hargeysa.

Wasiirrka arrimaha gudaha ee Somaliland, Cali Maxamed Waran-cadde ayaa sheegay inay doonayeen inay si sharci darro ah ku galaan Somaliland.

Haddaba BBC-da ayaa waxa ay wareysatay Jaamac Maxamed Jaamac oo ka mid ahaa seddaxda sarkaal ee lagu xiray garoonka Hareysa.

Wuxuu beeniyay in Hargeysa ay ku sii jeedeen, isagoona intaas ku daray in si xoog looga qaaday baasaboorkooda markii ay ka soo dageen garoonka Cigaal

Wuxuu sheegay in muddo kooban ay doonayeen in ay ku hakadaan garoonka diyaaradaha Hargeysa si ay u sii raacaan diyaarad ku sii jeeday Addis Ababa, balse si xun loola dhaqmay intii ay joogeen garoonka oo tacadiyo loo geestay sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale in ay ku socdeen magaalada Addis Ababa si ay uga qaybgalaan shirar caalami ah oo halkaas ka dhcayay.

Si kastaba, maamulka Somaliland ayaa sheegay in aan cid xil ka heysa aysan ka soo gali Karin deegannada Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

KASHIFAAD: Muqdisho oo xaalku xun yahay iyo madaxdii oo xafladeeneysa

Muqdisho (Caasimada Online) – Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka taagan xiligaan Isqab-qabsi Xoogan oo ku aadan Dhanka Shidaalka, ka dib markii la shaaciyey in Garoonka ay ka jirto Shidaal la’aan.

Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka Gen Bashiir Goobe iyo Taliyaha Booliiska Soomaaliya Gen Saacid ayaa xalay Xaflad (party) ku lahaa hoteelka Jasiira ee Magaalada Muqdisho xili xalay iyo habeen horeba madaafiic lagu garaacayey magaalada Muqdisho, Taliyayaashaan oo laga sugayey inay sugaan amniga Dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in shaqadoodii kusoo aruurtay in habeenba hotel xaflad ku qabsadaan oo loogu heeso.

Madaxweyne Hassan Sheekh oo shalay galab booqanayey Safaarada Turkiga ee Magaalada Muqdisho ayaa 8-da Saac loo xiray dhamaan wadooyinka madaxtooyada kasoo baxa ilaa safaarada Turkiga, iyadoo jidadka dhan lagu daadiyey ciidan.

Xili jidadkii la xiray ay weli sidoodii u xiran yihiin Taliyayaasha Hay’adda Nabadsugida iyo Booliiska Gen Bashiir Goobe iyo Gen Saacid-na Xaflad loogu heesayo ku dhiganayeen hoteelka Jasiira ee magaalada Muqdisho ayaa xalay magaalada Muqdisho lagu asqeeyay Hoobiyayaal laga soo tuurayo xaafado kala duwan oo ka tirsan magaalada Muqdisho.

Xafladda xalay Taliyayaasha nabadsugida iyo Booliisaka ku dhiganayeen hoteelka Jasiira ayaa la sheegayaa inay la joogeen taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Gen Madaale, Taliyaha Hawlgalada Gen Maalin, Khaliif Ereg oo ah Gacanta midig ee Taliyaha Hay’ada Nabadsugida qaranka ahna Kaaliyaha xaga hawlgaladana ku magacaaban, waxaa kale oo xaflada xalay ku sugnaa taliye ku xigeenka Nabadsugida Gobolka Banaadir Mr Cawle, Xili la sheegayo in Taliyaha Nabadsugida gobolka Banaadir Mr Koofi uu safar dalka uga maqan yahay isaga oo la maqan waftiga wasiirka gaashaandhiga.

Dhaawaca Shacabka ee hoobiyayaasha lagu garaacay ayaa la sheegayaa inaan la gaarsiin Karin inta badan isbitaalada maadaama jidadka magaalada weli u xiran yihiin booqashadii madaxweynaha ee safaarada Turkiga oo galabtadii hore aheyd.

Xafladeynta madaxda amaanka ay ku qabsanayaan hoteelada kala duwan iyagoo habeenba hotel looga heeso, iyaga iyo saaxiibadood oo rag iyo haween isugu jira ayaa ah mid joogto ka noqotay magaalada Muqdisho.

Madaxda Dalka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Hassan Sheekh iyo Wasiirka Aminiga qaabilsan ayaan aheyn kuwo la xisaabtama masuuliyiinta dawladda ka haya xilalka kala duwan, Wasiirka Amniga Mr Cabdikariin ayaa lagu sheegay inuu yahay nin aan amni waxna uga bilaawneeyn, loona dhiibay shaqo aan shaqadiisa aheyn.

Magacaabida Cabdikariin ee wasiirka amniga ayaan ku saleysneyn aqoon iyo qibrad balse uun ku timid kamid ahaanshaha kooxda talada Dalka gacanta ku heysa ee damujadiid iyo Saaxiibnimada dhow ee uu la yahay Madaxweyne Hassan Sheikh iyo ka sareeyaha Madaxweynaha wasiirka Dastuurka iyo Cadaalada Faarah Abdulkadir.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

DF oo ku tilmaantay qaraxyadi xaley ka dhacay Muqdisho kuwa been abuur ah

Muqdisho (Caasimada Online)Dowladda Soomaaliya ayaa ka warbixisay madaafiic iyo qaraxyo habeenkii labaad laga maqlay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afhayeenka ciidanka booliska Generaal Maxamed Yuusuf Madaale oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in qaraxyada laga maqlay magaalada ay ahaayeen kuwa macmbal ah oo been abuur ah, kuwaasoo aan geesan wax khasaaro ah.

Wuxuu sheegay oo kale in looga gun lahaa in la khakhal galiyo ammaanka magaalada si beesha caalamka loo tusu in ammaan aysan ahayn caasimada.

Wuxuu sheegay in qaraxyada ka dhacay magaalada in ay ahaayeen kuwa inta badan ay adeegsadaan ciidamada xilliyada ay tababbarka qaadanayaan iyo kuwa Filimada lagu jilo oo bug ah.

Wuxuu afhayeenka booliska tilmaamay in howgal laga sameeyay magaalada xaley markii qaraxyada ay dhaceen lagu soo qabtay in ka badan 50 qof oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen falalka ammaan darida ee magaalada ka soo cusboonaaday.

Marka laga soo tago hadalka afhayeenka booliska, waxaa xaqiiqo ah in xaley magaalada ay ku dhaceen hoobiyaal kuwaasoo khasaaso geestay oo shan qof ayaa ku dhaawacmay.

Hoobiyaasha ku soo dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in laga soo tuuray xaafado ku yaalla degmada Deyniile ee duleedka magaalada Muqdish, sidda ay lee yihiin saraakiisha ciidamada.

Xaalada ammaanka magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan in kastoo waddooyinka waaweyn lagu arakyo ciidamo fara badan oo suga ammaanka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Arag Sawirrada: Magaalada Gaalkacyo oo dib u dhis xooggan uu ku socdo

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa shantii Sano ee ugu danbaysay waxaa ay hormar wanaagsan ka samaysay xaga dhismayaasha Iyadoo taasi keentay in isbedel guud ku yimaado Muuqaalka magaalada islamarkaasi tartaran kula jirta magaalooyinka waa weyn ee dalka soomaaliya.

Dhisamayaashan Qurux badan ayaa waxaa dhisanaya dadka deegaanka oo isugu jira qurjoogta iyo kuwaa jooga gudaha gobolka Mudug.

Gaalkacyo ayaa dhismayaasha kusoo badanaya waxaa ka mid ah Hotelada, Supermarkedyada, Jaamacadaha, Masaajida waaweyn, wadooyinka oo laami ah iyo dhismayaal kale oo badan.

Halkan ka arag sawirrada dhismayaasha Gaalkacyo

gal 1gal 2gal 3gal 4gal 5gal 6

Daawo Video: Howlaha dib u dhiska ee ka socda Degmada Warta Nabdda

Degmada Warta Nabadda oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa noqotay Degmada ugu howsha & dib u dhiska ayadoo la timid qaab ka duwan qaabka ay u shaqeyaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Bilicda iyo sida ay tahayn Degmada Warta Nabadda maanta waxaa u horseeday howlaha burburta guryaha sharci darada ah ee wadooyinka ku yaalay iyo in ay iska xaaqday waxii qashin ahaa ee yaalay degmadaasi waana horumarka maanta ee dalka u baahan yahay ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Dad loo qabtay wixii caawa Muqdisho ka dhacay

Muqidsho (Caasimada Online) Maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in dad loo soo qabqabtay hoobiyaal iyo rasaas habeenkii labaad caawa laga maqlay magaalada Muqidsho.

Afhayeen maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf Axmed oo la hadlay Raadiyaha dowladda ee Radio Muqdisho  ayaa sheegay in hoobiyaasha ku soo dhacay Muqdisho caawa looga gun lee yahay in dadka loo sheego sawir qaldan oo ah in magaalada aysan ammaan ahayn.

Wuxuu afhayeenka tilmaamay in howgal ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen goobaha madaafiicda ku soo dhacay laga qabqatay wax uu ugu yeeray kooxo nabad diid ah oo la marin habaabiyay

Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir ayaa ka gaabsaday in uu sheego tirada la soo qabtay balse wuxuu caddeeyay qaar badan dadka la soo qabtay in ay caddeeyen in madaafiicda magaalada ku soo tuureen isagoona intaas  in ay hadda ku socdaan baaritaanno.

Hadalka afhayeenka gobalka Banaadir ayaa ku soo beegmay iyadoo habeenkii labaad caawa magaalada Muqdisho ay ku soo dhaceen hoobiyaal kuwaasoo geestay khasaaro naf, balse si dhab ah looma oga inta ay la egtahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Magaalada MUQDISHO oo uu caawa ka socdo kulan xasaasi ah oo looga…!

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Muqdisho uu ka socdo kulan looga hadlaayo arrimaha ammaanka, gaar ahaan madaafiic iyo qaraxyo xaley iyo caawa laga maqlay degmooyinka qaar.

Kulanka oo ka dhacaya mid ka mid ah xarumaha dowladda waxaa ka qaybgalaya wasiirada arrimaha gudaha, amniga, gaashandhigga, warfaafinta iyo taliyaasha ciidamada dowladda.

Kulanka oo saxaafadda banaanka ka joogto ayaa aad looga hadlayaa wax yaabaha keenay in habeenkii labaad madaafiic laga maqlo magaalada oo ay gacanta ku heyso dowladda.

Wasiirada ayaa warbixino ka qaadanaya saraakiisha ciidamada dowladda, waxaana magaalada meelo ka mid ah ka billowday.

Waxaa la filayaa marka uu soo dhammaado kulanka looga hadlaayo arrimaha ammaanka Muqdisho oo ay lee yihiin saraakiisha ciidamada in saxaafada loo sheego waxyaabaha kulanka looga hadlay.

Dhinaca kale, Afhayeenka maamulka Gobalka Banaadir, Maxamed Yuusuf oo la hadlay Raadiyaha dowladda ayaa sheegay in hey’addaha ammaanka ay gacanta ku dhigeen qaar ka mid ah raggii falalka ammaan darada ka wada magaalada Muqdisho soona haga madaafiicda caaasimada lagu soo tuuro.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

 

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]