28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Sh/Hoose iyo Sh/Dhexe oo shaaca ka qaaday dhismaha maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacay kulan ballaaran oo looga arrisanayay maamul cusub oo loo sameenaayo gobalada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Kulanka waxaa ka qaybgalay xildhibaanno, siyaasiyiin iyo odayaal, waxaana ay goobta ka sheegeen in ay diyaar u yihiin siddii maamul gobaleed loogu sameen lahaa labada Shabeelle.

Siddo kale, waxaa kulanka goobjoog ka ahaa guddoomiyaasha Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe Cabduqaadir Maxamed Nuur Siidii iyo Cabdi Jiinow Calasow.

Xildhibaannada kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa, Cumar Maxamed Maxamuud Finish, Maxamed Cumar Dalxa,Maxamed Dalxa, Daahir Amiin Jeesow iyo Xubno kale.

Cumar Finish oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay haddii ay yihiin xildhibannada ka soo jeeda labadan gobal in ay taageersan yihiin qorshaha ay soo jeediyeen dadka ku dhaqan labada Shabeelle iyo maamulkooda.

Wuxuu sheegay in markii horre la isku keenay in lix gobal la dhiso ama seddax gobal oo ay ku jiraan Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Gobalka Banaadir.

Mar uu ka hadlaayay ergooyinka uga qaybgali doono dhismaha maamulka cusub, wuxuu sheegay in labada gobal laga rabo 400 xubnood “Marka isku geyn waxaa laga rabaa in labada gobal ay keenaan 800 oo ergo”ayuu yiri.

Wuxuu caddeeyay shacabka ku dhaqan labada Gobal in ay isku raaceen in la dhiso maamul ay ku mideesan yihiin sidda uu yiri.

Dhammaan xildhibaannada kale iyo dadka ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in ay arkaan dadka ku dhaqan labada gobal oo dhisanaya maamul ay ku mideesan yihiin.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Madaafiic habenkii 2aad lagu garaacay Muqdisho, waddooyinka qaar oo xiran, Bandow jira iyo xaaladda oo kacsan

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow degmooyinka magaalada Muqdisho laga maqlay madaafiic iyo rasaas xooggan oo ku soo dhacaya xaafadaha qaar.

Degmooyinka laga maqlay madaafiicda waxaa ka mid ah Boondheere, Dharkeenley,Wadajir, Xamarweyne, Xamar iyo Jajab.

Madaafiicda qaar ayaa la sheegay in ay geesteen khasaaro, waxaana caawa marka loo eego habeenkii xaley ay ka badalntay madaafiicda.

“Annigoo ku sugan Macmacaanka oo ka tirsan degmada Dharkenley ayaa waxaa hal mar maqalnay qarax ka dhacay xaafada Tabakaayo Madow, kaddib xabado ayaa is qabsatay waddadawaan cararnay, ma arkin cid wax ku noqotay goobta balse waxa ay ahayd meel aad mashquul u ah oo qaad ayaa lagu iibiyaa” ayuu yiri goobjooge noo warramay.

Sidoo kale waxaa xiran qaar ka mid ah waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, sidda Makah Al-Mukaram oo xaley fiidkii ay ku dhaceen madaafiic xooggan oo khasaaro geestay.

Ciidamada dowladda ilaa hadda kama hadlin madaafiicdan xooggan oo habeenkii labaad lagu garacaayo magaalada Muqdisho.

Arrimahan maxay salka ku hayaan?

Ilo Wareedyo lagu kal soonaan karo ayaa noo sheegay in arrimahan ammaan darada ee ka soo cusboonaaday magaalada ay ka dambeeyaan markii taliyaha ciidamada xooga uu isbadal ku sameeyay taliyaal iyo saraakiil ciidan kuwaasoo ku sugnaa qaybo kamid ah degmooyinka laga maqlaayo madaafiicda iyo rasaasta.

Waxaa ciidamada la ruqseeyay ka mid ahaa ciidamo dhowr guuto ka koobnaa oo ku sugnaa Xaafada Xoosh ee degmada Dharkeenleey kuwaasoo seddax habeen ka hor baneeyay saldhigyadii ay ku sugnaayeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Amisom oo shaaca ka qaaday cidda ka dambeysa in ciidamada Kenyanka laga wareejiyo magaalada KISMAAYO

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Howl galka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa markii u horeysay ka hadlay wararka sheegaya in Ciidamada Kenya laga bedeli doono Kismaayo, isla markaana laga wareejin doono mas’uuliyada amniga magaalada.

waxa uu sheegay in qorshahan uu dabo yaallo codsi horey ay Dowladda Somalia ugu gudbisay Midowga Africa, oo ahaa in Kenya laga wareejiyo Kismaayo.

Wareysi uu siiyaya laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayuu Col, Cali Aada Xumad ku xaqiijiyay in Ciidamada Kenya laga saari doono magaalada,  balse aanay ka bixi doonin dalada AMISOM, hase ahaatee la sameeyay dib u habeyn xaga ciidanka qorshihiisa ah.

“Ciidamada Kenya kama baxayaan AMISOM dib u habeyn xaga ciidanka qorshihiisa ayaa socda, Kismaayo ayaa laga saari doonaa kaliya, waxaa lagu wareejinayaa Ciidamada Sierra Leone iyo ciidamada Brundi, laakiin waxaa jiri doona qeyb yar oo la howl geli doona Kenyan ah”ayuu yiri Col. Cali Aadan Xumad.

Col. Cali Aadan Xumad ayaa intaa ku daray in Ciidamada Kenya kaliya laga bedelay hogaanka qeybtii afaraad, isagoo xusay in qeybta Kismaayo labo loo qeybiyay oo kala ah Sierra Leone iyo Brundi sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sababta keentay in is bedelada ay dhacaan ayuu sheegay in ciidamada Itoobiya ay ku soo biireen howl galka AMISOM, isla markaana ciidamada la wareegeen qeybta Baydhabo oo ah qeybta saddexaad, isagoo tilmaamay in Ciidamada Uganda iyo kuwa Brundi ay kala wareegeen qeybtaas.

“Waxaa keenay is bedeladaas inay dhacaan waxaa ka dambeysay ciidanka Itoobiya oo Mas’uuliyada AMISOM soo hoos galay qeyb ayuu ka qaaday doonaa, waxayna hogaanka u heynayaan qeybta saddexaad, qeybta koowaad waa Muqdisho, qeybta labaad waa Labada Shabelle oo Ciidamada Brundi iyo Uganda ay hogaanka heynayaan, qeybta afaraad waa tan Hiiraan”ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada AMISOM.

Col. Xumad ayaa sheegay in kaliya Mas’uuliyadaha la qeybsaday, isla markaana howlaha ay bilaabanayaan, waxaana uu cadeeyay in Ciidamada Brundi ay qeyb qeyb u tagi doonaan magaalada Kismaayo.

Go’aanka lagu bedelay Ciidamada Kenya qeybtii ay hogaanka u hayeen magaalada Kismaayo ayaa ka dambeysay qoraal dowladda Soomaaliya u qortay sanadkii hore Midowga Afrika, kaasoo ku aadanaa in Ciidamada Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn, isla markaana dhinac gaar ah la safatay dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo, iyadoo dowladda dalbatay in ciidan isku dhaf ah la geeyo.

Isha Jowhar.com

P/Land oo soo bandhigtay mas’uuliyiin ka soo goostay Somaliland + Sawirro

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa maanta oo Isniin ah lagu soo bandhigay labo xubnood oo ka soo jeeda maamulka Somaliland kuwaasoo ka soo goostay dhinaca gobalka Sool.

Labadan mas’uul oo lagu kala magacaabo Cabdalle Digaale iyo Mukhtaar Mahad Cawad ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen golaha deeganka magaalada Laasacaanood.

Waxaa soo dhaweyntooda ka qayb qaatay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo ay ku jiraan wasiiro kuwaasoo sheegay in ay ku faraxsan yihiin ragga ka soo goostay dhinaca Somaliland.

Labada mas’uul ee ka soo goostay dhinaca Somaliland oo la hadlay saxaafadda ayaa ugu horreyn sheegay in ay soo dhaweenayaan qaabka loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe iyo in ay ku faraxsan yihiin dhowr sanno kaddib in ay yimaadaan magaalada.

Waxa ay ballan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan maamulka hadda jirra ee uu madaxweynaha ka yahay Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo in ay kor u qaadi doonaan horrumarka Puntland.

Dhawaan ayaa magaalada Garoowe tagay labo madaxweyne oo ka tirsanaa maamulka Khaatumo kuwaasoo hadda xilal ka haya wasiirada maamlka cusub ee Puntland.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Soomaaliland oo ku aadan mas’uuliyiinta la sheegay in ay ka soo goosteen.

1-
4-Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Somaliland oo mamnuucday Universal

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah waxa ay xireen xafiiska talafishanka af-Soomaaliga ku hadla ee Universal, kaasoo ay ku eedeeyeen inuu aflagaado u geestay madaxweynaha maamulkaas Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse oo shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa sheegay in guud ahaan Somaliland laga mamnuucay talafishanka Universal, kaddib markii uu dhawaan baahiyay barnaamij Majaajilo ah oo lagu aflagaadeenayay madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in maxkamad ay la tiigsan doonaan talafishankaas oo aaney intaas uga hari doonin sidda uu hadalka u dhigay.

Tv-ga ayuu ku eedeeyay in uu gaf iyo meel kadhac ku sameeyey madaxweynaha Somaliland oo uu dacaayad raqiis ah ka abuuray.

Wuxuu ku eedeeyay talishanka Talafishanka Universal in ay la wareegtay dowladda oo xafiis uu uga sameeyay magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale, Mulkiilaha talafishanka Universal Injineer Axmed Abuukar oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa arrintaas cambaareeyay, wuxuuna sheegay in tallaabada Somaliland ay qaaday uu ka hor imaanayo xuriyada hadalka.

Wuxuu beeniyay in wax xafiin dowladda aaney uga dhisin magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay barnaamijka ka baxay Talafishan ee la yiraahdo Faaliyaha Qaranka in aanu ahayd mid sisaasadeesan balse uu yahay mid maad oo aan cidna loola jeedin.

Caaskimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]
 

Daawo Sawirro cajiib ah: TURKIGA oo dib u qurxinaya masjidka Is-baheysiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha Diinta iyo Awqaafta Somalia, ayaa kormeeray masjidka weyn ee Isbaheysiga, magaalada Muqdisho, oo hadda dib loo dayac tirayo.

Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa markii uu tagay masjidka weyn ee Isbaheysiga, wuxuu u mahad celiyay wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Diinta ee xukuumadda Turkiga iyo dowladda hoose ee dalkaasi, oo masjidka dhisaya.

Masjidka weyn ee Isbaheysiga ayaa xilligaan waxaa ka socda howlo dayac tir ah oo ay wadaan shaqaalo Turkish ah iyo qaar Soomaali ah.

“Waxaan ballan qaadeynaa wixii kaalmo iyo xanaaneyn ah in aan u taagan nahay”, ayuu yiri Ridwaan Xirsi Maxamed, wasiirka Diinta iyo Awqaafta ee dowladda Soomaaliya.

Halkan ka daawo Sawirrada dhismaha masjidka

Isbaheysi 1Isbaheysi 10Isbaheysi 3Isbaheysi 3Isbaheysi 4Isbaheysi 5Isbaheysi 6Isbaheysi 7Isbaheysi 8Isbaheysi 9

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

DAAWO VIDEO: Muuqaalka Sare ee Bilicda Muqdisho & Sanadkaan 2014.

0

Magaalo Madaxda Caasimadda ah ee Muqdisho oo sanadkaan cusub ee 2014 ay noqotay Sanadkii Bilicda Muqdisho oo dad badani ay la dhacsan yihiin dib u soo kabsashada Magaalada xarunta u ah Dalka Somalia. Muqdisho isma lihin sidaan ayeey durbaba uga kabsatay 23 sano oo dagaal iyo burbur xoogan ku dul habsanaa Balse maanta Magaalada waa meel indhaada ay marna ka jeeysaneynin ee nala daawo muuqaalka dusha sare ee Muqdisho iyo sida ay tahay maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Bannaanbax looga cabanaayo kooxo burcad ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa maanta bannaanbax ka dhigay halkaas, iyagoona ka cabanaya kooxo burcad ah oo lacago  baad ah ka qaada.

Waxa ay xireen dhammaan mehradahooda ay ku lee yihiin suuqa, iyagoona sheegay ilaa inta wax laga qabanaayo in aysan furi doonin.

Mid ka mid ah ganacsatada bannaanbaxa dhigayay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maalin kasta laga qaado lacago  baad ah oo aan tabartooda ahayn “Haddii dalka ay dowlad ka jirto hanala qabto dhibaatooyinkan nalagu hayo” ayuu yiri ganacsadahan.

Wuxuu sheegay oo kale in dhaca ka sakow loo geesto dhibaatooyin ganacsatada ku dhaqan suuqa Bakaaraha.

Wuxuu ganacsadahan ugu baaqay maamulka degmada Howlwadaag in ay wax ka qabtaan ciidamadaas oo haddii ay dowladda ka tirsan yihiin tallaabo laga qaadi haddii kale la sheego.

Bannaanbaxa maanta ka dhacay Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayaa ku soo beegmaya iyadoo koox hubeysan ay dharaar cad ah xarunta ganacsiga Sava Group ay ka dhaceen lacag kor u dhaafeysa 50 kun oo dollar mana jirto cid wax ka qabatay dhibaatadaas iyo kuwa kale oo horrey suuqa uga dhacay.

Caasiamda Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Faah-Faahin dheeri ah oo ku saabsan wixii xalay ka dhacay MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) Faah-faahin ayaa laga helayaa madaafiic xaley fiidkii lagu garaacay meelo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan waa ay ku dhaawacmeen madaafiicdaas habeenkii xaley laga maqlay magaalada gaar ahaan waddada mashquulka badan ee Makah Al-Mukaramah.

Markii madaafiicda la maqlay dadka ayaa kala cararay kuwaasoo ka caweenayay waddooyinka magaalada Muqdisho.

Ma cadda, cidda magaalada madaafiicda ku soo tuurtay, balse ma ahan wax ugub ah in madaafiic laga maqlo magaalada oo hadda ka roon xagga ammaanka xilliyadii horre.

Ciidamada ammaanka ayaa markii madaafiicda la soo tuuray waxa ay adkeeyeen ammaanka iyagoona lagu arkayay isgoyskasta sidda uu sheegay wariyaha  Caasimada Online ee Muqdisho.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa saakay deggan, waxaana caadi isku socodka dadka iyo gaadidka, mana jirto wax saameeyn ah oo ay ku yeesheen madaafiicdaas.

Ma jirto cid ka hadashay madaafiicda xaley lagu garacaay magaalada oo ay joogaan ciidamo fara badan oo isugi jirra AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo shaacisay sababtii ay u xirtay mas’uuliyiinta DF Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Soomaaliland ayaa waxa ay ka hadleen tallaabada ay ku xireen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maalin kahor Garoonka diyaaradaha Magaalada Hargaysa laga qabtay, xilli ay doonayeen inay galaan Magaalada.

Wasiirka arimaha gudaha Soomaaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa sheegay inay mamnuuc utahay in saraakiil ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya inay galaan deeganada Soomaaliland ay ka taliyaan.

Wuxuu sheegay in arintani la isugu soo hadal qaaday shirkii dhawaan kusoo dhamaaday dalka Turkiga Soomaaliland, ay diiday in saraakiil ka socota Dowladda ay tagaan Magaalada Hargaysa.

Wasiir Warancade, ayaa ku tilmaamay tallaabada saraakiisha Dowladda ka tirsan ay ku tageen Magaalada Hargaysa ay tahay mid xadgudub ah, maadaama arintani ay kawada hadleen masuuliyiinta Dowladda Soomaalida.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta ee Somaliland C/waaxid C/qaadir C/raxmaan, oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA, ayaa sheegay inay diyaarad kale saareen Saraakiisha Dowladda Federalka.

Wasiirka muusan kala cadayn in Saraakiishaan ay dib ugu celiyeen Magaalada Muqdisho iyo in ay horey ugu sii daayeen Magaalada Hargeysa, laakiin waxaa la xaqiijiyay in ay Hargeysa u yimaadeen, sidii ay ku gaari lahaayeen Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Saraakiisha Magaalada Hargaysa lagu xiray ayaa waxaa kamid Maxamed Jamac Maxamed oo xafiiska Madaxweynaha dhanka Paratakoolka u qaabilsanaa iyo Fahiimo Urur Nageeyo oo shaqaalaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka tirsan iyo shaqsi kale oo aanan helin darajadiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

DF Somalia oo qaati laga taagan yahay

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa shalay ka dhacay kulan ballaaran oo ay goobjoog ka ahayeen siyaasiyiin, xildhibaanno iyo bulshaqada qaybaheeda kala duwan, kuwaasoo ka hadlayay sababta keentay in loo car qaladeeyo shiir dowlad gobaleedka loogu sameenaayo lixd gobal oo ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Kulanka oo ay joogeen xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda lixda gobal, ayaa dhaliilay dowladda Soomaaliya, waxaana ay ku eedeeyeen in ay carqaladeeneyso shirkaas.

Mas’uuliyiinta ka hadlay goobta waxaa ka mid ahaa Xildgabaannada kala ah Sheekh Aadan Madoobe iyo Xuseen Maxamed Muuse Baantuu

Waxa ay labadooda sheegeen in dowladda ay ku qaldan tahay in arbushaad ku sameeyso shirka ka socdo Baydhabo, waxaana ay cambaareeyeen falkii dhawaan ay is hor taageen ciidamada AMISOM odayaasha ku shirsan xarunta ADC-da ee Baydhabo.

Xuseen Baantuu ayaa sheegay isagoo ku hadlaya magaca shacabka ku dhaqan Jubbooyinka inay taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobalka, wuxuu caddeeyay in maamulka KMG ah Jubba in uu yahay maamul gacan ku sameys ah oo aan dadka u wada dhameyn.

Sidoo kale Xildhibaan Aadan Madoobe oo horrey u soo noqday guddoomiyaha golaha baarlamaanka, ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaatay nidaamka fedaraalka siddaas darteed haddii lixda gobal dadka ku dhaqan ay diyaar u yihiin in sameestaan halo maamul in loo daayo oo aan laga fargalin.

“Shirka Baydhabo waxaa car qaladeebata dowladda Soomaaliya oo la rabay in ay taageerto maadamma uu hadda socdo hal sanno iyo maalo sidda ay noo sheegeen howlwadeenada shirka.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay siyaarsiiyin iyo haween kuwaasoo sheegay in taageersan yihiin shirka maamul u sameynta lixd gobal ee Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

XOG IYO GORFEYN: Qaranimo Fog inta Qabiil Mudnanta Lee yaahay (Aqri)

Hananka Dawladnimo wuxuu hana qaadi karaa markuu kafoog yahay qabiilaysi nin jaclaysi iyo eex` waxaa hubala markii Hogaamiyuhu uu ka fogaado arrimaha qabiilka inuu yeelan doono hanan qaranimo ummada soomaaliyeed waxaa ku habsatay cudur an daawo lahayn kaas oo ah (Qabiil) qabiil waa midka 23 Sano Soomaali wayn halka ay manta taal dhigay waana adag tahay in cudurkaas daawo loo helo hogaamiye kaste markii xilka loo dhaarsho ayuu ku dhacaa (bohol) qabiil.

Qaranimo fog inta qabiil mudnanta leeyahaay

Inta qabiilku mudnaanta leyahay Soomaaliya qaranimo ka dheer mana gaari doonto hanan Dawladnimo Soomaaliya dhammaanteed waxaa ka jira hanan loogu magac daray yuu yah taas oo ah qabiilkee ayuu ka dhashay taasina waxay gabi ahaanbaa baa`bi,isaay hanankii iyo sharaftii qarankii Jamuuriyaddii Soomaaliya.

Caalamka inta badaan waa ka jirtaa hananka qabaa,iilka haba ugu badnato Wadamadda Carabta laakiin mida Soomaaliya ka jirta aad ayey uga duwan yihiin marka ay timaado hananka dawladnimo waxaa laga yaaba inay ku xisaabtamaan boqor tooyo laakiin aysan ku salayn dhammaan qaranka oo dhan inuu hab qabiil ku yimaaddo.

Soomaaliya waxaa kahana qaaday mamulo ku dhisan qaab qabiil kadib markii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya bur-burtay waxaa is ababulay shacabkii waqooyi Galbeed Soomaaliya waxayna dhisteen mamulka Somalind inkastoo ay ku doodayaan inay Soomaaliya ka GO`ayaan waxaa kale oo hana qaaday Puntland oo ah qayb kamida Bartamaha Soomaaliya iyo waqooyi Bari Soomaaliya. Muxuu yahay mamulka ka dhisan Puntland.

Puntland

Puntland alle mahadis waa mamul aad loogu diirsaday waxayna arrintaas ka timid alle kaso kow ummadda halkas tagta oo muujisay isku tanaasul buuxa oo aad moodo inay Soomaalida kale uga duwan yihiin isku tanaasulka markii ay timaado wax qabsiga

Xagee bay ka timid Puntland

Puntland waxay kakooban tahay qabaa,iilo wawayn oo isku tagay kadibna ku Heshiiyey inay maslaxadooda ka tashadaan ayna hanan dawladnimo muujiyaan si,ay u Raadiyaan qarankii Soomaaliyeed ee masiibadu ku habsatay waxayna ku heshiyen in cadaaladu ka bilaabato Puntland kadibna ay Soomaali wayn cadaalad wax ugu raadshaan.

Qaranka iyo qabiilka kee mudnanta leh

Puntland waxay jirsatay 15 sano waxaana hogaanka u haya Hal- Beel oo kamida beellaha ku hishiiyey inay maslaxadooda ka wada tashadaan waxaase mooda inay xaalku yahay qaab Boqortooyo oo kale maxaa yeelay waxaa markhaati kuku filaan Hananka iyo habka wax loo qabsaddo oo aad moodo inay ku salaysan tahay mudnanta waxaa leh reer hebal.

Waa hubaal inaysan jiriin hab dimuquraddiyadeed oo Soomaaliya hada ay wax ku qabsato hananka kaliya ee jirana uu yahay Hal beega qabiilka taas oo ka jirta dhammaan gayiga Soomaaliya min waqooyi min koonfur ilaa Puntland inta hada xasiloonidu ka jirto Soomaaliya

Puntland waxaa hogaanka u qabtay aqoonyahan aad dad badani ay ugu durbaan Tumayeen inuu Puntland hogaansho waxaa laga filayey inuu aqoontiisa wax ku Mareeyo Kana digtoonaado mareegta Qabiilaysiga ku dhisaan waxaase mooda inay ka xoog badnatay aqoontisii inagaa mudaan.

Eex.

Hadii loo fiirsho hananka wax qaybsiga Puntland waa in madaxwaynuhu uu noqdaa qaybiyaha hal beega Puntland asaga oon u eexanayn ciidna maxaa yeelay wuxuu matalayaa waa dhammaan ummadda ku heshiisay inay wax wada wadaagaan isna qadariyo laakiin waxaa jirta eex na loo meel dayiin.

Filashadii dadwaynaha Puntland

Xukumadda Madaxwayne Cabdi wali Maxamad Cali (Gaas) uu soo dhisay aad ayey u Tiro badaan tahay dad badana ma filaayn inay intaas gaarayso xukumadda Gaas laakiin waxaa xaqiiqaa waxa heerkaas gaarsiiyey waa hananka wax lagu qaybsado oo` ah mid an qaranimo ku sifoobin ee ah qabiil.

Ololihii Madaxwayne (Gaas)

Madaxwaynaha ayaa ololihiisii wuxuu shacbiga Puntland u balan qaaday xukumad Tiro yar oo tayo leh hadii uu taas ka run sheegi lahaa waxaa hubaala in xataa beelaha ay ku qanci lahayeen oo ay gar naqsan lahayeen laakiin beelaha ayaa intoota badan hada ka biyo diidsan habka uu,madaxwaynuhu ula dhaqmaay iyo wasiiro tiro badan laakiin An wili tayadooda la araag

Halbeega iyo Cadaalladda Madaxwaynaha (Gaas)

Hal`beega madaxwaynaha iyo ildoofka ku aadan habka uu,u qaybiyey golaha Xukuumadda waxa jira marhadii qaab qabali wax lagu qabsanaayo inay mudnanta leedahay belaha kale ee ka baxsan beesha uu ka sôo jeedo madaxwaynuhu laakiin madaxwayne Gaas ayaa taas iska indha tiray kadib markii uu saan wax u qabiyey.

1-Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga (Beesha Madaxwaynaha)

2-Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka (Beesha Madaxwaynaha)

3-Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada (Beesha Madaxwaynaha)

4-Guuleed Saalax Barre Wasiirka Deegaanka,dalxiiska iyo Duurjoogta (Beesha Madaxwaynaha)

ku xigeenadda

1-Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo dowladfaha hoose (Beesha Madaxwaynaha)

2-Wasiiru Dowlaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda (Beesha Madaxwaynaha)

Dhamaan wasiiradaan iyo ku xigeenada ayaa ah Beel hoosaadka Madaxwaynaha Puntland halka ay aad uga caroodeen beelaha kale ee an helin mudnantii ay ku lahayeen Hal beega ama wax qaybsiga Puntland halka ay jiraan beelo qaadacay tilabada Madaxwaynuhu uu qaaday oo ah tilabadii ugu horaysay ee uu qaado tan iyo markii xilka loo doortay.

Waxaa qadarin mudan

Waxaa qadarin mudaan inta badaan beelaha Puntland oo ku caan baxay katalinta tanta guud iyo eegida maslaxada guud waxaase Hubaala hadii arintaan ay ka dhici lahayd Mamuladda kale ee Soomaaliyeed sida waqooyiga iyo Koonfurta inay gaashaanka ku dhufal lahayeen khilaaf xoogana la maqli lahaa laakiin tani waxay ku cadaynaysaa nasiibka ay leedahay Puntland.

Gabogabo iyo gunanaad

Waxaan ku soo koobayaa waan qirsanahay inan madaxwaynuhu qancin karayn dhammaan beelaha Puntland laakiin waxaa loo bahnaa in madaxwaynuhu uu ka dhabeeyo balan qadkii ahaa gole tiro yar oo tayo leh hadii taas uu ku adkaysan lahaa Puntland waxaaba ku filan 9, wasiir oo loo qabiyo Gobolada ee na loo qabin

Qabaa,iilo waxaa kale oo eex` ah in wasiiradii ugu badnaa abid intii Puntland dhisnayd ay helaan Hal jifo oo kamida beelaha Puntland taasina waa il duufka Madaaxwayne Gaas):

W/Q: Cabdi Nuur Faarax Maxamud

Email Guuleed72.com

Facebook-https://www.facebook.com/dhuuxq

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

DAAWO Video: Dhacdo xanuun badan oo qabsatay qoys ku nool MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhacdo xanuun badan oo ku dhacday Qoys ku nool Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaana u geestay dhacdadaasi wiil ku nool Wadanka Mareykanka oo ku sameyay arin gaartay heer waali ah.

Aqristoow Muuqaalkani ha daawan waa reer la ilmeynaya dhacdo naxdib badan uu u geestay wiil Soomaaliyeed oo USA haatan ku nool ee nala daawo adaa ka bogan doonee.

DIGNIIN ha daawadan hadii aadan awoodi karin waa dhacdo xanuun badan.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Taliska ciidamada Hiiraan oo xaqiiyay xarigga sarkaal Muqdisho ku xiran

Beledweyne (Caasimada Online) Taliska ciidamada booliska ee gobalka Hiiraan ayaa ka warbixiyay xarigga taliyaha ciidamada millatariga ee Gobalka Hiiraan Col Tawane Axmed Gurrey, kaasoo in ka badan 20-cisho ku xiran magaalada Muqdisho.

Taliyaha ciidamada booliska gobalka Hiiraan, Korneel Maxamed Amiin, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay aad uga xun yahay xarigga taliyaha, isagoona intaas ku daray in ay ka warheeleen uun dhowr cisho ka hor markii loo sheegay in Col Tawane uu xiran yahay.

“Talyaha Muqdisho ayaa looga yeeray isagoo la lee yahay xil ayaa laguu magacaabaa kaddibna xabsiga ayaa loo taxaabay, mana cadda wax yaabaha loo heesto” ayuu yiri Korneel Maxamed Amiin.

Si kastaba, Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay in taliye Tawane uu ku xiran yahay xabsi ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana loo heestaa dilka sarkaal ciidamada horrey uga tirsanaan jiray kaasoo lagu magacaabo Col Xaashi Xuseen, oo ku dhintay is-rasaaseen dhex martay ciidamado uu watay kuwa isaga uu lahaa Korneelka geeriyooday.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin xarigga taliyaha ciidamada millitariga ee gobalka Hiiraan, balse arrintaas waxaa aad looga hadal hayaa gobalka Hiiraan oo dhan.

Waa sarkaalkii ugu darajo sareeyay ee loo xiro dilka Korneel Xaashi Xuseen oo lagu dilay xaafad ku taalla magaalada Beledweyne.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DEG DEG: Madaafiic khasaaro geestay oo caawa lagu garaacay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa madaafiic laga maqlayo magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Meelaha madaafiicda ay ku dhaceen ayaa ka mid ah jidka aadka mashquulka u ah ee Makah Al-Mukaram.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay in ka badan dhowr kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiicda caawa lagu garaacay magaalada Muqdisho.

Ma cadda kooxda madaafiicda magaalada ku soo weerartay mana jirto wax war ah oo ka soo baxay ciidamada ammaanka oo ku aadan madaafiicda caawa laga maqlay madaafiicda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in arkayeen baabuur nooca Mini Bas-ka oo madaafiic laga tuurayo, mana jirto cid loo qabqabtay madaafiicda caawa lagu garacaay magaalada Muqdisho.

Faah-Faahin goordhow kala soco Caasimada Online

 

Xiisad dagaal oo ka taagan Shabelaha Dhexe iyo barakac billowday

Balcad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaray deeganka Yaaq oo dhowr km u jirra degmada Balcad ee gobalka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in halkaas ay kaa taagan tahay xiisad coolaadeed markii ciidamo ka tirsan kuwa maamulka gobalka iyo dadka shacabka ay dagaallameen.

Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen dagaalka oo billowday habeenkii xaley.

Dagaalka ayaa salka ku haya dhul beereed la isku heesto waxaana dadka deeganka ay diiddan yihiin in la dhaco beerahooda.

Deeganka lagu dagaallamayo waxaa ka billowday qax iyadoo dadka rayidka ay ka carareen goobaha lagu dagaallamayo, waxaa kaloo wararka ay sheegayaan in carruur badan la la’yahay oo waxa loo badinayaa in ay ku dhaceen wabiga.

Waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Waxaa xiran goobaha ganacsiga iyo suuqyada deeganka.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Balcad iyo kan gobalka Shabeellaha Hoose oo la sheegay in dagaalka uu ku lug lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Somaliland oo sii deysay 3-mas’uul oo ka tirsan DFS oo lagu xiray Hargeysa

Haregysa (Caasimada Online) War uu goordhow noo soo diray Wariyaha Caasimada Online ee magaalada Hargeysa, ayaa sheegaya in la sii daayay saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Federalka ee Soomaaliya.

Saraakiisha ayaa tan iyo shaley ku xirnaa garoonka dayaaradaha ee magaalada Hargeysa, halkaasoo ay ka dageen xaley galinkii dambe iyagoo la socday diyaarad ka timid magaalada Muqdisho.

Seddaxdan qof ayaa la sheegay in ay wateen Basaabooro Diplomaasi ah waxaana ay ku sii jeedeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya si ay uga qaybgalaan shir halkaas ka dhacayay sidda uu noo sheegay sarkaal ka tirsan madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

 

Garoonka Diyaaradaha Magaalada Hargeysa
Garoonka diyaaradaha Cigaaql ee Magaalada Hargeysa

 

Si kastaba markii sii horreysay maanta ayaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Cali Maxamed Waran Cadde wuxuu BBC-da u caddeeyay in seddaxdan qof oo kala ah Jaamac Maxamed Jaamac oo ah madaxa Baratakoolka xafiiska madaxweynaha, Fahiimo Urur Nageeye oo ka tirsan xafiiska ra’iisal wasaaraha iyo Cabdicasiis Aadan oo Diplomacy sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda Somalia ay booliska ku qabten garoonka Cigaal ee Hargeysa iyagoo la socday diyaarad ay ka soo raceen magaalada Muqdisho.

Wasiirka wuuxu sheegay in ay ku socdaan baaritaan, maadama iyagoo xilal ka haya dowladda Soomaaliya ay soo galeen Somaliland “Waana sharci daro ayuu yiri in shakhsiyaad xilal ka haya dowladda Soomaaliya ay qaab dhuumaaleysi ku soo galaan dhulka Somaliland”

Waasiirka waxaa kaloo u sheegay in maxkamad la soo taagi doono maadama ay iyagoo aan fasax heesan ay soo galeen Somaliland.

 Ma ahan markii ugu horreysay oo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya lagu xiro Hargeysa, balse labada dhinac ayaa seddaxdii sanno waxaa u billowday wadahadallo ay kaga tashanayaan masiirkooda kuwaasoo ay gawareen ka yihiin beesah caalamka.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin seddaxdan mas’uul ee lagu xiray magaalada Hargeysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

[email protected]

XOG: Muqdisho oo uu ku xiran yahay taliyihii ciidamada Milatariga ee….!

Muqdisho (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online ayaa ogaatay markii ugu horreysay in magaalada Muqdisho uu ku xiran dhowr cisho taliyaha ciidamada millitariga gobalka Hiiraan, Tawane Axmed Gurrey.

Taliyaha ayaa loo heestaa dil loo geestay sarkaal ciidanka xoogga ka tirsanaa oo dhawaan lagu dilay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Taliyaha ayaa inta aan la xirin waxaaa looga yeeray magaalada Muqdisho, dabadeedna markii uu yimid xabsiga ayaa loo dhaadhiciyay sidda ay noo sheegeen Ilaha aan warkan ka soo xiganay.

Taliye Tawane ayaa loo heestaa dilka Col Xaashi Xuseen, kaasoo ku dhintay is rasaaseen dhex martay ciidamado uu watay iyo kuwa la socday Korneelka geeriyooday.

Ilaa hadda saraakiisha dowladda kama hadlin xarigga loo geestay taliyaha ciidamada millitariga gobalka Hiiraan oo muddo 20-cisho ku xiran magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]