28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Xog: Wasiiradda iyo xildhibaanada oo laga qaaday Baasaboorka Diblomasiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ayaa soo saartay Amar lagu mamnuucayo in Baasaboorka Diblomaasiga ah looga safro dalka, laguna soo galo.

Warqad uu soo saaray Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya C/laahi Goodax Barre, ayaa la dhigay Garoonka Diyaaradaha Aden Cadde ee Magaalada Muqdisho, taasi oo sheegaysa in Shaqaalaha DFS aysan ku safri Karin Passport-ka Diplomaasiga.

Illo Xog Ogaal ah ayaa xaqiijiyay  in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka laga qaaday Baasaboorada Diblomaasiga ah, xilli ay kasoo degeen Garoonka Diyaaradaha, waxaana la wareegtay Dowladda.

Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu RW C/wali Sheekh Axmed uu sheegay Bishii lasoo dhaafay in Wasiiradda Xukuumadiisa laga qaadayo Baasaboorada Diblomaasiga ah, si loo yareeyo “Safaradda badan ee Dibadda ah, oo Shaqada Gudaha Xooga loo saaro”.

Xubnaha ku jira Xukuumadda Cusub ayaa ah badkooda kuwa ka yimid dalalka Caalamka oo wata Baasabooro aan kii Soomaaliya ahayn, waxaana lagu wargeliyay in laga qaadi doono, oo aysan Safar micno la’aan ah u aadi doono Dibadda.

Isha: KON

Dalxa “Dadka ku nool Sh/Hoose waxa ay ku biirayaan maamulka ay rabaan”

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dadka ku dhaqan gobalka Shabeellaha Hoose aan loo meerin doonin maamulka ay ku biirayaan “Ayaga ayaa masiirkooda ka hadli kara”.

Wuxuu xildhibaan Dalxa sheegay in Gobalka Shabeellaha dhexe iyo dadkiisa aanu ahayn sidda Turubka ama Jarta oo kale oo ciddii ay rabto meel ku dareyso.

“Waa gobal dadkiisa u madax banaan yahay, haddii ay rabaan maamulka seddaxda gobalk ayey ku biirayaan ama midka lixda gobal, balse waa go’aanka ay gaaraan wax- garadkooda, siyaasiyiintooda, culumaa’dooda, dhallinyaradooda iyo haweenkooda, laakin ma ahan in ciddii ay rabto sidda turubka ay meel ka degto” ayuu yiri.

Dalxa ayaa sheegay in gobalka Shabeellaha Hoose uu ka mid yahay gobalada dalka ee ugu wax soos saarka badan oo ay deggan yihiin dad aan dhib badneen.

Gobalka wuxuu ka kooban yahay siddeed degmo dadkoodana meesha ay rabaan iyaga ayaa yaqaana meesha ay ku biirayaan” ayuu yiri.

Hadalka Xildhibaan Dalxa ayaa ku soo beegmaya iyadoo shirar iska soo horjeedo oo looga arrinsanaayo maamul gobaleed loo sameenaayo Koonfur Galbeed Soomaaliya uu ka socdo magaalada Baydhabo.

Maamulkaas ayaa dadka qaar waxa ay rabaan in uu ku koobnaado seddax gobal halka odayaal ay lee yihiin waa in uu lix gobal uu ka koobnaadaa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Halxaaran ah nirigxalaala madhashaa?

Jawabtu waa Maya !!!!!

Araartayda aan Hormarsado Anigu waxaan ahay Mowadin Somaliyaded ahna Muwadin Puntland, Jecelna Horumarka iyo Jiritaanka Umadiisa Melkasta iyo markastaba hegan u ah ,Cidnana aan ugu turin ugana gaban waxa xaqa ah Haduu mure ka khararyahay,

Madaxweyne Abdiwali Gaas Ma Madaxwayne sharcibaa mise waa madax wayne an Sharci ahayn inta aan uba gudbin Xukumada uu sodhisay iyo Ansixinteedaba,

Mabuuxiyay sharuudihii uu kunoqonlahaa mise ma buxin?

Waxaan dhihi karnaah ma uusan buxin sharudihii xaqa ahaa in uu bixiyo waxaa udhiman Dhartii Dasturiga hayd oo an ansixin in uu marlabaad uu Dharto sida sharciga ah ?

Hadaba Sida aan wada Oganahay Dowlada Puntland waxaa ajidhaah  16 Sano inkabadan, waxaa ayledahay Dastuur iyo Sharuc u gar ah Dowlada Puntland  Laguna dhaqijiray ilaa xiligaas si sharci ah ,

Marka ugu horaysaba Madaxweyne Abdiwali Gaas waxaa uu khiyaamo Qaran kusameyay Dadka iyo Dalka  Dowlada Puntland isagoo Dhartii Dasturiga ahayd ee Dowlada Puntland Dasturkeedu qorayay ee uu anshaxa kunoqonlahaa ka dhardusmeeyay sibareero ahna ugeesmaray!!!

Ujeedo kastaba ha kalahaade Midshaqsiyadeed ama mid danokale kusalaysanba !!!!

Halkan kadhagayso.

Hadaba Hadii minikii ugu horeeyay uu Dalka iyo Dadka Dowlada Puntland Khaladka intaa leg kusameeyay maxaan kafilikarnaah  5 Sanoo Ubilabatay hada kabib ?

Jawabta waxaan udaynayaah cidkastoo Dalka iyo Dadka Dowlada  Puntland ladiir ah,

Hadaba Dasturka Dowlada Puntland Maxaa uu kaqabaah hadii Madaxwaynihii lohanwanaa sidaan kusifoobo,

CUTUBKA:-EEDAYNTA MADAXWEYNAHA IYO MADAXWEYNE KU-XIGEENKA

1. Haddii Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka lagu eedeeyo xilgudasho la’aan culus, ku-xadgudub Dastuur, khiyaamo qaran waxaa la marayaa habraaca soo socda:

(b) Ugu yaraan kala baroo bar (1/2) xubnaha Golaha Wakiillada ama Xeer Ilaaliyaha Guud waa inay bilaabaan habraaca eedeynta Madaxweynaha ama Madaxweyne Ku-Xigeenka, iyagoo Golaha Wakiillada ka codsanaya xil-ka-qaadistooda, isla markaana u gudbinaya caddeymaha eedeyntooda.

(t) Golaha Wakiilladu wuxuu ka baaraandegayaa eedeymaha la soo hordhigay, waxaana eedeysanaha la siinayaa fursad isdifaac.

(j) Goluhu wuxuu u codeynayaa, isla markaana ogolaanayaa oo kaliya marka ay saddex meelood laba (2/3) ay si qarsoodi ugu codeyso xil-ka-qaadistooda,

Maxaa lagarabaah Golaha Wakiilada Dowlada Puntland

waxaa aan kadoonaynaah in ay noqabtaan shaqada aan u igmanay ee ahay in ay kudhaqmana ilaaliyana Dasturka Dowlada Puntland ,

Qodobka 63aad

CUTUBKA :-AWOODAHA GOLAHA WAKIILLADA

Rarqadihiisa kala ah 2aad,7aad,8aad

2. In uu fasiraad iyo caddeyn ka bixiyo qaynuun kasta oo micneyntiisu mugdi gasho.

7. Inay ka doodaan, dhaliilaan, waxna ku biirin karaan waxqabadka Xukuumadda.

8. Hubinta dhaqangelinta sharciyada uu Goluhu ansixiyo.

Hadaba hadaan marlabaad cabiraad iyo tosin ugulabano xukumamada uusoodhisay Maxawaynaha Dharta Dasturka Dowlada Puntland ay udhimantahay  an xasuusino in Dowlada Puntland ay ku dhisantahay awood qaybsi iyo deegan lamatabtaan ah marnaba, ee uusan qafna siduu doono ufasiran karin ama uusan kucabirikarin rabitaankiisa shaqsiyadeed,

Dowlada Puntland waxaa bud dhig u ah ayna  kusalaysan tahay  Dasturka iyo nidamka 17 Sano jirasaday ee uu manta lakowsaday Abdiwali Ali Gas,ahna sidaan hoskuqoran

CUTUBKA :-DHULKA IYO SOHDIMAHA

Farqadiisa 1aad iyo 4aad

1. Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Gobolka Waqooyiga Mudug, Heylaan iyo Gobolka Bariga Sanaag.

4. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda.

anagu waxaan ogayn Dadka iyo Dulka Dowlada Puntland intsa Dasturku kuqoranyihiine, Bal dib Ha u eegan Golaha Wakiilada Dowlada Puntland qodobkaas,Madawyaynahu mesha uu ka kenay Shaqadaan cusub ,

hadii qodobkaan Dasturiga ahina  uujiro

CUTUBKA :-DHULKA IYO SOHDIMAHA

Farqdiisa 3aad

3. Puntland waxay soo dhaweeneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland.

Waxaa ay howsaasi iska lahaa marka hore in ay Ansixiyn Golaha wakiilada Dowlada Puntland kadibna ladhaqan galiyo ,

lakiin angu ma anan Ogayn mel lagu ansixiay iyo mel Puntland ay kasogalen,

Waxaa loga fadhiayaah madaxwaynaha aan wali Ansixin ee Dowlada Puntland meshuu kakeenay.

Guntii iyo Gunanadkii 

Waxaan kula talin nayaah Madax waynaha Dowlada Puntland iyo intii jecelba Horumarka iyo wada nolonshaha Dowlada Puntland in la ilaaliyo jirintaanka iyo Daskuurka Dowlada Puntland ee lamatabtaan ka ah.

Dr:-Shirwa Abdisalam Mohamud(Jibriil)

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected]. Mahadsanid

Dagaal beeleedyo cusub oo ka qarxay Sh/Dhexe iyo warar sheegaya…!

Balad (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe, ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay dagaal beeleed, kaasoo sababay barakac xooggan.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu ka dhacay Tuulada Yaaq oo hoos-tagta degmada Balcad, waxaana soo weerarray maleeshiyo beeleed.

Dadka deeganka ayaa billaabay in ay guryahooda ka cararaan sidda ay lee yihiin goobjoogayaasha.

“Meesha aan joogo waxaa xaley ka dhacay dagaallo xooggan, haweenkii iyo carruurtii, waxaa na soo weerarray ciidamo hubeysan kuwaasoo la wareegay tuulada, waxaa la la’yahay 12-carruur ah kuwaasoo aan ka cabsi qabno in ay Wabiga galaan” ayuu yiri ninkaas.

Ciidamada soo weeraray tuulada ayaa la sheegay in gubeen beero ku yaalla deeganka lagu dagaallamay.

Waxaa weli laga maqlayaa tuulada lagu dagaallamay rasaas xooggan, ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalka ka socda tuulada Yaaq ee degmada Balcad.

Dagaalka ka dhacay tuulada u dhow Balcad ayaa daba socda dagaal kal horrey ka dhacay meelo ka mid ah gobalka Shabellaha Dhexe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Soomaali qoxooti ah oo dhibaato ay ku haysto dalka Hong Kong (Warbixin)

Hong Kong (Caasimada Online) Dalka Hong Kong waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo siyaabo kala duwan halkaas u tagay, balse dhammaantood waa Qoxooti.

Ibraahim Maxamed Xuseey Jeekeey waxa uu ka mid yahay  kumanaan qaxooti ah Afrikan ah oo qaar ka mid ah ay ka soo jeedaan Soomaaliya.

Wuxuu BBC-da uga warbixiyay xaalada Soomaalida ku nool dalkaas, wuxuu sheegay in ay ku nool yihiin xaalad aad u xun.

Halkaasi waxa ay soo galootiga kala kulmaan shaqo la’aan iyo waxbarasho la’aan, inkastoo ay haddana halkaa nolol ku haystaan.

“Waxaan ka soo cararnay Soomaaliya, annigoo ka mid ahaa wariyaasha halkaas ku noolaa, laakin halkan shaqo kama jirto, wax barashana ma jirto dadka dhib ayey kala kulmaan” ayuu yiri Ibraahim Jeekeey.

Mar la weydiiyay tirada Soomaalida ku nool dalka Hong Kong, wuxuu sheegay in ka badan 80 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur in ay ku nool yihiin dalkaas, isagoona intaa ku daray in nolasha maciishada .

Wuxu sheegay in maalinta Isniinta ay dibad bax ka dhigi doonaan xarunta hey’adda UNHCR ee Hong Kong si loogu sameeyo dib u dajin maadama aysan wax xaquuq ah ku heysan.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya sannadkii 1991-dii, waxaa Soomaali badan ay ka carareen dalkooda iyagoona u baxsaday waddamada caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Mas’uul maanta lagu toogtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii waxa ay degmada Dharkeenkey ku khaarijiyeen guddoomiyo waaxeed ka tirsan degmadaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Cismaan ayaa la dilay isagoo ku sii jeeda goobtiisa shaqo sidda uu saxaafada u sheegay guddoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Hillowle.

“Marxuumka saakay isagoo ku soo jeeda goobta shaqada ayaa waxaa dilay kooxihii wax dili jiray, waana ay baxsadeen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamoka tirsan dowladda kuwasoo dhowr qof ka xir-xiray goobta dilka uu ka dhacay.

Degmada Dharkeenley waxa ay kamid tahaya degmooyinka ay ka dhacaan dilalka qorsheesan, mana jirto cid loo soo qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Dib u dhiska iyo dib-u-habeynta waddooyinka magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si xowli ah uga soconaya dib u dhis xoogan iyo soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho waxaadna ka dareemi kartaa Bilicda Magaalada sida ay tahay.

Horumarka ka socda Magaala Madaxda Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah dib u dhiska iyo furista qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee ku xirmay dagaaladii dalka ka dhacay.

Maamulka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa iminka billaabay inuu dib u furmo mid ka mid ah waddooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay magaalada, waxaana hadda ay howlo ka billaabeen waddadaas.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Marwo Fowsiyo oo xilka wareejisay

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa goordhow lagu soo gabagabeeyay xarunta wasaarada arrimaha dibedda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, xaflad ay xilalka ku kala wareegayeen wasiirkii horre ee arrimaha dibedda iyo wasiirka cusub.

Xafladda oo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo shaqaalaha wasaaradda, waxaa ugu horreyn ka hadlay wasiirkii horre ee arrimaha dibedda Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan, waxa ay ka warbixisay muddada ay heysay xilka iyo wax yaabaha u qabsoomay.

Waxa ay sheegtay wasaaradeeda in ay ku guuleesatay markii ugu horreysay in Soomaali ku dhibaateesan dalka Koonfurta Sudan ay soo daad gureysay.

Marwo Fowsiyo ayaa wasiirka cusub u rajeesay in uu sii hor mariyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya.

Intaas kaddib, waxaa munaasabada ka hadlay wasiirka cusub ee arrimaha iyo iskaashiga caalamiga Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, kaasoo sheegay in uu aad u mahad celinaayo Marwo Fowsiyo wax yaabaha muhiim ah qabatay intii ay xilka heysay, waliba iyadoo haween ah.

Wuxuu sheegay in uu la imaan doono wax qabad muhiim ah oo wax lagu horrumarinaayo wasaaradda.

Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay oo xilka wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya qabato, waxaana ay ka mid ah ahayd wasiiradii ugu shaqada fiicnaa xukuumadii horre ee Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Video: Saamaynta Qurbaha iyo Guurka Somalida‏ (Barnaamij muhiima)

Ottawa (Caasimada Online) – Soomaalida qurbaha ku nool waxa ay la soo degeen mujtamacyo ay inta badan ku kla duwan yihiin dhaqanka iyo diinta. Shaki ma laha in dhaqamada ay Soomaalidu ugu yimaadeen qurbuhu uu saamayn ku leeyahay guurka Soomaalida degan  qurbaha khaasatana wadamada Galbeedka. Saamayntaas iyo inta ay le’egtahay ayaan ku eegaynaa barmaamijkii labaad ee barmaamijka  Qoyska  iyo  Qurbaha.

Daawasho fiican

Caasimada Online

Xafiiska Ottawa

[email protected]

KISMAAYO oo duulaan ku wajahan iyo xaalada caawa oo ka badalan sidi hore

Kismaayo (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in caawa bandow lagu soo rogay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose, kaddib markii la helay digniino ku aadan magaalada in  uu duulaan ku soo wajahan yahay.

Goobjoogayaal ku sugan Kismaayo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in ciidamo fara badan la dhigay waddooyinka muhiimka ah ee magaalada, waxaana dadka lagu amaray in guryahooda ay ku xaroodaan oo aysan ka soo bixin tan iyo subixii.

Waxaa kaloo la jaray isgaarsiinta labada gobal ee jubada Hoose iyo Jubbada Dhexe, maadama laga cabsi qabo duulan ku soo wajahan.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka KMG ah ee Jubba oo ku aadan bandowga caawa lagu soo ragay magaalada Kismaayo, balse waxa ay arrintan ku soo beegmeysaa iyadoo dhawaan AMISOM ay sheegtay in ciidamada Kenya ee ku sugan magaalada Kismaayo laga badali doono halkaas.

Ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka KMG ee Jubba ayaa magaalada dhaqdhaqaaqyo ka wada kuwaasoo diyaar u ah in ay ka hortagaan weerar kasta oo magaalada ku soo wajahan.

Kismaayo waxa ay noqotay magaalo dagaal u joogta, waxaana dhowr jeer ku dagaallamay kooxo magacyo kala duwan wata.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Muqdisho: Koox hubeysan oo 50 kun oo dollar ka dhacay xarun ganacsi

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxo hubeysan ayaa maanta duhurkii dhac u geestay xarun ganacsi oo lagu magacaabo Sava Group, taasoo ku taalla Suuqa Wey nee Bakaaraha.

Xaruntan oo keenta dalka Caanaha gasacadeesan ayaa waxaa laga dhacay lacag caddaan ah oo kor u dhaafeysa 50,kun oo dollar.

Agaasimaha xarunta la dhacay Cali Nuur Xasan (Cali Yare) oo la hadlay VOA ayaa sheegay in kooxo ku hubeysan bastoolado ay maanta duhurkii ay xarunta xoog ku soo galeen dabadeedna ay bastoolado ku qabteen shaqaalaha xarunta oo uu ku jiray Khasnajigii xarunta.

Wuxuu sheegay kooxda dhacday xarunta in ay wateen baabuur oo markii ay dhaceen lacagta ay aadeen dhinaca Wardhiigleey sidda uu yiri iyagoo hor maray saldhigga Howlwadaag.

“Kooxda xarunteena dhacday baabuur ayey wateen markii ay lacagta qaateen, baabuur ayaan ka daba qaadanay, waxa ay sii mareen saldhigga Howlwadaag kaddib waxa ay sii adeen Wardhiigleey, ma naqaano kooxda ay yihii” ayuu yiri aggaasimaha xarunta Cali Yare.

Wuxuu kaloo sheegay in maalmahan dhowr xarumo oo ku yaalla suuqa Bakaaraha ay dhaceen kooxo ku hubeysan bastoolado.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in ay xiriir la sameeyeen maamulka degmada iyo Saldhigga degmada Howlwadaag balse wax jawaab aysan ka helin maadama ay iyga qoryaha ka qaadeen ka horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Video: Muuqaalka Isbitalka Digfeer ee Muqdisho & sida dib loogu casriyeey

0

Isbitaalka ugu casrisan Geeska Afrika ee dhawaan laga dhisay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa loo soo bandhigay Saxaafada.

Dhismaha Isbitaalkaan oo qeybo badan ka kooban ayaa dad badani ay ku tilmaameyn mid Shacabka Soomaaliyeed ay ku helo doonaan sumcad bacdamaa Isbitaalkii ugu casrisadaa laga her geliyay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee nala daawo adaa qiiroon doonee.

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Dowladda uu guddi u xil saartay aaska AUN R/W Cabdiraaq Xaaji Xuseen

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaagddi u saartay aas qaran oo loo sameenaayo allaha ha u naxariisto ra’iisal wasaarihii horre ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha iminka Prof Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in qof muhiim ku ah Soomaalida uu geeriyooday, wuxuuna intaas ku daray in dowladda ay u magacowday guddiga u xil saaran aaska qaran ee loo sameenaayo marxuumka.

Guddoomiyaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu baaqay in raadiyaan taarikhda iyo waddaniyada uu lahaa marxuumka geeriyooda, sidoo kale odayaasha yaqaana ugu baaqay in ay dhallinyarada uga sheekeeyeen taarikhda uu lahaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen.

Dhinaca kale, madaxweynaah Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaah Naxariistii Janno hasiiyee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Marxuum Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ku geeriyooday Dalka Mareykanka

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Cabdirizaq Xaaji Xusseen .

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay halgankii xoriyadda ummadda Somaliyeed iyo dhisitaanka Dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale tacsi noocaas oo kale waxaa u diray marxuum Cabdirisaaq ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed wuxuuna u rajeeyay Janatul Fardawsa in uu ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Marxuumka ayaa noqday ra’iisul wasaarihii Soomaaliya intii u dhaxeysay 14 June, 1964 ilaa 15 July, 1967.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug 24-kii bishii December ee sanadkii 1924-kii. Ururkii gobonnimo-doonka ee Somali Youth Club (SYL) ayuu ku biiray sanadkii 1944, isagoo 1955 noqday xoghayihii guud ee ururka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamada DF SOMALIA oo isaga baxay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada dowladda ayaa ka baxay saldhigyo iyo xarumo ciidan oo ay daganaayeen kuwaasoo ku yaalla degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Dad goobjoogayaal oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in ay arkeen ciidamo fara badan oo ka baxaya saldhiggo ciidan oo ku yaalla xaafadda Xoosh ee degmada Dharkeenley.

“Waxaa tan iyo xaley degmada Dharkeenley ka baxayay ciidamo halkaas muddo dheer joogay, waxa ay la baxeen baabuurtooda iyo wixii agab ee meesha u yaallay, mana naqaano meesha ay aadeen” siddaas waxaa yiri Cabdinuur Axmed oo ah dadka deeganka oo tagay goobta.

Wuxuu intaas ku daray in dadka deeganka ay billaabeen in ay aruursadaan wax yaabaha ay ka tageen ciidamada oo ay ka mid yihiin sariiro iyo silig goobta ku oodnaa.

Ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamadaas horkaceysa kan maamulka degmada, balse arrintan si weyn ayaa looga dareemay degmada oo dad badan ayaa soo dhaweeyay maadama ay dhib ku qabeen ciidamadaas oo dadka dhici jiray sidda la lee yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xog: Wasaaradaha gudaha iyo amniga oo isku haysta xilalkii iyo khilaaf jira

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Xasan iyo Ra’isul wasaare Cabdi Weli, ayaa waxaa haysta dhibaato cusub, oo ah u kala garqaadida Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somalia Cabdikarim Guuleed iyo wasiirka cusub ee ee Goodax kadib markii ay isku qabsadeen taliska Booliiska.

Guuleed, wuxuu ku dooday in taliska Booliska sharciyan hoos tegi doono wasaaradda amniga qaranka, hase yeeshee Goodax ayaa laalay qorshaha Cabdikariim Dhegajuun,wuxuuna ku dhegan yahay in booliska sharciyan hoos tago wasaaradda arrimaha gudaha ee Federaalka Somalia.

Wasiir Goodax wuxuu ku dooday in Booliska hoos tegi jiray Wasaaradda arrimaha gudaha, xilligii KMG iyadoo ay jirtay wasaaradda amniga qaranka, hase yeeshee Cabdikariim Guuleed ayaa diiday xitaa inuu wasaaradda ku wareejiyo Goodax.

Tani waxay cadeeyneysaa inaan wasaaradaha Xukumadda Federaalka Somalia loo sameeyn xeer sharciyeed oo qeexaya hay’adaha hoos tegaya wasaarad walba, waana sababta buuqa faraha badan dhalisay.

Wasaaradda amniga qaranka ee la siiyay Guuleed ma hoos tagaan ciidamadda Milataiga,Nabadsugida ama sirdoonka iyo asluubta, sidaas darteed hadii Booliska la raaciyo Wasaaradda arrimaha gudaha waxaa isweydiintu tahay? ammaanka wasaarada amniga ay sugi doonto muxuu yahay?

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Waxaa la ogaaday halkay joogaan 2 ka tirsan madaxda ONLF oo la afduubtay

Jigjiga (Caasimada Online) – Waxaa la ogaaday halka ay joogaan labo xubnood oo ka tirsan kooxda ONLF ee dagaalka kula jirta dowladda fedaraalka Ethiopia.

Cabdinuur Cabdulaahu Faarax (Cabdinuur Yarre) oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in labadaas nin oo lagu kala magacaabo Cali Axmed Xuseen iyo Sulub Cabdi Axmed ay ku sugan dhulka dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia oo ay nabad qabaan.

Wuxuu beeniyay in la soo afduubtaas raggaas, isagoona intaas ku daray in ay u yimaadeen qorshe muddo dheer soo socday oo ah in ay qaataan nabadda sidda uu hadalka u dhigay “Mardhowna Saxaafadda ayey la hadli doonaan” ayuu yiri.

Cabdinuur oo ah la taliyaha dhinaca ammaanka madaxweyne Cabdi Maxamed Cumar ayaa horrey uga mid ahaa kooxda ONLF balse markii uu ogaaday qorshaha kooxdaas ee horrumar la’aanta ayuu ku soo biiray dowladda deeganka Soomaalida Ethiopia.

Mar la weydiiyay raggaas sidda ay ku tageen goobta ay joogaan. wuxuu sheegay in gaari ku yimaadeen iyagoo ka soo tagay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay in kooxda ONLF ay burburtay oo dhawaan qaar kale ay ka soo goosan doonaan sidda uu markale yiri.

Si kastaba, sarkaal u hadlay ONLF oo ku sugan London ayaa sheegay in raggaas laga afduubtay Kenya wuxuuna ku eedeeyay sirdoona dowladda Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]