28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dhageyso: Shariif Xasan iyo siyaasiyiin caan ah oo isku helay dood kulul

Muqdisho (Caasimada Online) Dhowr bilood ayaa kasoo wareegtay markii dawladda Soomaaliya ay qaboojisay xiisaddii ka taagnayd magaalada Kismaayo kadib khilaafka ka dhashay maamul u samaynta oo qayb ah nidaamka hirgelinta Federaalka oo ku qoran dastuurka Soomaaliya.

Bilihii ugu dmabeeyeyna shir ayaa ka socday magaalada Baydhaba kaasi oo maamul la soo jeediyey in mamaul loogu sameeyo klix gobol, hase yeeshee waxa aka garab furmay shir kale oo dadka ka qaybgalaya ay doonayana maamul ku eg saddex gobol.

Xiisadda ka dhalatay shirarka iska soo horjeeda ayaa wei taagan isla markaana isku rogi karta mid daba-dheraata oo saamaysa fidinta awoodda dawladda. Haddaba Soomaalidu diyaar ma u tahay nidaamka Federaalka? Waa mowoduuca barnaamijka Faaqidaadda Toddobaadka oo uu inoo soo diyaariyey Haaruun Macruuf.

Barnaamijka waxaa ka qaybgalaya Shariif Xasan Sheekh Aadan,Cabdiraxmaan Jibriil Xoosh,Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil oo seddaxduba ah xildhibaanno baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan iyo Prof.Cabdi Cilmi Afyare iyo prof.Maxamed Xaaji Mukhtaar.

Hoos ka dhagayso barnaamijka

Caasimada Online

Xafiiska Washington DC

[email protected]

Ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia oo ku geeriyooday dalka Mareykanka

Minneapolis (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee, Ra’iisul wasaarhii hore ee Somalia Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen, ayaa ku geeriyooday Isbitalka Jaamacadda Minnesota, University of Minnesota Hospital, oo ku xanuunsanaa muddo, sida uu xaqiijiyey wiil uu adeer u yahay, oo lagu magacaabo Cabdi Salaaan Cabdi Gafaar Xaaji Xuseen.

Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964 illaa 15-kii July 1967.

Waxaan alle uga baryeena inuu geeyo janadii Fardowsa, ehelkiisana iyo umadda Soomaaliyeed uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
[email protected]

Golaha Wasiirada P/L oo la dhaariyay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal waxaa maanta oo Sabti ka dhacday xaflad lagu dhaarinayay xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulka Puntland.

Xafladda dhaarinta oo ka dhacday xarunta baarlamaanka waxaa ku sugnaa madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cameey, guddoomiyaha baarlamaanka Siciid Xasan Shire iyo Gudoomiyaha Maxkamadda sare Cabdiqaadir Shiikh Axmed Maxamuud..

Xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ee Puntland
Xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ee Puntland

Waxaa joogay munaasabada dhammaan xubnaha wasiirada cusub, waxaana markii ay dhammatay ka hadlay goobta madaxweyne Cabdiweli Gaas.

Wuxuu sheegay in golaha wasiirada maamulkiisa looga baahan yahay in ay la yimaadaan howllo cusub iyo qorshe jaan go’an oo lagu horrumarinaayo Puntland..

Wuxuu kaloo sheegay in xubin kasta oo ku jirra golaha wasiirada cusub loo dhiibay xilkii uu munaasabka ku ahaa, wuxuuna u rajeeyay in ay ka soo bixi doonaan howsha loo idmay.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa wasiirada cusub kala dardaarmay in ay ka firkiraan danta dadka reer Puntland, isagoonta intaas ku daray in la dhowro hantida loo dhiibay.

Si kastaba, xubnaha cusub ee golaha wasiirada cusub ayaa maalmaha soo socda la wareegi doona xafiisyadooda waxaana looga fadhiyaa wax yaabaha ay soo kordhin doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Isbadalka nolosha Muqdisho & damaashaadka shacabka (Daawo)

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waxaa ka hana qaaday isbadal dhan walba ah waxaana ka mid ah mid aad ka dareemeyso naabdd galyada ka jirta Dalka & sida ay Shacabka ugu damaashaadayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho iyo xeebaha qurxoon ee ku yaalla.

Muqdisho isma lihi sidaan ayeey noqoneysaa marka aad aragto kumanaan kun oo Shacab ah oo si nabadd galyo leh ugu damashaadaya xeebta Liido

HALKAAN KA DAAWO: 

 

Ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo la dhigay xarunta shirka 6-da Gobal

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in ciidamo u abaabulan qaab beeleed in la dhigay xarunta ADC-da oo ah halka ay ku shirayaan ergooyinka ku howlan dhismaha maamul ka kooban lix gobal oo ku yaalla Koonfurta Somalia.

Goobjoogaal la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan la dhigay xarunta shirka uu ka socdo kaddib markii shaley ciidamada AMISOM ay is-hotaageen ergooyinka ku howlan dhismaha shirka maamul u sameynta lixd gobal.

Ciidamada la dhigay xarunta ADC-da ayaa la sheegay in soo diyaariyeen odayaal iyo siyaayiin doonaya in uu hirgali shirka ka socdo magaalada Baydhabo, kaddib markii ay so baxeen warar sheegaya in la carqaldeen rabo shirkaas.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa ka ambabaxay ciidamo dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Baydhabo kuwaasoo loogu talagalay in is hortaagan shirka maamulka loogu sameenaayo lixda gobal.

Dhinaca kale, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliaya, Nichalas Key ayaa ka codsaday odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shirsan Baydhabo in ay joojiyaan wax kasta oo abaaburi kara xiisad.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo shirar iska soo horjeed oo lagau kala sameenaayo labo maamul oo mid ka mid lagu sameenaayo maamul ka kooban lix gobal iyo mid kale oo ka kooban seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

Gen Gaafow oo ka jawaabay eedeeyn ahayd inuu guri xoog ku haysto

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii dhawaan baraha Internetka la soo galiyay Muuqaal laga soo duubay gabar Soomaaliyeed oo sheegaya in gurri ay ku lahayd Muqdisho uu xoog ku heysto Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya. waxaa arrintaas ka hadlay Gen Cabdulaahi Gaafow.

Wuxuu sheegay Mr. Gaafow wuxuu beeniyay in dhul ay lee dahay haweeney Soomaali ah uusan xoog ku deganeen, isagoona ku tilmaamay warkaas mid looga gun lee yahay arrimo siyaasadeed.

Wuxuu caddeeyay gurriga lagu eedeeyay in uu deggan yahay in uu ku yaallo goob bannaan oo daris la’ah gurriga uu daggan yahay isagoona ku doodday in gurrigaas uu lahaa nin Talyaani ah.

Sarkaalkan ayaa sidoo xusay in dhulka la sheegayo in uu xoog ku heysto dhowr jeer ay yimaadeen dhowr qof oo kala duwan kuwaasoo ku dooddaya “Annaga ayaa leh”.

Maxamuud ayaa beeniyay warar sheegayay in xarumo ay leeyihiin dad rayid ah si sharci daror ah ay ku deganyihiin.

“Haddii aan caddeeyo dhulkan waxaa markii horre lahaa Nin u dhashay dalka Talyaaniga, waxaana muddadii burburka dalka uu ka jiray uu ahaa goob qashinka lagu daadiyo, waxaana jirra dad badan oo leh annaga ayaa leh, marka dalka maxkamad ayaa jirta ha u dacwoodaan haddii ay wax eedeenayaan” ayuu yiri Gen Gaafow.

Wuxuuu ku celceliyay dhulka lagu eedeeyay in uusan isaga daganeen balse arrintaas in looga gun lee yahay mid siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu dhaawaco sharraftiisa maadama uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan doowladda sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, haweeneyda ayaa sheegtay in gurrigan uu lahaa nin Talyaani ah oo ay u dhashay labo carruur ah kaasoo u iibiyay gurriga uu deggan tahay taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Daawo Sawirro cusub: Qeyb kale oo ka mid ah Isbitaalka cajiibka ah ee Turkey uu ka dhisay magaalada MUQDISHO !!!

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa halkaan idin soo gudbineynaa qeyb kale oo ka mid ah dhismaha Isbitaalka Digfeer, ee iminka loo bixiyey Recep Tayyip Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu sameeyay dib u dhis iyo qalabeyn casri ah, iyadoo waayihii ugu danbeeyay dowladda Turkiga ay ku mashquulsaneyd horumarinta isbitaalkaasi.

Aqristoow hadii aa daawato mar qura waxaa is badalaya dareenkaada adigoo durbaba qiiro iyo ilmo ay indhahaada mar qura ku soo istaagayaan ee nala daawo sawirada isbitalka qeybtii labaad oo cajiib ah

535455565712345678910111213141516171819202122232425262728293031323334353637383940414243444546474849505152

Maxaa kasoo kordhay dagaal beeledyo xoogan oo dib uga qarxay Sh/Hoose?

Janaale (Caasimada Online) Inta la ogyahay 15-qof oo u badan dhibacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacmeen dagaallo xooggan oo maanta markale ka qarxay degmada Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo billowday maanta barqadii ayaa soo gaaray galabta, waxaana weli la maqlayaa hugunka hubka culus oo ay adeegsanayaan labada dhinac ee ku dagaallamaya deeganka kuwaasoo ka wadatirsan ciidamada dowladda.

Waxaa degmada ka billowday qax ballaaran, waxaa la arkayay haween iyo carruur gacmaha iska heesta oo ka baxsanaya goobaha lagu dagaallamayo.

Dagaalka ayaa hadda qaboobay in kastoo weli la maqlayo daryanka rasaasta, mana jirto cid kala dhex gashay labada dhinac ee dagaallamaya.

Dagaalka ka socda Janaale oo ah mid u abaabulan qaab beeleed ayaa galay maalintii seddaxaad, waxaana uu geestay khasaaro xooggan.

Ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay dagaalka maalintii seddaxaad ka socda degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

 

Jubbooyinka oo warqad Ethiopia looga cabanayo u diray Midowga Africa

Kismaayo (Caasimada Online) – C/qaadir Jaamac Ciise oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in xiligani Ciidamada Ethiopia ay ku biiraan Howlgalka AMISOM ay ka dambeyso dano gaar ah oo uu sheegay in ay ka leedahay deegaanada Jubooyinka gaar ahaan Dekada Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay Aqoonyahan C/qaadir in ku biiritaanka Ciidamada Ethiopia ay ku biireen Howlgalka AMISOM ay sababi karto degenaansho la’aan ku timaada deegaanada Jubooyinka ee imika degan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay Aqoonyahanka in ay Ururka Midowga Africa u gudbiyeen warqad ay kaga cabanayaan arimahaasi iyo in Midowga Africa ay il gaar ah ku eegaan howsha ay Ciidamada Ethiopia ka qabanayaan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan Bay Bakool iyo Gedo.

Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya si aan sharci aheyn u soo galay sanadkii 2006-dii isagana baxay bilowgii 2009-kii ayaa dhawaan waxa ay kamid noqdeen Howlgalka AMISOM, ayadoona arintaasi ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen waxgaradka siyaasiyiinta Aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

XOG CUSUB: Muqdisho oo yeelaneysa dowlada + Xil ka qaadistii TARSAN oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u danbeeyay loo dheg taagayay in in lagu dhawaaqo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho uu yeelan doono, oo shaqsiyaad kasoo jeeda Gobolka u sharaxnaayeen in xilkaani loo magacaabo, hase ahaatee uu dib u dhac ku yimid qorshaha magacaabista shaqsigii badali lahaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor intii uusan ka ambabixin Muqdisho maalintii Tallaadada, wuxuu la kulmay shaqsiyaad ay aad isugu dhow yihiin oo la hadal hayay inuu u magacaabo xilkan, sidoo kale wuxuu la kulmay Guddoomiyaha xiligan ee Gobolka Tarsan, kuna wargeliyay in uu dib u dhigay magacaabista hoggaanka cusub.

Sababaha uu Madaxweynaha ugu wargeliyay Tarsan in uu mudo lix bilood uu xilkan sii haayo ayaa ka danbeysay kooxda uu ka tirsan yahay Madaxweynaha ee lagu xanto Damjadiid ayaa soo jeedisay in Golle Deegaan oo ka kooban 25, marka hore loo sameeyo Muqdisho, kadibna ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada.

Qorshahan oo ay wadaan xubno aad ugu dhow Madaxweynaha ee ka tirsan Damjadiid ayaa afar bil ka hor soo jeedisay taladan, hase ahaatee Madaxweynaha uu intaasi ka meer meerayay, isagoo ka ballan qaaday shaqsiyaad mudan in xilkan loo magacaabo uu dib u gurasho ka sameeyay, markii kooxo kale oo doonaya in dadka deegaanka looga duufsado mudnaanta iyo tixgelinta ay ku leeyihiin gobolka Banaadir.

Maalintii Tallaadada Madaxweynuhu wuxuu u yeeray Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo aad isugu dhow yihiin, wuxuuna u sheegay in magacaabistii duqa Muqdisho iyo Gobolka banaadir uu dib u dhigay, lana soo sameynayo Gole deegaan, kaasoo soo dooran doona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada, wuxuuna ku wargeliyay Muungaab in isaga uu noqon doono shaqsiga kusoo bixi doono doorashadaasi, Muungaabna uu sidaasi u aqbalay soo jeedintaasi.

Intaasi kadib ayuu wuxuu u yeeray Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna ka codsaday in uu ka shaqeeyo sidii Gole deegaan loo soo dhisi lahaa, una sheegay in mudo lix bil uu xilka sii hayn doono inta laga soo dhisayo golahaasi.

Golahaasi deegaan ayaa dadka Muqdisho iyo xamar daye u arkaan mid lagu afduubayo darajada iyo xilka cidda mudnaanta u leh ee Gobolka Banaadir, mana jirto cid xiligan soo dooran karto gole deegaan oo xalaal ku dhisan, shacabka Muqdishana ay yihiin kuwo weli kala firirsan.

Beelihii ku dagaalamayay in xilkani helaan, dhamaantood waxay u tanaasuleen mid ka mid ah beelaha gobolka Banaadir, taasoo damac xooggan gelisay kooxda Dam Jadiid ee Madaxweynaha usoo jeedisay qorshe Afar bil ka hor ay diyaariyeen si shaqsiga ay wataan ugu soo saaraan.

Cali Muxiyaddiin Cali
[email protected]

R/W C/WELI oo WAR cad ka soo saaray shirarka ka socda Baydhaba (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray shirarka is khilaafsan ee ka socda magaalada Baydhabo kuwaasoo la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban lix goba iyo mid kale oo isna ka kooba nseddax gobal.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ugu baaqeyso odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku shirsan Bayddhabo in dhaqan galiyaan qoddobada hoos ku qoran:-

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda ah;

2- Sidii horey la isku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa islamarkaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma hab raaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

Hadalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa yimid markii shalay AMISOM ay is hortaag ku sameeyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta ku howlan dhismaha maamul loo sameeyo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

C/Weli Gaas: sidee kugu af-garannaa?

Jiilaalkii 2012-ka, markii aan qorayey maqaalkii: Dhambaallada af-Ingiriisiga ah: Ma Jaajuusnimaa mise waa Isqaadqaad? aan Amiir Caamir ka ergadee, Isma lahayn adiga iyo Madaxweyne dadkiisii la hadlaya ayay xaajada Af-Soomaaliga ku xeerani idinka dhex oogmi doontaa.

Waxaan Dayrtii 2009-ka ka ciil-qabey, Cabdikariim Cabdiraxmaanna  uu mqaalkii Sheekh Shariif iyo Afka Hooyo,  ka qoray madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo khudbad uu Qaramada Midoobey ka aqriyey door-biday in uu adeegsado Afka Carabiga. Dadkii markaa madaxweynaha u doonyo-qaadayey ayaa waxay aad isugu dayeen in ay igu qanciyaan in Afka Carabigu uu ka mid yahay kuwa waaweyn ee Qaramada Midoobey looga hadlo, isla markaana afceliyeyaal badan oo si hadalkiisa barbar socota ugu tarjuma loo heli karo, meesha Af-Soomaaligu aanu labadaa calaamadood midna lahayn.

Weli khudbadaa Sheekh Shariif kama qanacsani laakiin meeshaasi New York bay ahayd; ma hubo in ay farsamo ahaan suuroggeli lahayd in Carabiga laga bayro, dantii la lahaana dadkoo dhan la gaarsiiyo; madaxda lala hadlayana Ismaaciil Cumar Geelle oo keliya ayaa Af-Soomaaliga ka garan kari lahaa.

Maanta waxaannu joognaa Nugaal, munaasabaddu waa khudbadii aqbalidda xilka madaxweynennimo ee Dawladda Puntland. Salaaddiintii Puntland iyo dhaqankii kale ee Somaaliyeed ee ay martiqaadeenba waxay xaadir ku yihiin madasha shirka. Haweenkii, dhallintii, odayadii iyo da’ dhexaaddiiba qaar baa ka jooga. Dhinicii aad eegtaba qof Soomaali ah oo dhoolacaddaynaya iyo calan babbanaya ayaa ka muuqda. Dhawr beri ka hor dadku waxay welwel ka qabeen sida ay doorashadu ku dhamaan doonto. Maanta waa maalin farxadeed. Laakiin bal qormadan dhamayso.

Waxaa minbarka ku wareegaalaysanaya oo marba fiilo maarmaarrinaya farsamo yaqaanno uu dhidid yari ka tiixayo, oo dhinaca codadka ah oo marba “kow laba kow kow kow” leh oo xaqiijinaya in uu cod-baahiyuhu u shaqaynayo sidii loogu talaggalay. Nalalka ilayskooda waxaa loo giig-tirayaa in aanu humaag gelin madaxweynaha cusub oo la doonayo in Bari iyo Bogox intii ay Soomaaliyi degto oo dhan daqiiqaddaa gudaheeda lagu baahiyo maqalka hadalkiisa iyo muuqaalka araggiisa. Waase lagu niyad jabi doonaa, ugu yaraan odayaasha aan anigu ka mid ahay.

Waxaa soo muuqday nin gaaban, xooggan,haybad iyo bariir-sujuudeed leh, timuhu u gaaban yihiin oo qaba muraayado khafiif ah oo labadiisa indhood ku sar-go’an. Ninkii aan horay u aqoon wuxuu muhiimaddiisa ka fahmi karaa sida ay  ilaaladiisu u garbinayso iyo meesha uu abbaarayba. Waa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha doorran ee Puntland. Waa Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Maxaase xiga?

Inta uu soo istaagay oo dadkii baabbacooyinka u lulay qaarna hal-haleel u salaamay oo minbarka qumaati ugu istaagay oo dhoollacddeeyey buu makarafoonka leexsaday , wuxuuna  billaabay in uu gudaggalo khudbadiisii taariikhiga ahayd. “………the protection of its citizens is the foremost….” Weger!

Dadkii Soomaaliyeed, gaar ahaan Salaadiintii baa midba mid eegay, hoosna waa la isula hadlay. Nin u qiil-bixinayey baa kor u yiri” “Waa Ingiriisi oo gaaladuu ula jeedaa.”  Midna wuxuu yiri: “Ingiriisiga ayaa barafasoorka uga sahlan Af-Soomaaliga. Suldaan ka mid ah salaadiintii ayaa inta gorodda laallaadshay wuxuu iskula xashashaqay “haddee sidee ku afgarannaa?”

Farsamo xumada iyo isla-hoosaynta intaa le’eg loogama garaabi karo Madaxweyne Gaas oo la hubo in uu Af-Soomaaliga aad u yaqaan oo weliba aftahamo ku darsaday. Ma ahan arrin si sahlan looga qanci karo in aqoonyahankii Soomaaliyeed ee masuuliyadda loogu daray uu afkeenna liido oo laga-maarmaan ka dhigo. Ma jirto wax lagu sababayn karo in Nugaal oo ah meeshii ay ku hanaqaadeen hadalka iyo murtida Af-Somaaligu ay Salaadiintiisa iyo Maqaawiirtiisa ka muhiimad roonaadaan dhawr saancaddaa oo ay ku fillayd in gaban yar oo u tarjubaana oo cod gaaban hadalka madaxweynaha ku gaarsiiya la dhex fariisiyo.

Waxaa lagama maarmaan ah in arrintan jawaab loo helo si taariikhda Af-Soomaaliga loogu sunto, duuggana aanay ciduna tan kale u eedin oo sanadkan 2014-ka loo bixiyo berigii Af-Soomaaliga la aasay. “Af-Soomaaliga waxaa bud-dhigay” bay taariikhdu oran doontaa “Madaxweynihii Puntland ee Faroole ka dambeeyey.”

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Caato uu milkiilaheedu saynta uga joogo ma kacdo.” Marka, mar haddii Af-Soomaaliga ay dibin-daabyaynayaan nimankii kobcin lahaa, oo ay madaxdii Soomaaliyeed kuwii ugu aqoonta badnaa ka faanayaan in ay ku hadlaan, xaqiiqo aan fogayn bay noqonaysaa in uu cirib go’o, oo qoraalkiisa iyo aqriskiisaba layska halmaamo.

Dr. Cabdiweli (ama dadka aad amaanta uga qora) waa in uu ka jawaabaa sida uu u fikirayey markii uu Khudbadiisa Aqbalidda Ingiriisiga ku jeedinayey.

Waannu idin sugaynaa.

W/Q: Ibraahim G. Sharmarke
Email:[email protected]

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Video: Dhibatada ka taagan dhulalka la kala heysto oo filim laga sameeyay

Waxaa dhawaan la sii daayay Somali Short Film oo ka hadlaya dhibaatada ka taagan dhulalka la kala heesta ee ah haatan wax kaliyah ee muranka xoogan ka taagan yahay mudadadii burburka ee 23-ka sano aheyd.

Film-kaan kooban wax badan ayaad ka fahmi doontaa iyo dhibaatada kala heysata dadka Soomaalida ah ee kala heysata hantida dhulalka waana mid wax badan ku ifin doona ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaa ka dhaxeeya Baydhabo & Xalab

WQ: Cabdiaziz Bashir Ashkir

[email protected]

Junaury, 30 2014

Saaka oo khamiis ah waxaan ku waa bariistay.

Saaka oo  aroor horre ah,saacadda xaga yagga  ah 7:7 am.  ama aroornimo San Diego Usa. Ayaan furay Computerka si aan soomaaliya iyo caalamkaba wax uga ogaado, markaan soo maray jaraaidada soomaalida intii aan awooday ,  waxa ay ka qoreen wadanka , ayaan al jazeera ugu danbaysiiyey qaybteeda afka carabiga, waxaa warkii ugu horeeyey uu noqday  wiil yar oo ay  macaluul aad ah ay ka muuqato, oo waalidkii dul taaganyahay, guryo bur bur uu ka muuqdo , dad tabaalaysan oo  fayl ugu jira cunto. Goobtuna waa  Suuriya  gaar ahaan Xalab.

Waxaa markiiba igu soo dhacay Baydhabo , Muqdisho Ilaa iyo dhulkaa Jubooyinka dagalddii badnaa ee ka dhacay iyo abaarihii sida guud u sameeyey soomaaliya oo idil . Waxaan is waydiiyeey, side bay Suuriya ahayd markii soomaaliya tan oo kale ka dhacaysay? Waxaa isoo baxay in ay ahayd dawlad wayn  oo dhamaystiran  ku nool barwaaqo iyo badhaadhe. Balse manta iyadda ayeey haystaa tii nahaysatay wixii ka danbeeyey dagaalkii ehliga ahaa ee ka dhacay Soomaaliya 1991kii.

Waxaa kaloo aan is waydiiyey dawladaha dariska  la ah Suuriya ee ay walaalaha yihiin Suuriya,  sidda Sacuudiga,Kuwad,Khadar iyo kuwo ka loo badan,  oo iyagana manta badhaadhe iyo barwaaqo  dugsanaya ma laga yabaa dhibku in uu soo gaadho, oo arinku yahay waxa walaalkaa manta haysta waa balo kugu soo maqan,  haddii aadan la qaybsan, oo aadan radin xalka ugu wanagsan  ee aad ku joojin kart .

Waxaan shaki kujirin hadalkii Rasuulka scw ee uu ku tilmamay dadka muslimiinta ah in ay yihiin  ( Hal Jir) oo haddii ay xubini xanuunsato, uu jirka intiisa kale xanuunsanayo. Tusaalahan qiimiga badan ee xigmadaysan, bal dib u dhugo qofka Muslimka ahoow. Bal ka waran haddii dhaawac kaa soo gaadho lugta, oo aad dhahdo dhayi mayo, daawayn mayo. Maxay noqonaysaa natiijadu? Natiijadu waa  xanuun joogta ah iyo dhimasho .

Hadalka Rasuulka csw wuxuu natusayaa ,  Soomaalia waxa kadhacay haddii aysan dawladaha Muslimka ah wax ka qaban , shaki la aan in aysan iyaguna ladaynin hurdada, waana tan socota manta, oo dalalkii nadaawanayey shalay  waxa manta haysta  waad aragtaan. Kuwa kale ee manta daawanayana ama wax ka shidaya dabka , iyaguna bari agtooda ka eeg.  Waxa dhacaya waa daad socda oo  xoog badan oo aan la moosi Karin , haddii la moosayana ubaahan in  loo  maro  wadada  saxda ah. Waxaa kaloo  laga faaidaysanayaa,  hadalka rasuulka scw. Waxa ka jira gudaha soomaaliya haddii aan la isku tanaasulin , la muujin walaalti nimo , oo arinku sidda uu hada yahay loo dayo, gobol waliba gobolka kale , uu ka cararo, dhibka la isku fiirsado, bara kaca iyo boobka la sii wado, in mid waliba goonidiisa uu u naafobi doono, oo arinku sidaa uusan ahaan doonin.

Waxaan leeyahay shacabkab Soomaaliyeed:

Ibnu aadanku wuxuu  uga duwanyahay Xayawaanka waa caqliga. Caqliguna kiisa  wanaagsan   waa in uu doortaa waxa  wanaagsan, waa in uu kal sooci karaa wixii shalay ku dhacay ee xumaan ahaa  iyo wixii wanaag ahaa .Haddii uu taas kala sooci waayo,  wuxuu noqonayaa caqli fadhiid  ah.

Waxaad ka wada dharagsan tihiin qabqable,dagaal ooge,madax aan dadka iyo dalka waxba u haynin, meesha ay nagaadhsiyeen. Intaasi waa in ay noogu filataa waayo aragnimo. Waa in aan dib wax u fiirinaa, maalin waliba yaan laguu sheegin,  wixii shalay laguu sheegay ee ahaa natiijo dari, ahaana reer hebel ayaan naga celinayaa,xaqeeya ayaan nooga soo dhicinayaa  , waa kuwii sidaa ahaa, iwm. Ogoow ninka saas kuleh wax barsho kama bixiyo,gurina kuuma dhiso, caafimaadkagana ma daryeelo.

Noqo mid maskaxda  xor ka ah, ha noqon mid la hayste  ah, u fakar  si  shakhsi ah xagga caqliga. Ha noqon midka mar waliba wax loo yeedhiyo. Gumaysi ka xun majiro oo ibnu aadanka ku dhaca  kan xaga  maskaxda oo lagaa qabsado. Cadwga ugu xun ee qofka ku dhaca ,  waa   isaga oo aan maskaxdda xor ka ahayn.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Amisom oo ka jawaabtay sababta ay u hakisay shirka 6da gobol ee Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa ka hadlay sababaha keentay in ciidamada AMISOM ay maanta is-hortaag ku sameeyaan ergooyin ku shiraya xarunta ADC-da ee magalada Baydhabo.

Korneel Cali Aadan Xumad,oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan goobta shirka la siiyay amar ah in la joojiyo shirka.

Wuxuu sheegay in Mandate-ka u yaalla AMISOM in aanu ku jirin in ay carqaladeeyaan ama ay fargalin ku sameeyaan shirar ay qabsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka sheegay in AMISOM ay u joogto dalka siddii ay u caawin lahayd dowladda Soomaaliya oo dalka maamusho.

Mar la weydiiyay in uu kala caddeeyo wixii maanta ka dhacay in ay ku lug lahaayeen ciidanka AMISOM, wuxuu ku celceliyay in ciidamadooda ay gacan siinayeen ciidamada dowladda kuwaasoo diidday in la galo goobta.

“Waxaan xasuuneynaa shacabka Soomaaliyeed AMISOM Mandate-keeda in uu yahay in dalkan nabad ka dhigaan, ma ahan in ay dadka waxa rabaan ay fargalin ku sameeyaan, wixii maanta dhacay wax annaga noo yaalla ma ahan” ayuu yiri afhayeenka.

Wuxuu markale yiri “Amar haddii la bixinaayo waxaa bixin kara dowladda Soomaaliya, oo dalka ka talisa, marka ciidamada AMISOM markii ay arkeen in ay meesha ka dhalan rabto waa ay ka soo dhaqaaqeyn” ayuu yiri.

Hadalka afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada AMISOM ay maanta hadkad galiyeen shir ka socday magaalada Baydhabo kaasoo la rabo in lagu sameeyo maamul ka kooban lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Maxamud Sayid Aadan oo wixii maanta ka dhacay Baydhaba ka xog bixiyey

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ergada ka qaybgaleysa shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed, ayaa maanta ka hadlay is hortaag lagu sameeyay odayaasha ku shirayay xarunta shirka ee ADC-da.

Isagoo wariyaasha kula hadlaayay Baydhabo ayuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku dhaqaaqeen tallaabo aad u fool xun oo ah in ay diddeen in lagu shiro xarunta shirka uu ka socday.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku wargaliyeen ergooyinka ku shirayay xarunta in aaney maanta wax shir ah jirin maadama ay amar soo siyeen saraakiishooda.

Dad careesan oo weerar ku qaaday AMISOM markii ay is hortaageen shirka Baydhabo
Dad careesan oo weerar ku qaaday AMISOM markii ay is hortaageen shirka Baydhabo

Wuxuu sheegay in markii loo diidday in ay galaan xarunta shirka in dad careesan ay weerar ku qaadeen ciidamada AMISOM.

Wuxuu kaloo sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidmada AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan oo hoggaaminaya ergada ka socota Gobalka Gedo, ayaa sheegay in shirka Baydhabo uu soo gaaray meel gabagabo oo madhow la dooran doono madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Si kastaba, arrinta maanta ka dhacday Baydhabo ayaa la sheegay in laga soo abaabulay xarunta Villa Somalia, waxaan la rabay in lagu kala dhantaalo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda madaxda dowladda kama hadlin wixii maanta ka dhacay Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Sawirro iyo Warbixin: Nuxurka hadalkii Xasan Sheekh ee shirka M/Africa !!

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xassan, Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Saffirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyadda.

“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan.”

“ Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan lee yahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ah uga gaarto hiigsiga agendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaaga, cadaaladda, iyo horumarka dhaqaalaha.”

Ugu danbeytntii,shirkan ayaa waxaa la soo af-jarayaa berito. Madaxweynahana wuxuu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.

hassan au 1hassan au 2hassan au 4hassan au 5hassan au 6

 

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

[email protected]

DEG DEG: Dagaallo u abaabulan qaab beeleed oo ka qarxay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay ka socdeen deeganno ku yaalla gobalka Shabellaha Hoose, kuwaasoo u abaabulan qaab beeleed.

Meelaha dagaallada ay ka socdaan ayaa ka mid ah Janaale iyo Mareereey, waxaana la maqlayaa hugunka hubka culus oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo isku heysta Bar Konrtol oo ku yaalla deegannadaas.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Janaale Maxamed Idiris Cabdi Keerow ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in ciidamo ka tirsan hey’adda nabad sugida ay ku soo weerareen gurrigiisa si ay isaga u dilaan balse waxaa arrintaas diiday oo ka hor yimid ayu yiri ciidamo isaga waardiyeenayay.

Xaallada deegannada ay dagaallada ka socdaan ayaa weli kacsan waxaana istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Turkiga oo shaaca ka qaaday qarashka ku baxay dhismaha Isbitalka Digfeer

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Turkiga ayaa ka warbixisay kharashka ku baxay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Kani Torun , oo la hadlaayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho ayaa sheega in Isbitaalka Digfeer oo aad loo qalabeeyay in lagu bixiyay lacag gaareysa 35-Milyan oo dollaar.

Wuxuu danjiraha tilmaamay in Isbitaalka qalab ahaan iyo dhismo ahaan uu dhammeestiran yahay oo uu hadda diyaar u yahay in lagu shaqeyo sidda uu hadalka u dhigay.

Danjiraha mar la weydiiyay Isbitaalka goorta la furaayo wuxuu xusay in bisha soo socota ee Febraayo la furi doono.

Wuxuu sheegay in Turkiga ay ka go’antahay siddii ay mashaariic wax tar leh ay uga hirgalin lahayeen dalka Soomaaliya oo 22-sanno dagaallo sokeeye ay ka socdeen.

Wuxuu ku celceliyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siinaayo Soomaaliya ilaa inta ay ka gaareyso isku filnaan.

Isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan ayaa loo dhisay qaab casri, waxaana la sheegay in uu ugu horreeyo Isbitaalada ugu casrisan Qaarada Afrika marka la eego sidda loo dhisay iyo qalabka yaalla.

Turkiga waa dowladda kaliya ee wax yaabo la taaban karo ka fulisay Soomaaliya marka loo barbardhigo waddamada kale iyo hey’adda leh Soomaalida ayaan wax u tarnay.

Turkiga wuxuu dhisay qaar ka mid ah waddooyinka Muhiimka ee magaalada Muqdisho oo burbursanaa iyo goobo kale oo muhiim sidda garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]