Maxaa kasoo kordhay dagaal beeledyo xoogan oo dib uga qarxay Sh/Hoose?

Janaale (Caasimada Online) Inta la ogyahay 15-qof oo u badan dhibacyadii dagaallamay ayaa ku dhintay in ka badan tiradaasna waa ay ku dhaawacmeen dagaallo xooggan oo maanta markale ka qarxay degmada Janaale ee gobalka Shabellaha Hoose.

Dagaalka oo billowday maanta barqadii ayaa soo gaaray galabta, waxaana weli la maqlayaa hugunka hubka culus oo ay adeegsanayaan labada dhinac ee ku dagaallamaya deeganka kuwaasoo ka wadatirsan ciidamada dowladda.

Waxaa degmada ka billowday qax ballaaran, waxaa la arkayay haween iyo carruur gacmaha iska heesta oo ka baxsanaya goobaha lagu dagaallamayo.

Dagaalka ayaa hadda qaboobay in kastoo weli la maqlayo daryanka rasaasta, mana jirto cid kala dhex gashay labada dhinac ee dagaallamaya.

Dagaalka ka socda Janaale oo ah mid u abaabulan qaab beeleed ayaa galay maalintii seddaxaad, waxaana uu geestay khasaaro xooggan.

Ma jirto wax war ah oo dowladda Soomaaliya ay ka soo saartay dagaalka maalintii seddaxaad ka socda degmada Janaale ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com