Jubbooyinka oo warqad Ethiopia looga cabanayo u diray Midowga Africa

Kismaayo (Caasimada Online) – C/qaadir Jaamac Ciise oo kamid ah Aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu sheegay in xiligani Ciidamada Ethiopia ay ku biiraan Howlgalka AMISOM ay ka dambeyso dano gaar ah oo uu sheegay in ay ka leedahay deegaanada Jubooyinka gaar ahaan Dekada Kismaayo.

Waxa uu tilmaamay Aqoonyahan C/qaadir in ku biiritaanka Ciidamada Ethiopia ay ku biireen Howlgalka AMISOM ay sababi karto degenaansho la’aan ku timaada deegaanada Jubooyinka ee imika degan, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu xusay Aqoonyahanka in ay Ururka Midowga Africa u gudbiyeen warqad ay kaga cabanayaan arimahaasi iyo in Midowga Africa ay il gaar ah ku eegaan howsha ay Ciidamada Ethiopia ka qabanayaan gobolada Koonfureed ee Soomaaliya gaar ahaan Bay Bakool iyo Gedo.

Ciidamada Ethiopia oo Soomaaliya si aan sharci aheyn u soo galay sanadkii 2006-dii isagana baxay bilowgii 2009-kii ayaa dhawaan waxa ay kamid noqdeen Howlgalka AMISOM, ayadoona arintaasi ay aragtiyo kala duwan ka bixiyeen waxgaradka siyaasiyiinta Aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed qeybahooda kala duwan.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com