XOG CUSUB: Muqdisho oo yeelaneysa dowlada + Xil ka qaadistii TARSAN oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii u danbeeyay loo dheg taagayay in in lagu dhawaaqo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa magaalada Muqdisho uu yeelan doono, oo shaqsiyaad kasoo jeeda Gobolka u sharaxnaayeen in xilkaani loo magacaabo, hase ahaatee uu dib u dhac ku yimid qorshaha magacaabista shaqsigii badali lahaa Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hor intii uusan ka ambabixin Muqdisho maalintii Tallaadada, wuxuu la kulmay shaqsiyaad ay aad isugu dhow yihiin oo la hadal hayay inuu u magacaabo xilkan, sidoo kale wuxuu la kulmay Guddoomiyaha xiligan ee Gobolka Tarsan, kuna wargeliyay in uu dib u dhigay magacaabista hoggaanka cusub.

Sababaha uu Madaxweynaha ugu wargeliyay Tarsan in uu mudo lix bilood uu xilkan sii haayo ayaa ka danbeysay kooxda uu ka tirsan yahay Madaxweynaha ee lagu xanto Damjadiid ayaa soo jeedisay in Golle Deegaan oo ka kooban 25, marka hore loo sameeyo Muqdisho, kadibna ay dhacdo doorashada Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada.

Qorshahan oo ay wadaan xubno aad ugu dhow Madaxweynaha ee ka tirsan Damjadiid ayaa afar bil ka hor soo jeedisay taladan, hase ahaatee Madaxweynaha uu intaasi ka meer meerayay, isagoo ka ballan qaaday shaqsiyaad mudan in xilkan loo magacaabo uu dib u gurasho ka sameeyay, markii kooxo kale oo doonaya in dadka deegaanka looga duufsado mudnaanta iyo tixgelinta ay ku leeyihiin gobolka Banaadir.

Maalintii Tallaadada Madaxweynuhu wuxuu u yeeray Xasan Maxamed Xuseen Muungaab oo aad isugu dhow yihiin, wuxuuna u sheegay in magacaabistii duqa Muqdisho iyo Gobolka banaadir uu dib u dhigay, lana soo sameynayo Gole deegaan, kaasoo soo dooran doona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada, wuxuuna ku wargeliyay Muungaab in isaga uu noqon doono shaqsiga kusoo bixi doono doorashadaasi, Muungaabna uu sidaasi u aqbalay soo jeedintaasi.

Intaasi kadib ayuu wuxuu u yeeray Duqa Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarsan, wuxuuna ka codsaday in uu ka shaqeeyo sidii Gole deegaan loo soo dhisi lahaa, una sheegay in mudo lix bil uu xilka sii hayn doono inta laga soo dhisayo golahaasi.

Golahaasi deegaan ayaa dadka Muqdisho iyo xamar daye u arkaan mid lagu afduubayo darajada iyo xilka cidda mudnaanta u leh ee Gobolka Banaadir, mana jirto cid xiligan soo dooran karto gole deegaan oo xalaal ku dhisan, shacabka Muqdishana ay yihiin kuwo weli kala firirsan.

Beelihii ku dagaalamayay in xilkani helaan, dhamaantood waxay u tanaasuleen mid ka mid ah beelaha gobolka Banaadir, taasoo damac xooggan gelisay kooxda Dam Jadiid ee Madaxweynaha usoo jeedisay qorshe Afar bil ka hor ay diyaariyeen si shaqsiga ay wataan ugu soo saaraan.

Cali Muxiyaddiin Cali
Muxiyaddiin@hotmail.com