R/W C/WELI oo WAR cad ka soo saaray shirarka ka socda Baydhaba (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa war ka soo saaray shirarka is khilaafsan ee ka socda magaalada Baydhabo kuwaasoo la doonayo in lagu dhiso maamul ka kooban lix goba iyo mid kale oo isna ka kooba nseddax gobal.

War-qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay Shabakadda Caasimada Online, ayaa lagu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay ugu baaqeyso odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta ku shirsan Bayddhabo in dhaqan galiyaan qoddobada hoos ku qoran:-

1- In la dhowro deganaanshaha iyo xasilloonida guud, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara iska horimaad bulshadeena dhexdeeda ah;

2- Sidii horey la isku afgartay, waa in fursad la siiyo sidii loo ballaarin lahaa, loona sii wadi lahaa wada tashiyada iyo is-fahamka si geedi socodku u noqdo mid guuleysta;

3- Dawladda Federaalka Soomaaliya waxay mar walba dhiirri-galineysaa islamarkaana fududeyneysaa inay sameysmaan Maamul Goboleedyo ku dhisma hab raaca Dastuurka Federaalka iyo Shuruucda dalka.

Hadalkan ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa yimid markii shalay AMISOM ay is hortaag ku sameeyeen odayaasha iyo siyaasiyiinta ku howlan dhismaha maamul loo sameeyo lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com