C/Weli Gaas: sidee kugu af-garannaa?

Jiilaalkii 2012-ka, markii aan qorayey maqaalkii: Dhambaallada af-Ingiriisiga ah: Ma Jaajuusnimaa mise waa Isqaadqaad? aan Amiir Caamir ka ergadee, Isma lahayn adiga iyo Madaxweyne dadkiisii la hadlaya ayay xaajada Af-Soomaaliga ku xeerani idinka dhex oogmi doontaa.

Waxaan Dayrtii 2009-ka ka ciil-qabey, Cabdikariim Cabdiraxmaanna  uu mqaalkii Sheekh Shariif iyo Afka Hooyo,  ka qoray madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo khudbad uu Qaramada Midoobey ka aqriyey door-biday in uu adeegsado Afka Carabiga. Dadkii markaa madaxweynaha u doonyo-qaadayey ayaa waxay aad isugu dayeen in ay igu qanciyaan in Afka Carabigu uu ka mid yahay kuwa waaweyn ee Qaramada Midoobey looga hadlo, isla markaana afceliyeyaal badan oo si hadalkiisa barbar socota ugu tarjuma loo heli karo, meesha Af-Soomaaligu aanu labadaa calaamadood midna lahayn.

Weli khudbadaa Sheekh Shariif kama qanacsani laakiin meeshaasi New York bay ahayd; ma hubo in ay farsamo ahaan suuroggeli lahayd in Carabiga laga bayro, dantii la lahaana dadkoo dhan la gaarsiiyo; madaxda lala hadlayana Ismaaciil Cumar Geelle oo keliya ayaa Af-Soomaaliga ka garan kari lahaa.

Maanta waxaannu joognaa Nugaal, munaasabaddu waa khudbadii aqbalidda xilka madaxweynennimo ee Dawladda Puntland. Salaaddiintii Puntland iyo dhaqankii kale ee Somaaliyeed ee ay martiqaadeenba waxay xaadir ku yihiin madasha shirka. Haweenkii, dhallintii, odayadii iyo da’ dhexaaddiiba qaar baa ka jooga. Dhinicii aad eegtaba qof Soomaali ah oo dhoolacaddaynaya iyo calan babbanaya ayaa ka muuqda. Dhawr beri ka hor dadku waxay welwel ka qabeen sida ay doorashadu ku dhamaan doonto. Maanta waa maalin farxadeed. Laakiin bal qormadan dhamayso.

Waxaa minbarka ku wareegaalaysanaya oo marba fiilo maarmaarrinaya farsamo yaqaanno uu dhidid yari ka tiixayo, oo dhinaca codadka ah oo marba “kow laba kow kow kow” leh oo xaqiijinaya in uu cod-baahiyuhu u shaqaynayo sidii loogu talaggalay. Nalalka ilayskooda waxaa loo giig-tirayaa in aanu humaag gelin madaxweynaha cusub oo la doonayo in Bari iyo Bogox intii ay Soomaaliyi degto oo dhan daqiiqaddaa gudaheeda lagu baahiyo maqalka hadalkiisa iyo muuqaalka araggiisa. Waase lagu niyad jabi doonaa, ugu yaraan odayaasha aan anigu ka mid ahay.

Waxaa soo muuqday nin gaaban, xooggan,haybad iyo bariir-sujuudeed leh, timuhu u gaaban yihiin oo qaba muraayado khafiif ah oo labadiisa indhood ku sar-go’an. Ninkii aan horay u aqoon wuxuu muhiimaddiisa ka fahmi karaa sida ay  ilaaladiisu u garbinayso iyo meesha uu abbaarayba. Waa Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha doorran ee Puntland. Waa Raiisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya. Maxaase xiga?

Inta uu soo istaagay oo dadkii baabbacooyinka u lulay qaarna hal-haleel u salaamay oo minbarka qumaati ugu istaagay oo dhoollacddeeyey buu makarafoonka leexsaday , wuxuuna  billaabay in uu gudaggalo khudbadiisii taariikhiga ahayd. “………the protection of its citizens is the foremost….” Weger!

Dadkii Soomaaliyeed, gaar ahaan Salaadiintii baa midba mid eegay, hoosna waa la isula hadlay. Nin u qiil-bixinayey baa kor u yiri” “Waa Ingiriisi oo gaaladuu ula jeedaa.”  Midna wuxuu yiri: “Ingiriisiga ayaa barafasoorka uga sahlan Af-Soomaaliga. Suldaan ka mid ah salaadiintii ayaa inta gorodda laallaadshay wuxuu iskula xashashaqay “haddee sidee ku afgarannaa?”

Farsamo xumada iyo isla-hoosaynta intaa le’eg loogama garaabi karo Madaxweyne Gaas oo la hubo in uu Af-Soomaaliga aad u yaqaan oo weliba aftahamo ku darsaday. Ma ahan arrin si sahlan looga qanci karo in aqoonyahankii Soomaaliyeed ee masuuliyadda loogu daray uu afkeenna liido oo laga-maarmaan ka dhigo. Ma jirto wax lagu sababayn karo in Nugaal oo ah meeshii ay ku hanaqaadeen hadalka iyo murtida Af-Somaaligu ay Salaadiintiisa iyo Maqaawiirtiisa ka muhiimad roonaadaan dhawr saancaddaa oo ay ku fillayd in gaban yar oo u tarjubaana oo cod gaaban hadalka madaxweynaha ku gaarsiiya la dhex fariisiyo.

Waxaa lagama maarmaan ah in arrintan jawaab loo helo si taariikhda Af-Soomaaliga loogu sunto, duuggana aanay ciduna tan kale u eedin oo sanadkan 2014-ka loo bixiyo berigii Af-Soomaaliga la aasay. “Af-Soomaaliga waxaa bud-dhigay” bay taariikhdu oran doontaa “Madaxweynihii Puntland ee Faroole ka dambeeyey.”

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Caato uu milkiilaheedu saynta uga joogo ma kacdo.” Marka, mar haddii Af-Soomaaliga ay dibin-daabyaynayaan nimankii kobcin lahaa, oo ay madaxdii Soomaaliyeed kuwii ugu aqoonta badnaa ka faanayaan in ay ku hadlaan, xaqiiqo aan fogayn bay noqonaysaa in uu cirib go’o, oo qoraalkiisa iyo aqriskiisaba layska halmaamo.

Dr. Cabdiweli (ama dadka aad amaanta uga qora) waa in uu ka jawaabaa sida uu u fikirayey markii uu Khudbadiisa Aqbalidda Ingiriisiga ku jeedinayey.

Waannu idin sugaynaa.

W/Q: Ibraahim G. Sharmarke
Email:igsharmarke@gmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online