Maxaa ka dhaxeeya Baydhabo & Xalab

WQ: Cabdiaziz Bashir Ashkir

caweeye@hotmail.com

Junaury, 30 2014

Saaka oo khamiis ah waxaan ku waa bariistay.

Saaka oo  aroor horre ah,saacadda xaga yagga  ah 7:7 am.  ama aroornimo San Diego Usa. Ayaan furay Computerka si aan soomaaliya iyo caalamkaba wax uga ogaado, markaan soo maray jaraaidada soomaalida intii aan awooday ,  waxa ay ka qoreen wadanka , ayaan al jazeera ugu danbaysiiyey qaybteeda afka carabiga, waxaa warkii ugu horeeyey uu noqday  wiil yar oo ay  macaluul aad ah ay ka muuqato, oo waalidkii dul taaganyahay, guryo bur bur uu ka muuqdo , dad tabaalaysan oo  fayl ugu jira cunto. Goobtuna waa  Suuriya  gaar ahaan Xalab.

Waxaa markiiba igu soo dhacay Baydhabo , Muqdisho Ilaa iyo dhulkaa Jubooyinka dagalddii badnaa ee ka dhacay iyo abaarihii sida guud u sameeyey soomaaliya oo idil . Waxaan is waydiiyeey, side bay Suuriya ahayd markii soomaaliya tan oo kale ka dhacaysay? Waxaa isoo baxay in ay ahayd dawlad wayn  oo dhamaystiran  ku nool barwaaqo iyo badhaadhe. Balse manta iyadda ayeey haystaa tii nahaysatay wixii ka danbeeyey dagaalkii ehliga ahaa ee ka dhacay Soomaaliya 1991kii.

Waxaa kaloo aan is waydiiyey dawladaha dariska  la ah Suuriya ee ay walaalaha yihiin Suuriya,  sidda Sacuudiga,Kuwad,Khadar iyo kuwo ka loo badan,  oo iyagana manta badhaadhe iyo barwaaqo  dugsanaya ma laga yabaa dhibku in uu soo gaadho, oo arinku yahay waxa walaalkaa manta haysta waa balo kugu soo maqan,  haddii aadan la qaybsan, oo aadan radin xalka ugu wanagsan  ee aad ku joojin kart .

Waxaan shaki kujirin hadalkii Rasuulka scw ee uu ku tilmamay dadka muslimiinta ah in ay yihiin  ( Hal Jir) oo haddii ay xubini xanuunsato, uu jirka intiisa kale xanuunsanayo. Tusaalahan qiimiga badan ee xigmadaysan, bal dib u dhugo qofka Muslimka ahoow. Bal ka waran haddii dhaawac kaa soo gaadho lugta, oo aad dhahdo dhayi mayo, daawayn mayo. Maxay noqonaysaa natiijadu? Natiijadu waa  xanuun joogta ah iyo dhimasho .

Hadalka Rasuulka csw wuxuu natusayaa ,  Soomaalia waxa kadhacay haddii aysan dawladaha Muslimka ah wax ka qaban , shaki la aan in aysan iyaguna ladaynin hurdada, waana tan socota manta, oo dalalkii nadaawanayey shalay  waxa manta haysta  waad aragtaan. Kuwa kale ee manta daawanayana ama wax ka shidaya dabka , iyaguna bari agtooda ka eeg.  Waxa dhacaya waa daad socda oo  xoog badan oo aan la moosi Karin , haddii la moosayana ubaahan in  loo  maro  wadada  saxda ah. Waxaa kaloo  laga faaidaysanayaa,  hadalka rasuulka scw. Waxa ka jira gudaha soomaaliya haddii aan la isku tanaasulin , la muujin walaalti nimo , oo arinku sidda uu hada yahay loo dayo, gobol waliba gobolka kale , uu ka cararo, dhibka la isku fiirsado, bara kaca iyo boobka la sii wado, in mid waliba goonidiisa uu u naafobi doono, oo arinku sidaa uusan ahaan doonin.

Waxaan leeyahay shacabkab Soomaaliyeed:

Ibnu aadanku wuxuu  uga duwanyahay Xayawaanka waa caqliga. Caqliguna kiisa  wanaagsan   waa in uu doortaa waxa  wanaagsan, waa in uu kal sooci karaa wixii shalay ku dhacay ee xumaan ahaa  iyo wixii wanaag ahaa .Haddii uu taas kala sooci waayo,  wuxuu noqonayaa caqli fadhiid  ah.

Waxaad ka wada dharagsan tihiin qabqable,dagaal ooge,madax aan dadka iyo dalka waxba u haynin, meesha ay nagaadhsiyeen. Intaasi waa in ay noogu filataa waayo aragnimo. Waa in aan dib wax u fiirinaa, maalin waliba yaan laguu sheegin,  wixii shalay laguu sheegay ee ahaa natiijo dari, ahaana reer hebel ayaan naga celinayaa,xaqeeya ayaan nooga soo dhicinayaa  , waa kuwii sidaa ahaa, iwm. Ogoow ninka saas kuleh wax barsho kama bixiyo,gurina kuuma dhiso, caafimaadkagana ma daryeelo.

Noqo mid maskaxda  xor ka ah, ha noqon mid la hayste  ah, u fakar  si  shakhsi ah xagga caqliga. Ha noqon midka mar waliba wax loo yeedhiyo. Gumaysi ka xun majiro oo ibnu aadanka ku dhaca  kan xaga  maskaxda oo lagaa qabsado. Cadwga ugu xun ee qofka ku dhaca ,  waa   isaga oo aan maskaxdda xor ka ahayn.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online