Gen Gaafow oo ka jawaabay eedeeyn ahayd inuu guri xoog ku haysto

Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii dhawaan baraha Internetka la soo galiyay Muuqaal laga soo duubay gabar Soomaaliyeed oo sheegaya in gurri ay ku lahayd Muqdisho uu xoog ku heysto Taliyaha hoggaanka socdaalka iyo jinsiyadaha dowladda Soomaaliya. waxaa arrintaas ka hadlay Gen Cabdulaahi Gaafow.

Wuxuu sheegay Mr. Gaafow wuxuu beeniyay in dhul ay lee dahay haweeney Soomaali ah uusan xoog ku deganeen, isagoona ku tilmaamay warkaas mid looga gun lee yahay arrimo siyaasadeed.

Wuxuu caddeeyay gurriga lagu eedeeyay in uu deggan yahay in uu ku yaallo goob bannaan oo daris la’ah gurriga uu daggan yahay isagoona ku doodday in gurrigaas uu lahaa nin Talyaani ah.

Sarkaalkan ayaa sidoo xusay in dhulka la sheegayo in uu xoog ku heysto dhowr jeer ay yimaadeen dhowr qof oo kala duwan kuwaasoo ku dooddaya “Annaga ayaa leh”.

Maxamuud ayaa beeniyay warar sheegayay in xarumo ay leeyihiin dad rayid ah si sharci daror ah ay ku deganyihiin.

“Haddii aan caddeeyo dhulkan waxaa markii horre lahaa Nin u dhashay dalka Talyaaniga, waxaana muddadii burburka dalka uu ka jiray uu ahaa goob qashinka lagu daadiyo, waxaana jirra dad badan oo leh annaga ayaa leh, marka dalka maxkamad ayaa jirta ha u dacwoodaan haddii ay wax eedeenayaan” ayuu yiri Gen Gaafow.

Wuxuuu ku celceliyay dhulka lagu eedeeyay in uusan isaga daganeen balse arrintaas in looga gun lee yahay mid siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu dhaawaco sharraftiisa maadama uu yahay sarkaal sare oo ka tirsan doowladda sidda uu hadalka u dhigay.

Si kastaba, haweeneyda ayaa sheegtay in gurrigan uu lahaa nin Talyaani ah oo ay u dhashay labo carruur ah kaasoo u iibiyay gurriga uu deggan tahay taliyaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com