Ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo la dhigay xarunta shirka 6-da Gobal

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa sheegaya in ciidamo u abaabulan qaab beeleed in la dhigay xarunta ADC-da oo ah halka ay ku shirayaan ergooyinka ku howlan dhismaha maamul ka kooban lix gobal oo ku yaalla Koonfurta Somalia.

Goobjoogaal la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegay in ciidamo hubeysan la dhigay xarunta shirka uu ka socdo kaddib markii shaley ciidamada AMISOM ay is-hotaageen ergooyinka ku howlan dhismaha shirka maamul u sameynta lixd gobal.

Ciidamada la dhigay xarunta ADC-da ayaa la sheegay in soo diyaariyeen odayaal iyo siyaayiin doonaya in uu hirgali shirka ka socdo magaalada Baydhabo, kaddib markii ay so baxeen warar sheegaya in la carqaldeen rabo shirkaas.

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa ka ambabaxay ciidamo dowladda Soomaaliya ay u dirtay magaalada Baydhabo kuwaasoo loogu talagalay in is hortaagan shirka maamulka loogu sameenaayo lixda gobal.

Dhinaca kale, wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Somaliaya, Nichalas Key ayaa ka codsaday odayaasha iyo siyaasiyiinta ku shirsan Baydhabo in ay joojiyaan wax kasta oo abaaburi kara xiisad.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socdo shirar iska soo horjeed oo lagau kala sameenaayo labo maamul oo mid ka mid lagu sameenaayo maamul ka kooban lix gobal iyo mid kale oo ka kooban seddax gobal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

Caasimada@live.com