DEG DEG: Dagaallo u abaabulan qaab beeleed oo ka qarxay Sh/Hoose

Muqdisho (Caasimada Online) War hadda na soo gaaray ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay ka socdeen deeganno ku yaalla gobalka Shabellaha Hoose, kuwaasoo u abaabulan qaab beeleed.

Meelaha dagaallada ay ka socdaan ayaa ka mid ah Janaale iyo Mareereey, waxaana la maqlayaa hugunka hubka culus oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu u dhexeeyo ciidamo ka tirsan dowladda kuwaasoo isku heysta Bar Konrtol oo ku yaalla deegannadaas.

Dhinaca kale, guddoomiyaha degmada Janaale Maxamed Idiris Cabdi Keerow ayaa ka badbaaday isku day dil oo lagu doonayay in lagu khaarijiyo.

Wuxuu sheegay guddoomiyaha in ciidamo ka tirsan hey’adda nabad sugida ay ku soo weerareen gurrigiisa si ay isaga u dilaan balse waxaa arrintaas diiday oo ka hor yimid ayu yiri ciidamo isaga waardiyeenayay.

Xaallada deegannada ay dagaallada ka socdaan ayaa weli kacsan waxaana istaagay isku socodka dadka iyo gaadidka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com