Turkiga oo shaaca ka qaaday qarashka ku baxay dhismaha Isbitalka Digfeer

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Turkiga ayaa ka warbixisay kharashka ku baxay Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

Danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Kani Torun , oo la hadlaayay Idaacad maxalli ah oo ku taalla Muqdisho ayaa sheega in Isbitaalka Digfeer oo aad loo qalabeeyay in lagu bixiyay lacag gaareysa 35-Milyan oo dollaar.

Wuxuu danjiraha tilmaamay in Isbitaalka qalab ahaan iyo dhismo ahaan uu dhammeestiran yahay oo uu hadda diyaar u yahay in lagu shaqeyo sidda uu hadalka u dhigay.

Danjiraha mar la weydiiyay Isbitaalka goorta la furaayo wuxuu xusay in bisha soo socota ee Febraayo la furi doono.

Wuxuu sheegay in Turkiga ay ka go’antahay siddii ay mashaariic wax tar leh ay uga hirgalin lahayeen dalka Soomaaliya oo 22-sanno dagaallo sokeeye ay ka socdeen.

Wuxuu ku celceliyay in Turkiga uu sii wadi doono taageerada uu siinaayo Soomaaliya ilaa inta ay ka gaareyso isku filnaan.

Isbitaalka Digfeer oo ku yaalla degmada Hodan ayaa loo dhisay qaab casri, waxaana la sheegay in uu ugu horreeyo Isbitaalada ugu casrisan Qaarada Afrika marka la eego sidda loo dhisay iyo qalabka yaalla.

Turkiga waa dowladda kaliya ee wax yaabo la taaban karo ka fulisay Soomaaliya marka loo barbardhigo waddamada kale iyo hey’adda leh Soomaalida ayaan wax u tarnay.

Turkiga wuxuu dhisay qaar ka mid ah waddooyinka Muhiimka ee magaalada Muqdisho oo burbursanaa iyo goobo kale oo muhiim sidda garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com