Xog cusub: Magacaabista Xilalka duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha gobolka iyo Xaalka guddoomiye TARSAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtoyada dhowaan soo magacaabeyso masuuliyiin cusub oo qaban doona xilalka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

Xilalkan waxaa hadda isku haya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhowaan xil wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha loo magacaabay balse iska diiday.

Guddoomiye Tarsan wuxuu kaloo horey uga tanaasulay xilkiisa xildhibaanimo ee uu ka heley baarlamaanka hadda jira oo ah kii ugu horreeyay oo aan Ku-Meelgaar ahayn ee dalku yeesho tan iyo 1990-kii.

Ilo wareedkan ayaa sheegay in la kala qaadi doono labada jago, isla markaana loo soo kala magacaabi doono labo qof oo cusub.
Afhayeenka madaxweynaha ahna la taliya sare Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa la xaqiijiyey in loo wado xilka Duqa Magaalada Muqdisho, halka jagada guddoomiyaha Gobolka Banaadir la hadalhayo dhowr ruux.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Ciidamada Gen Xuseen Muungaab ayaa ka mid ah shakhsiyaadka la hadalhayo in xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo wado. Waxaa kaloo tartan ku jira illaa labo ruux oo kale oo qurbajoog iyo dal joogba isugu jira.

Xilka Duqa Muqdisho iyo kan gobolka waxay isku ahaayeen hal jago tan iyo sanadkii 2009 markii madaxweynihii DKMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jagadaasi u magacaabay Maxamuud Tarsan oo illaa maanta xilka haya.

Dhowr jeer ayay soo bexeen wararka sheegaya in Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ay bedeleyso Tarsan, maadaama gobolka Banaadir iyo Dawlada Hoose ay ka mid yihiin meelaha muhiimka ah ee dawlada, waxaase jiray mararka qaar in xil ka bedelkaasi loo aaneynayey khilaaf hoose oo u dhexeeya madaxtooyada iyo Tarsan.

Dhowaan, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wareysi uu bixiyey oo wax laga weydiiyey xil ka qaadista Tarsan ayaa inkastoo uusan si cad u oran haddana wuxuu carrabka ku dhuftay in waqtiga uu xilka hayo Tarsan uu noqday masuulkii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

“.. Xafiisyada dawlada ma jirto xil qof uu cabirtay sida boos 20×20 [labaatan mitir oo labo jibaaran]” ayuu yiri madaxweynaha in xitaa isaga kursigiisa madaxweynaha aanu dhaxal u helin ee uu waqti soo mari doono uu ka degi doono.

Waxqabadka Tarsan iyo maamulka hadda jira

Dad badan oo Muqdisho ku nool ayaa eedo u jeediya Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hase yeeshee waxqabadka guddoomiyaha hadda xilka hayaa ayaa la aaminsan yahay inuu yahay midkii ugu fiicnaa marka dib loo eego dhammaan masuuliyiintii gobolka Banaadir soo martay mudooyinkan dambe.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in xil ka qaadista Tarsan aysan ku iman dhaliil waxqabad ee kaliya, balse ay tahay in qabiilo badan oo ah kuwa deegaan iyo dhalasho ahaan kasoo jeeda Xamar iyo nawaaxigeeda ay ku dhegan yihiin Tarsan, ayna doonayaan in xilka laga qaado.

Dhinaca kale, xil ka qaadistan qorsheysan ayaa dadka qaarkiis waxa ay ku fasirayaan inay tahay in gobolka iyo dawlada hoose ay noqon doonaan meelaha ay saameynta ku yeeshaan xulufada madaxweyne Xasan Sheekh, oo xilalkii dalka oo idil urursanaya.

Isha: RBC