Sawirro iyo Warbixin: Nuxurka hadalkii Xasan Sheekh ee shirka M/Africa !!

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sh. Mohamud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sh. Xassan, Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Saffirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyadda.

“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan.”

“ Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan lee yahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ah uga gaarto hiigsiga agendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaaga, cadaaladda, iyo horumarka dhaqaalaha.”

Ugu danbeytntii,shirkan ayaa waxaa la soo af-jarayaa berito. Madaxweynahana wuxuu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.

hassan au 1hassan au 2hassan au 4hassan au 5hassan au 6

 

Caasimada Online

Xafiiska Addis-Ababa

Caasimada@live.com