Maxamud Sayid Aadan oo wixii maanta ka dhacay Baydhaba ka xog bixiyey

Baydhabo (Caasimada Online) Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ergada ka qaybgaleysa shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed, ayaa maanta ka hadlay is hortaag lagu sameeyay odayaasha ku shirayay xarunta shirka ee ADC-da.

Isagoo wariyaasha kula hadlaayay Baydhabo ayuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku dhaqaaqeen tallaabo aad u fool xun oo ah in ay diddeen in lagu shiro xarunta shirka uu ka socday.

Wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM ay ku wargaliyeen ergooyinka ku shirayay xarunta in aaney maanta wax shir ah jirin maadama ay amar soo siyeen saraakiishooda.

Dad careesan oo weerar ku qaaday AMISOM markii ay is hortaageen shirka Baydhabo
Dad careesan oo weerar ku qaaday AMISOM markii ay is hortaageen shirka Baydhabo

Wuxuu sheegay in markii loo diidday in ay galaan xarunta shirka in dad careesan ay weerar ku qaadeen ciidamada AMISOM.

Wuxuu kaloo sheegay in dhowr qof ay ku dhaawacmeen rasaas ay fureen ciidmada AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Maxamuud Sayid Aadan oo hoggaaminaya ergada ka socota Gobalka Gedo, ayaa sheegay in shirka Baydhabo uu soo gaaray meel gabagabo oo madhow la dooran doono madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Si kastaba, arrinta maanta ka dhacday Baydhabo ayaa la sheegay in laga soo abaabulay xarunta Villa Somalia, waxaan la rabay in lagu kala dhantaalo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Ilaa hadda madaxda dowladda kama hadlin wixii maanta ka dhacay Baydhabo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com