Amisom oo ka jawaabtay sababta ay u hakisay shirka 6da gobol ee Baydhaba

Muqdisho (Caasimada Online) Afhayeenka ciidanka AMISOM ayaa ka hadlay sababaha keentay in ciidamada AMISOM ay maanta is-hortaag ku sameeyaan ergooyin ku shiraya xarunta ADC-da ee magalada Baydhabo.

Korneel Cali Aadan Xumad,oo la hadlaayay VOA-da ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ee ku sugan goobta shirka la siiyay amar ah in la joojiyo shirka.

Wuxuu sheegay in Mandate-ka u yaalla AMISOM in aanu ku jirin in ay carqaladeeyaan ama ay fargalin ku sameeyaan shirar ay qabsanayaan shacabka Soomaaliyeed.

Afhayeenka sheegay in AMISOM ay u joogto dalka siddii ay u caawin lahayd dowladda Soomaaliya oo dalka maamusho.

Mar la weydiiyay in uu kala caddeeyo wixii maanta ka dhacay in ay ku lug lahaayeen ciidanka AMISOM, wuxuu ku celceliyay in ciidamadooda ay gacan siinayeen ciidamada dowladda kuwaasoo diidday in la galo goobta.

“Waxaan xasuuneynaa shacabka Soomaaliyeed AMISOM Mandate-keeda in uu yahay in dalkan nabad ka dhigaan, ma ahan in ay dadka waxa rabaan ay fargalin ku sameeyaan, wixii maanta dhacay wax annaga noo yaalla ma ahan” ayuu yiri afhayeenka.

Wuxuu markale yiri “Amar haddii la bixinaayo waxaa bixin kara dowladda Soomaaliya, oo dalka ka talisa, marka ciidamada AMISOM markii ay arkeen in ay meesha ka dhalan rabto waa ay ka soo dhaqaaqeyn” ayuu yiri.

Hadalka afhayeenka ciidamada AMISOM ayaa ku soo beegmaya iyadoo ciidamada AMISOM ay maanta hadkad galiyeen shir ka socday magaalada Baydhabo kaasoo la rabo in lagu sameeyo maamul ka kooban lix gobal oo ku yaalla Koonfur Galbeed.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com