28.1 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Xog cusub: Magacaabista Xilalka duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha gobolka iyo Xaalka guddoomiye TARSAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo wareed ku dhow madaxtooyada Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegaya in madaxtoyada dhowaan soo magacaabeyso masuuliyiin cusub oo qaban doona xilalka guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Muqdisho.

Xilalkan waxaa hadda isku haya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo dhowaan xil wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha loo magacaabay balse iska diiday.

Guddoomiye Tarsan wuxuu kaloo horey uga tanaasulay xilkiisa xildhibaanimo ee uu ka heley baarlamaanka hadda jira oo ah kii ugu horreeyay oo aan Ku-Meelgaar ahayn ee dalku yeesho tan iyo 1990-kii.

Ilo wareedkan ayaa sheegay in la kala qaadi doono labada jago, isla markaana loo soo kala magacaabi doono labo qof oo cusub.
Afhayeenka madaxweynaha ahna la taliya sare Eng C/raxmaan Cumar Cismaan “Yariisow” ayaa la xaqiijiyey in loo wado xilka Duqa Magaalada Muqdisho, halka jagada guddoomiyaha Gobolka Banaadir la hadalhayo dhowr ruux.

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Ciidamada Gen Xuseen Muungaab ayaa ka mid ah shakhsiyaadka la hadalhayo in xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir loo wado. Waxaa kaloo tartan ku jira illaa labo ruux oo kale oo qurbajoog iyo dal joogba isugu jira.

Xilka Duqa Muqdisho iyo kan gobolka waxay isku ahaayeen hal jago tan iyo sanadkii 2009 markii madaxweynihii DKMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu jagadaasi u magacaabay Maxamuud Tarsan oo illaa maanta xilka haya.

Dhowr jeer ayay soo bexeen wararka sheegaya in Dawlada Madaxweyne Xasan Sheekh ay bedeleyso Tarsan, maadaama gobolka Banaadir iyo Dawlada Hoose ay ka mid yihiin meelaha muhiimka ah ee dawlada, waxaase jiray mararka qaar in xil ka bedelkaasi loo aaneynayey khilaaf hoose oo u dhexeeya madaxtooyada iyo Tarsan.

Dhowaan, ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wareysi uu bixiyey oo wax laga weydiiyey xil ka qaadista Tarsan ayaa inkastoo uusan si cad u oran haddana wuxuu carrabka ku dhuftay in waqtiga uu xilka hayo Tarsan uu noqday masuulkii ugu waqtiga dheeraa ee soo mara gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho.

“.. Xafiisyada dawlada ma jirto xil qof uu cabirtay sida boos 20×20 [labaatan mitir oo labo jibaaran]” ayuu yiri madaxweynaha in xitaa isaga kursigiisa madaxweynaha aanu dhaxal u helin ee uu waqti soo mari doono uu ka degi doono.

Waxqabadka Tarsan iyo maamulka hadda jira

Dad badan oo Muqdisho ku nool ayaa eedo u jeediya Duqa Muqdisho iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, hase yeeshee waxqabadka guddoomiyaha hadda xilka hayaa ayaa la aaminsan yahay inuu yahay midkii ugu fiicnaa marka dib loo eego dhammaan masuuliyiintii gobolka Banaadir soo martay mudooyinkan dambe.

Si kastaba, waxaa la sheegayaa in xil ka qaadista Tarsan aysan ku iman dhaliil waxqabad ee kaliya, balse ay tahay in qabiilo badan oo ah kuwa deegaan iyo dhalasho ahaan kasoo jeeda Xamar iyo nawaaxigeeda ay ku dhegan yihiin Tarsan, ayna doonayaan in xilka laga qaado.

Dhinaca kale, xil ka qaadistan qorsheysan ayaa dadka qaarkiis waxa ay ku fasirayaan inay tahay in gobolka iyo dawlada hoose ay noqon doonaan meelaha ay saameynta ku yeeshaan xulufada madaxweyne Xasan Sheekh, oo xilalkii dalka oo idil urursanaya.

Isha: RBC

Dad Muqdisho ugu dhintay kadib….!

Muqdisho (Caasimada Online) Inta la ogyahay hal qof ayaa ku dhintay in ka badan shan kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib markii galabta ay ku soo duntay kaawo ku taalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Kaawada oo ku taallay meel ku dhow Kawaan Bari, waxaa la sheegay in qof ku dhintay iyo dadka ku dhaawacmay ay ahaayeen kuwa caro ka qodoyay goobta.

Waxaa goobta gaaray dad aad u fara badan kuwaasoo doonayay in ay soo bad baadiyaan dadka xoog satada ee ku xayirnaa goobta kaawada laga qodaayay.

Wariye ka tirsan Caasimada Online oo gaaray goobta ayaa soo sheegaya in u arkay dad si xun u dhaawacmay oo goobta laga soo saaray kuwaasoo ku xayirnaa Kaawada soo duntay.

Ma ahan markii ugu horreysay oo Kaawo soo duntay ay geesato Khasaaro fara badan, waxaana inta badan marka ay dhacaan shilalka noocan oo kale dhib noqda sidda loo soo badbaadiyo dadkaas.

Khasaaro badan ayaa ka dhasha marka ay soo dumaan kaawooyinka ku yaalla magaalada Muqdisho kuwaasoo dad badan ay ku dhintaan oo ah dadka muruq maalka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

XOG: Dagaalka ka socda Sh/Hoose oo qorshe siyaasadeed iyo sir kale wata

Afgooye (Caasimada Online) Caasimada Online ayaa ogaatay in dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose in ay ka dambeeyaan siyaasiyiin ka soo jeeda Gobalada Baay iyo Bakool.

Ilo Wareedyo lagu kal soon yahay ayaa Caasimada Online, u xaqiijiyay in dagaalkaas lagu damacsanaa in lagu hor istaago ciidamo dowladda Soomaaliya ay ka dirtay magaalada Muqidsho oo ku sii jeeday magaalada Baydhabo si loo carqaladeeyo shirka maamul u sameynta lixda gobal ee Koonfur Galbeed.

Dagaalka ka dhacay Wanlwaweyn ayaa la sheegay in uu ku dhashay markii ciidamo ku sii jeeday Baydhabo waddada loo galay halkaasoo lagu rabay in lagu baabiyo, waxaana qorshahaas soo abaabulay Sheekh Aadan Madoobe iyo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo labaduba ah Xildhibaanno wax kawada shirka maamul u sameyta lixda gobal.

Ciidamada ku sii jeeda Baydhabo waxaa Muqdisho ka dilay Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana la rabay in ay ilaaliyaan ergooyinka ka qaybgalay shir kale oo isna ka furmay Baydhabo kaasoo looga arrinsanaayo maamul u sameynta seddax gobal.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa doonaya in uu madaxweyne ka noqdo maamul cusub oo loo sameenaayo seddax gobal oo kala Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose,waxaana arrintaas taageero ku siinaya dowladda Soomaaliya, laakin waxaa jirra siyaasiyiin kale oo iyana u ololeenaya maamul u sameynta lix gobal oo kala ah Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhallinyaro qurbaha ka timid oo ka cabanaya mashaariic laga bur-buriyey

Muqdisho (Caasimada Online) Dhallinyaro Soomaali ah oo ka timid waddamada qurbaha oo dalka ku soo laabtay ayaa sheegay in la burburiyay mashaariic ay ka hirgaliyeen magaalada Muqdisho.

Dhallinyaradan ayaa sheegay in magaalada ay ka fureen Warshad sameysa Bulukeetiga ama Sibirka taasoo saacadii soo saartay kun xabo.

Cabdicasiis Maxamed Xasan, oo ah madaxa shirkadan ayaa Warbaahinta u sheegay in laga burburiyay warshaqad ku kaceysa qiimaheeda 350 kun oo dollar.

Wuxuu sheegay in dalka ay u yimaadeen siddii ay mashaariic horrumarneed uga hirgalin lahaayeen magaalada, balse warshadooda laga burburiyay.

Mar la weydiiyay maamulaha cidda burburisay warshadooda wuxuu sheegay in ay burburiyeen maamulka Gobalka Banaadir.

“Arrintaas waa ayaan daro annagoo dalka u nimid in aan mashaariic ka fulino oo shaqaale siinay dhallinyaro badan, oo baagamuudo ahaa, waxaa dhacday in aan khasaaro kala kulanay” ayuu yiri Maamulaha shirkaddan.

Ugu dambeyn wuxuu madaxweynaha, iyo wasiiradda arrimaha gudaha iyo caddaallada ugu baaqay in ay wax ka qabtaan cabashadooda, maadama ay iyaga dhaheen dalka ku soo laabtaan oo maalgashi ka sameesta.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ganacsade Somali ah oo lagu dilay K/A

Pretoria (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed labo kalena waa lagu dhaawacay, kaddib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen .

Ibraahim Xaaji Xuseen, oo ehel la’ah ganacsadaha lagu dilay Koonfur Afrika ayaa VOA-da u sheegay in marxuumka la dilay markii la weerarray isagoo watay gaari uu alaabaha ugu geeyo dukaamada Soomaalida ay ku lee yihiin xaafadaha loo yaqaano (Locations-ka).

Wuxuu sheegay kooxda dishay muwaadinka Soomaaliyeed in ay baxsadeen oo aaney jirin cid soo qabatay “Waa dhib joogta ah oo lagu hayo Soomaalida halkan ku nool” ayuu yiri.

Waa dilkii ugu dambeyay ee loo geesto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika,kuwaasoo bartilmaameed u noqday kooxo burcad ah oo dhac iyo dilba ku haya ganacsatada Soomaalida.

Ma jirto cid ilaa hadda u istaagtay joojinta ugaarsiga lagu hayo Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, laakin dad badan waxa ay lee yihiin inta badan Soomaalida waxaa lagu dilaa goobo Tuulo ah oo ay geeyaan ganacsigooda, markaas ayaa loo arkaa dhib soo kordhay.

Marxuumka shaley la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Cabduqaadir ayaa lagu wadaa maanta oo Khamiis ah in lagu aaso goobta lagu dilay. Waxaa kaloo lala dhaawacay labo wiil oo dhallinyaro ah kuwaasoo iyana hadda ku jirra Isbitaal.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]  

Video: Nolosha habeenki ee Muqdisho iyo howlgalka ciidamada Dowladda

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa magaalo ay soo mareyn maamulo kala duwan Sanadihii ugu dambeeyay Balse Muqdisho hada amaankeeda amaan ka wanaagsan weli ma aysan arag Shacabka Soomaaliyeed.

Muqdisho amaan ahaan hada waxeey cagta saartay waagii bariisamaadka ee habeen & maalin ay dadweynuhu isu socodkooda isku mid ahaa, Dhanka kale Ciidamada Amaanka ee Booliska Soomaaliyeed ayaa ayagana howl galo ka sameynaya guud ahaan Xaafadaha Magaalada Muqdisho ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

SHIRKII BAYDHABA oo la bur-buriyey

Baydhabo (Caasimada Online) Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee joogay xarunta ADC-da lagu wargaliyay in ay ka leexdaan odayaasha ku shiraya halkaas ee doonaya in ay sameeyaan maamul cusub oo ka kooba lix gobal.

Mar sii horreysay maanta ayaa ciidamada AMISOM waxa ay diiddeen in la galo xarunta shirka uu ka socdo, waxaana ay odayaasha u sheegeen in wax shir la dhaho uusan ka dhici karin goobta ay waardiyeeyaan oo ah xaruntii Baarlamaanka KMG ahaa ee dowladii AUN Cabdulaahi Yuusuf Axmed sannadkii 2004 ilaa 2007-dii.

Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in amar lagu siiyay in la xiro xarunta uu shirka ka socodo, loona kala diro odayaasha ku shiraya Baydhabo.

Malaakh Maxamed Deerow oo ka mid ah howlwadeenada shirka maamul u sameynta Koonfur Galbeed ayaa wariyaasha u sheegay in maanta ciidamada AMISOM ay ku dhaaqaaqeen tallaabo fool xun isagoona intaas ku daray in odayaasha ku shirayay xarunta in lagu furay rasaas sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya in uu ka dambeyo is-hortaaga maanta lagu sameeyay odayaasha ku howlan dhismaha maamulka lixda gobal.

Wuxuu sheegay Malaakha in shirka uu soo gaaray heer gabagabo ah oo maanta ay rabeen in qabtaan araaji qabashada ku aadan musharrixiinta doonaya in madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ay u tartamaan.

Si kastaba, markii arrintaas ay dhacday magaalada Baydhabo waxaa ka billowday bannaanbax looga soo horjeedo tallaabada ay qaadeen ciidamada AMISOM oo xiray xaruntii lagu shiraayay ee ADC-da.

Dadka bannaabaxayay oo u badnaa haween iyo carruur ayaa dhagaxaan ku tuuray ciidamada AMISOM ee joogay goobta uu shirka ka socda, waxaana ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ka dhan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Xaallada magaalada Baydhabo ayaa hadda dagan, waxaana la oggolaaday in odayaasha ay ku shiraan xarunta ADC-da.

Dhinaca kale, Hotel Bakiin oo isna ku yaalla Baydhaba waxaa maalintii shannaad ka socda shir looga arrinsanaayo maamul cusub oo loo sameeyo seddax gobal oo kala ah Shabeellaha Hoose, Baay iyo Baool.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

DEG DEG: Sh. Xasan Daahir Aweys oo laga sii daayey xabsigii uu ku jiray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa goor-dhow oo caawa ah xabsiga kasii daysay Sheekh Xasan Daahir Aweys, oo muddo lix bilood ah u xirnaa.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, oo ka tirsan odayaasha Beesha Habar-Gidir, ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Xasan Daahir Aweys laga saaray xarunta Habar Khadiijo, oo ah xarunta hay’adda nabad suggida qaranka, oo uu muddo ku xirnaa.

Warka wuxuu intaas ku darayaa in Xasan Daahir Aweys loo wareejiyay guri ku yaalla meel aan la shaacin oo ka mid ah magaalada Muqdisho oo xabsi guri ahaan loogu hayn doono.

Odayaal ka tirsan beesha Habargidir, ayaa Xasan Daahir Aweys kasoo kaxeeyay xabsiga, islamarkaana geeyay guriga loogu diyaariyay gudaha Muqdisho.

Waxaa Xasan Daahir guri ku ilaalin doona ciidamo ka tirsan dowladda Somalia, mana cadda qorashayaasha kale ee dowladda Somalia ay ka leedahay.

Wixii warar ah ee arrintan kusoo kordha waan idinla soo socod siin doonna Insha Allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected] 

XOG cusub oo laga helay dagaalkii ka dhacay Sh/Hoose iyo dhimashada oo…

Afgooye (Caasimada Online) Waxaa faah-faahin laga helayaa dagaal maalintii labaad ka socda degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay in ka badan 10 kalena waa ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ay ku jiraan dad rayid ah.

Dagaalka oo uu dhexeeyo ciidamado ka tirsan dowladda ayaa saameen ku yeeshay ganacsigii degmada waxaa kaloo istaagay isku socodka gaadidka iyo dad weynaha.

Wararkii ugu dambeyay waxa ay noo sheegayaan in saraakiil ciidamada dowladda ay kala dhexgaleen labada dhinac walaw mararka qaar la maqlayo rasaas teel-teel ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo goobo isbaaro oo looga qaato dadka rayidka ee la socda baabuurta halkaas adeegsata.

Ciidamada dagaallamay ayaa la sheegay in ay mushaarkooda ka qaataab dhaca iyo isbaarooyinka u yaalla goobaha lagu dagaallamayo.

Dhinaca kale, kooxo ku labisan dharka ciidamada ayaa maanta duhurkii waxa ay dhac u geesteen baabuur Mini Bas ah oo ka soo baxay Suuqaweyn ee Bakaaraha kuna sii jeeda degmada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada baabuurka dhacay ayaa ka raacay meel ku dhow Afgooye waxaana baabuurka ay ku lee xiyeen waddo qarbo jeex iyagoona dhac u geestay rakaabkii saarnaa baabuurka.

 

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Daawo Howlaha iskaa wax u qabsada ah ee ka socda magaalada Muqdisho

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka ku nool Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Banaadir ayaa u istaagay in ay iskood wax u qabsadaan oo aysan ku fiirsan Dowladad oo kaliya dib u soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho.

Waxa ay billaabeen inay subaxi aroortii hore ay kacaan, ayna ku dhaqaaqaan jidadka magaalada oo ay ka qaadaan qashinka yaalla, si ay dib ugu arkaan bilicdii ay lahaan jirtay magaaladooda.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maryam Qasim oo iska ilmeysay markii ballan qaadkeedii uu hirgali waayay

Muqdisho (Caasimada Online) Dr. Maryam Qaasim Axmed oo maanta ka hadleysay xaflad ay xilalkii ay heysay ku wareejienysay lix wasiir ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay yoolkii ay lahayd oo ah in Hal Milyan oo carruur Soomaali ah in aadaan Waxbarasho uu meesha ka baxay.

Wasiirka ayaa sheegtay in ay aad uga xumaatay ballan qaadkii ahaa in ilaa 2016-ka in la helo hal Malyan oo carruur Soomaali ah oo aadaya Iskuulka iyadoo aan wax kharash ah laga qaadeynin maadama xilkii ay heysay laga qaaday.

Waxa ay la dardaarantay wasiirada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare in ay sii wadaan ballan qaadkii ay wasiirka sheegtay oo ah in la helo Hal Milyan oo carruur ah oo waxbaranaya ilaa sannadka 2016-ka oo ah xilliga ay ku egtahay dowladda Xasan Sheekh Maxamuud.

Wasiirkii horre ee adeega bulshada ayaa tilmaamay in ay ka baqeyso qorshahaas in uu meesha ka baxo iyadana ay ku guuldareesato ballan qaadkii ay jeedisay in kastoo xilkii wasiirka laga qaaday.

Markii ay hadalkan jeedineysay waa ay ilmeesay, waxaana xustay in ay ka xuntahay ballanqaadka ay u muujisay dhallaanka Soomaaliyeed ee aan awoodin in ay iska bixiyaan lacagta Waxbarashada balse doonaya in ay wax bartaan.

Si kastaba, dad badan oo Soomaali ah ayaa aaaminsan Dr. Maryam Qaasim in ay wax badan qabtay muddadii ay xilka heysay  waxaana ay ka mid ahayd wasiiradii ugu firfircoonaa ee ka dhex muuqday xukuumadii Saacid.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Ciidamo kawada tirsan DF SOMALIA oo uu dagaal ka dhex qarxay (Warbixin)

Afgooye (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal u dhexeysa ciidamo ka wadatirsan dowladda Soomaaliya uu ka qarxay degmada Wanlaweyn ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Goobjooge ku sugan Wanlwaweyn ayaa Caasimada Online u sheegay in maqlayaan hugunka hubka culus oo la isku adeegsanayo, wuxuuna intaas ku daray in uu arkay meydka labo qof oo rayid ah.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu aad u culus yahay, waxaana uu u dhexeeyaa ciidamo deeganka ah iyo kuwa Millitariga ah oo shaley gaaray halkaas.

Dagaalka oo weli socda ayaa saameyn ku yeeshay howlihii suuqa iyo guud ahaan isku socodka gaadidka iyo dadka ee degmada Wanlaweyn.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo hab qabiil, oo dhowr jeer oo horrey ayaa labadan dhinac ay ku dagaallameen gobalka Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

BANAANBAX ka dhan ah xukuumadda C/Weli Gaas oo ka dhacay Boosaaso

Garoowe (Caasimada Online) Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay bannaanbax maanta barqadii ka dhacay magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Bannaanbax ayaa ka dambeeyay markii dad careesan ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada Boosaaso waxaana ay diiddanaayeen xubno ka mid ah golaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland.

Dadka bannaanbaxayay ayaa waxaa rasaas ku furay ciidamada ammaanka waxaana la sheegay in uu ku dhintay hal qof sidda ay lee yihiin goobjoogayaal ku sugan Boosaaso oo u warramay Caasimada Online.

Dadka bannaababaxayay ayaa watay boorar ay ku xardhan yihiin doone in ay diiddan yihiin golaha wasiirada cusub ee uu magacaabay madaxweyne Cabdiweli Cali Maxamed Gaas.

Waxa ay madaxweyne Gaas ay ku eedeeyeen in uu ka tagay qaar ka mid ah gobalada Puntland markii uu soo dhisayay golahaa wasiiradiisa, waxaana gobalada laga qadiyay wasiirada ka mid ah ayey yiraahdeen Bari iyo Kardafuur.

Ma jirto cid ka hadashay shaqaaqada ka dhacday magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland,taasoo ka dhalatay dad careesan oo diiddan xubnaha wasiirada cusub ee maamulka Puntland oo ka kooban 47-xubnood.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoow

[email protected]

Qoyskii uu ka dhintay nin AMISOM ay ku dishay Muqdisho oo war soo saaray

Muqdisho (Caasimada Online) Qoyska uu ka dhintay nin ay shaley AMISOM ku dishay magaaalada Muqdisho ayaa sheegay in maanta oo Arbaca ah ay kulan la lee yihiin saraakiisha ciidamada AMISOM si looga siiyo magdhow wiilkooda.

Suldaan Axmed oo adeer u ah marxuum Salaax Axmed Nuur oo 41-jir ah kuna dhintay shil baabuur oo uu kulug lahaa mid ka mid ah gawaarida AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in AMISOM ay ka doonayaan in diyo k asiiyaan wiilkooda ama loo qisaaso askarigii watay baabuurka jiiray marxuumka.

Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho
Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho

“Saakay waxaan la ballansanahay saraakiisha ciidamada AMISOM, si ay magdhow uga bixiyaan geerida wiilkeena, waxaan ka rabnaa diyo 100 halaad ama in ay noo qisaasaan askariga waday baabuurka dilay marxuumka oo ka tagay toddobo carruur ah” ayuu yiri Suldaanka.

Wuxuu xusay in wiilkooda si qalad ah loo dilay oo aaney tacsi uun ka yeeli doonin ciidamada AMISOM sidda uu hadalka u dhigay.

Ciidamada Taraafikada waddooyinka ayaa gacanta ku dhigay baabuurkii jiray muwaadinka Soomaaliyeed waxaana ay wadaan baaritaan ku aadan siddii lagu ogaan lahaa sababta keentay in maalin cad uu baabuur si bareer ah waddooyinka Muqdisho ugu dilo qof Soomaali ah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqidsho

[email protected]

Odayaal carreysan oo Xasan Sheikh ku eedeeyey inuu maamul u diidan yahay

Baydhab0 (Caasimada Online) –  Odayaasha ku howllan dhismaha maamul u sameenta lix gob oo ku yaalla Koonfur Galbeed ee dalka ayaa dhaleeceeyay madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Malaakh Deerow oo ka mid ah howlwadeenada shirka Baaydhabo ayaa Warbaahinta u sheegay in madaxweynaha iyo xildhibaanno uu ka mid yahay Shariif Xasan Sheekh Aadan ay ku howlan yihiin duminta shirka loo sameenaayo maamulka cusub.

Wuxuu tilmaamay haddii uu burburo shirka maamul u sameynta lixd gobal in uu mas’uu ka noqon doono madaxweyne Xasan Sheekh sidda uu hadalka u dhigay.

Malaakha ayaa caddeeyay in madaxweynaha uu la kulmay xildhibaanno ka soo jeeda Gobalka Baay kuwaasoo uu kala hadlay in shirka Baaydhabo lagu soo koobo uun seddax gobal “Arrintaas ma soconeyso wax kasta waxaa laga horrumarinayaa danta shacabka deggan gobaladan” ayuuu yiri.

Si kastaba, hadalka Malaakh Deerow ayaa ku soo aadaya iyadoo labo cisho ka hor magaalada Baydhabo uu ka furmay shir kale oo maamul loogu sameenaayo seddaxda gobal ee kala ah Baydhab, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected] 

SAWIRRO iyo WARBIXIN: Ganacsiga iyo bilicda MUQDISHO oo xowli ku socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo Wixii ka dambeeyey intii ay Isbedellada Nabadeed ku yimaadeen Caasimadda Dalka, islamarkaana Muqdisho ay ka xorowday Argagixisada waxaa durbaba magaalada ka bilowday hirgelinta Dhismayaal Casri ah kuwaasi oo ay Hoteellada ugu horeeyaan.

Dhismooyinka intooda badan ayay dadku ka yagleelayaan Goobaha ugu dadka badan, waxaana haatan Muqdisho ay u muuqataa mid soo dhaamaysa sidii ay ahayd muddadii ay dagaallada hareeyeen Magaalada.

Si kastoo loo dhaliilo Waxqabadka Dowladda Federaalka iyo Siyaasadda Madaxda Dalka, waxaa Cad in Billicda Caasimada Dalka ay dib usoo laabaneyso.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa Waayadaan Danbe lagu arkyay Dhismooyin Cusub, kuwaasi oo si Xowli ah ugu scoda Magaalada waxaana aad ugu soo Qul qulaya Magaalda Dadwayne ka Imaanaya Qurbaha, kuwaasi oo samaynaya Ganacsiyo cusub oo dad badan soo jiitay.

Maqaayado lagu sameeyo Cuntooyin Casri ah iyo Hoteelo ay inta badan dadka ka shaqeeya ay Ajaaniib yihiin, ayaa la dhisay Xeebta Muqdisho sida Liido iyo Jazeera, waxaana ay noqdeen kuwa loo dalxiis tago dhamaan Shacabka Muqdisho iyo Qurbajoogta – Waxaa laga hadlayaa 25$ Dollar oo hal mar lagu qadeeynayo.

Dib ugu noqoshada dalka, Qurbo joogta Soomaaliyeed waxa ay ka hirgeliyeen Ganacsi ku fadhiya Dhaqaalo badan gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas aan horay ugu jiririn Gudaha dalka Soomaaliya, inkasto Qurbajoogta ay Sixirka kor u qaadeen, Macaamiishana ay Qaali noqotay.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee Dalka Dibadiisa kasoo laabtay, ayaa dalka ka sameystay Ganacsiyo Macaash fiican leh, hadana waxaa dhanka kale u faa’ideyen Bulshada ku dhqanka magaalooyinka ay ka howlgaleen sida bilicda deegaanka iyo dhismooyin ka bilic wanagsan kuwii hore.

Sanado kahor ma aysan jirin Ganacsi si buuxa uga socda Suuqyada qaarkood ee degmooyinka gobolka Banaadir mehrado ganacsi oo ka socda dhisibada hareeraha wadooyinka iyo weliba kuwa isgoosyada laakiin isbedello cusub ay la yimaadeen soomaalida dalka horay uga hayaamay qaarkii.

Waxbarashada & Jaamacadaha

Waxaa sii kordhayey goobaha Waxbarasho ee Muqdisho laga hirgelinayo kuwaasi oo ay Jaamacadaha ugu horeeyaan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacaddo farabadan, waxaana sii kordhaya Dugsiyada iyo Iskuuladda kadib markii Dowladda ay bilowday Mashruuca “Aada Dugsiyada”.

Turkiga iyo Waxqabadkooda

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka hirgelisay Labo Warshad oo waaweyn, kuwaasi oo soo saararaya qalabka dhismooyinka oo Muqdisho si xowli ah looga dareemayo dib u dhis ballaaran oo Dowladda Turkiga wato.

Labadan Warshad ee lagu rakibay Muqdisho ayaa waxaa loogu talagalay iney daboolaan baahida wax soosaarka qalabka dhismo ee Dowladda Turkiga ka wato Muqdisho, iydoo labadan warshad ay mid ka mid ah soos aari doonto shubka wadooyinka lagu dhiso iyo warshad kale oo qalabka dhismooyinka soo saari doonto.

Dowladda Turkiga aa dib u dhis ballaaran ka bilowday Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay, qorshahaasi oo qeyb ka ah mataaneynta Magaalada Muqdisho iyo Istanbul.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, ayaa waxa ay Turkiga saarayaan Laami Casri ah, waxaana hadda laga hergeliyay Wadada isku xirta Madaxtooyada iyo Km4. Turkiga, waxa ay sidoo kale ka dhiseen Muqdisho Xaruumo Waxbarasho oo Aqoonta wax lagu baro iyo Isbitaallo.

Digfeer_Somalia_2_Keydmedia_OnlineDigfeer_Somalia_Keydmedia_Online

Isbitaalka Digfeer oo la dhisay xilligii gumeysigii Talyaaniga ayaan helin wax  Dayactir ah tan iyo markii ay Burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya,ayaa dowladda Turkiga ay burburisay dhismihii dheeraa ee Isbitaalka kana dhigtay Dhismayaal Gaagaaban oo Casri ah.

Isbitaalkan cusub ayaa qaada 200 oo sariirood iyadoo qalabka lagu rakibay ay yihiin kuwo laga keenay dalka Turkiga oo casri ah. Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa Masaajid aad u weyn iyo Machadka Kalkaaliyaasha ay wax ku bartaan. Sidoo kale waxuu yeelanayaa Qolalka Gurmadka Deg-Dega ah oo leh 28 Sariirood.

Isha: Keydmedia

Rag ku labisan dharka ciidamada DFS oo fal laga naxay kula kacay SHACAB

Afgooye (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhimmatay hal qof kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen labo baabuur oo khudaar waday kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqidsho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in  ay arkeen meydka labo qof oo ku taallo rasaas kuwasoo la socday baabuurta la rasaaseeyay oo ahaa Mini Bas.

Waxaa kaloo goobjoogayaasha ay sheegayaan in baabuurta ay rasaas ku fureen kooxo ku labisan dharka ciidamada ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose,halkaasoo ay ku soo bateen kooxo isbaarooyin ay u yaallaan.

Maamulka degmada Afgooye iyo ciidamada ammaanka ilaa hadda kama hadlin arrintan balse dadka deeganka ayaa ka walaac ka muujiyay.

Dhawaan ayaa darawalada iyo mulkiilayaasha gaadidka waxa ay dhigeen bannaanbax ay uga cabanayaan isbaarooyin la soo dhigay waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo goordhow ka furmay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa goordhow ka furmay shir madaxeeda hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka oo ahaa kii 22-aad ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaal fara badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka waxaa ka mid ah xaallada Soomaaliya iyo siddii wax looga qaban lahaa collaadaha ka soo cusboonaaday qaarada.

Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo wasiirada arrimaha dibedda ay yeesheen kuwaasoo u gogol xaaryay kulanka hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka hoggaamiyaasha Midowga Afrika ayaa socon doona labo cisho, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]