Rag ku labisan dharka ciidamada DFS oo fal laga naxay kula kacay SHACAB

Afgooye (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhimmatay hal qof kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen labo baabuur oo khudaar waday kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqidsho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in  ay arkeen meydka labo qof oo ku taallo rasaas kuwasoo la socday baabuurta la rasaaseeyay oo ahaa Mini Bas.

Waxaa kaloo goobjoogayaasha ay sheegayaan in baabuurta ay rasaas ku fureen kooxo ku labisan dharka ciidamada ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose,halkaasoo ay ku soo bateen kooxo isbaarooyin ay u yaallaan.

Maamulka degmada Afgooye iyo ciidamada ammaanka ilaa hadda kama hadlin arrintan balse dadka deeganka ayaa ka walaac ka muujiyay.

Dhawaan ayaa darawalada iyo mulkiilayaasha gaadidka waxa ay dhigeen bannaanbax ay uga cabanayaan isbaarooyin la soo dhigay waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com