Shir madaxeedka Midowga Afrika oo goordhow ka furmay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa goordhow ka furmay shir madaxeeda hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka oo ahaa kii 22-aad ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaal fara badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka waxaa ka mid ah xaallada Soomaaliya iyo siddii wax looga qaban lahaa collaadaha ka soo cusboonaaday qaarada.

Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo wasiirada arrimaha dibedda ay yeesheen kuwaasoo u gogol xaaryay kulanka hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka hoggaamiyaasha Midowga Afrika ayaa socon doona labo cisho, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com