27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

SAWIRRO iyo WARBIXIN: Ganacsiga iyo bilicda MUQDISHO oo xowli ku socda

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo Wixii ka dambeeyey intii ay Isbedellada Nabadeed ku yimaadeen Caasimadda Dalka, islamarkaana Muqdisho ay ka xorowday Argagixisada waxaa durbaba magaalada ka bilowday hirgelinta Dhismayaal Casri ah kuwaasi oo ay Hoteellada ugu horeeyaan.

Dhismooyinka intooda badan ayay dadku ka yagleelayaan Goobaha ugu dadka badan, waxaana haatan Muqdisho ay u muuqataa mid soo dhaamaysa sidii ay ahayd muddadii ay dagaallada hareeyeen Magaalada.

Si kastoo loo dhaliilo Waxqabadka Dowladda Federaalka iyo Siyaasadda Madaxda Dalka, waxaa Cad in Billicda Caasimada Dalka ay dib usoo laabaneyso.

Sidoo kale Magaalada Muqdisho waxaa Waayadaan Danbe lagu arkyay Dhismooyin Cusub, kuwaasi oo si Xowli ah ugu scoda Magaalada waxaana aad ugu soo Qul qulaya Magaalda Dadwayne ka Imaanaya Qurbaha, kuwaasi oo samaynaya Ganacsiyo cusub oo dad badan soo jiitay.

Maqaayado lagu sameeyo Cuntooyin Casri ah iyo Hoteelo ay inta badan dadka ka shaqeeya ay Ajaaniib yihiin, ayaa la dhisay Xeebta Muqdisho sida Liido iyo Jazeera, waxaana ay noqdeen kuwa loo dalxiis tago dhamaan Shacabka Muqdisho iyo Qurbajoogta – Waxaa laga hadlayaa 25$ Dollar oo hal mar lagu qadeeynayo.

Dib ugu noqoshada dalka, Qurbo joogta Soomaaliyeed waxa ay ka hirgeliyeen Ganacsi ku fadhiya Dhaqaalo badan gudaha magaalada Muqdisho, kuwaas aan horay ugu jiririn Gudaha dalka Soomaaliya, inkasto Qurbajoogta ay Sixirka kor u qaadeen, Macaamiishana ay Qaali noqotay.

Inta badan dadka Soomaalida ah ee Dalka Dibadiisa kasoo laabtay, ayaa dalka ka sameystay Ganacsiyo Macaash fiican leh, hadana waxaa dhanka kale u faa’ideyen Bulshada ku dhqanka magaalooyinka ay ka howlgaleen sida bilicda deegaanka iyo dhismooyin ka bilic wanagsan kuwii hore.

Sanado kahor ma aysan jirin Ganacsi si buuxa uga socda Suuqyada qaarkood ee degmooyinka gobolka Banaadir mehrado ganacsi oo ka socda dhisibada hareeraha wadooyinka iyo weliba kuwa isgoosyada laakiin isbedello cusub ay la yimaadeen soomaalida dalka horay uga hayaamay qaarkii.

Waxbarashada & Jaamacadaha

Waxaa sii kordhayey goobaha Waxbarasho ee Muqdisho laga hirgelinayo kuwaasi oo ay Jaamacadaha ugu horeeyaan.

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa Magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacaddo farabadan, waxaana sii kordhaya Dugsiyada iyo Iskuuladda kadib markii Dowladda ay bilowday Mashruuca “Aada Dugsiyada”.

Turkiga iyo Waxqabadkooda

Dowladda Turkiga ayaa Magaalada Muqdisho ka hirgelisay Labo Warshad oo waaweyn, kuwaasi oo soo saararaya qalabka dhismooyinka oo Muqdisho si xowli ah looga dareemayo dib u dhis ballaaran oo Dowladda Turkiga wato.

Labadan Warshad ee lagu rakibay Muqdisho ayaa waxaa loogu talagalay iney daboolaan baahida wax soosaarka qalabka dhismo ee Dowladda Turkiga ka wato Muqdisho, iydoo labadan warshad ay mid ka mid ah soos aari doonto shubka wadooyinka lagu dhiso iyo warshad kale oo qalabka dhismooyinka soo saari doonto.

Dowladda Turkiga aa dib u dhis ballaaran ka bilowday Muqdisho sanadkii lasoo dhaafay, qorshahaasi oo qeyb ka ah mataaneynta Magaalada Muqdisho iyo Istanbul.

Wadooyinka waaweyn ee Muqdisho, ayaa waxa ay Turkiga saarayaan Laami Casri ah, waxaana hadda laga hergeliyay Wadada isku xirta Madaxtooyada iyo Km4. Turkiga, waxa ay sidoo kale ka dhiseen Muqdisho Xaruumo Waxbarasho oo Aqoonta wax lagu baro iyo Isbitaallo.

Digfeer_Somalia_2_Keydmedia_OnlineDigfeer_Somalia_Keydmedia_Online

Isbitaalka Digfeer oo la dhisay xilligii gumeysigii Talyaaniga ayaan helin wax  Dayactir ah tan iyo markii ay Burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya,ayaa dowladda Turkiga ay burburisay dhismihii dheeraa ee Isbitaalka kana dhigtay Dhismayaal Gaagaaban oo Casri ah.

Isbitaalkan cusub ayaa qaada 200 oo sariirood iyadoo qalabka lagu rakibay ay yihiin kuwo laga keenay dalka Turkiga oo casri ah. Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa Masaajid aad u weyn iyo Machadka Kalkaaliyaasha ay wax ku bartaan. Sidoo kale waxuu yeelanayaa Qolalka Gurmadka Deg-Dega ah oo leh 28 Sariirood.

Isha: Keydmedia

Rag ku labisan dharka ciidamada DFS oo fal laga naxay kula kacay SHACAB

Afgooye (Caasimada Online) Inta la ogyahay labo qof ayaa ku dhimmatay hal qof kalena waa uu ku dhaawacmay kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen labo baabuur oo khudaar waday kuwaasoo ku soo jeeday magaalada Muqidsho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in  ay arkeen meydka labo qof oo ku taallo rasaas kuwasoo la socday baabuurta la rasaaseeyay oo ahaa Mini Bas.

Waxaa kaloo goobjoogayaasha ay sheegayaan in baabuurta ay rasaas ku fureen kooxo ku labisan dharka ciidamada ciidamada dowladda.

Dhacdadan ayaa ka dhacday meel ku dhow degmada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose,halkaasoo ay ku soo bateen kooxo isbaarooyin ay u yaallaan.

Maamulka degmada Afgooye iyo ciidamada ammaanka ilaa hadda kama hadlin arrintan balse dadka deeganka ayaa ka walaac ka muujiyay.

Dhawaan ayaa darawalada iyo mulkiilayaasha gaadidka waxa ay dhigeen bannaanbax ay uga cabanayaan isbaarooyin la soo dhigay waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Shir madaxeedka Midowga Afrika oo goordhow ka furmay Addis Ababa

Addis Ababa (Caasimada Online) Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya waxaa goordhow ka furmay shir madaxeeda hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka oo ahaa kii 22-aad ayaa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyaal fara badan oo uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka waxaa ka mid ah xaallada Soomaaliya iyo siddii wax looga qaban lahaa collaadaha ka soo cusboonaaday qaarada.

Shirkan waxaa ka horreeyay mid kale oo wasiirada arrimaha dibedda ay yeesheen kuwaasoo u gogol xaaryay kulanka hoggaamiyaasha Midowga Afrika.

Shirka hoggaamiyaasha Midowga Afrika ayaa socon doona labo cisho, waxaana gabagabadiisa laga soo saari doonaa war-murtiyeed looga hadlaayo wax yaabaha looga hadlay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA (1)

Qofka bani’aadmiga ahi waxa uu isticmaalaa xubnihiisa taranka kolka uu u galmoonayo la qaybsadaha noloshiisa ee uu ka dhex xushay kumanaanka qof ee uu la nool yahay. Haddaba sida maacuunta nadiifka ah iyo miiska sida wacan loo goglay ay u furaan abitaaytka qofka, ayaa loo baahan yahay in mid kasta oo kamid ah labada isdoortay uu u daryeelo xubnihiisa taranka si uu u soo jiito rabitaanka gacalkiisa.

CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NINKA

Ninku waa inuu xubnihiisa taranka (geedkiisa) biyo iyo saabuun ku mayro ugu yaraan hal jeer maalintii. Waa inuu galmo kasta dabadeed xubnihiisa si feejigan u mayraa, gaar ahaan kolka uu ka baqayo inuu jabto qaado, isaga oo ku dadaalaya inuu xubnahaasi ka ilaaliyo wax dhaawac ah.

Ragga qolfada laga gooyo (sida Muslimiinta iyo Yuhuudda) iyaga waxaa ku filan in marka ay qubaysanayaan saabuunta ku mayraan xubnahooda taranka, mar kasta oo ay kaadiyaan ama dumarkooda u galmoodaanna iyana si wanaagsan u mayraan. Waxaa haddaba lagugula dardaarmayaa in galmo kasta dabadeed aad geedkaaga biyo kulul ku mayrtid, kulayle iyo qaboobe xilligii la joogaba, maxaa yeelay waxaa la caddeeyey in biyaha qaboobi ay geedka ragga jilciyaan oo dilaan.… Lasoco beri insha allah CAAFIMAADKA XUBNAHA TARANKA NAAGTA

W/Q: Sabriye Macallin Muuse.

Video: RUUN XASAN: Noloshaa la igu gubay, waxaanse ka noolahay xag alle

Gabar Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Ruun Xasan Weheliye oo dhacdo naxdin badan ay ku qabsatay Wadanka Holland oo ay ka sheekeyneysa ayadoo ka badbaaday in lagu gubo nolosha.

Ruun waxeey tiri Allaah ayaa i badbaadshay balse wax ay ii reebatay malahan haweeneydaan igu gubtay Nolosha nala daawo Dhacadaan naxdinta iyo amakaaga leh.

HALKAAN KA DAAWO:

 

DF oo ka hadashay fal laga naxo oo ay Amisom maanta ka geysatay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa caawa ka hadashay shil uu geestay mid ka mid ah baabuurta AMISOM oo qof rayid ah ku jiiray maanta barqadii waddada Makaha Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wasiirka arrimaha gudaha, Cabdulaahi Goodax Barre, oo caawa soo saaray War qoraal ah ayaa saraakiisha AMISOM ka codsaday in dhowraan sharciga u yaalla dalka isla markaana ay baaran sidda uu dhacay shilka.

Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho
Meydka muwaadin Soomaali ah oo maanta Ciidamada AMISOM ay baabuur ku jireen Muqdisho

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka xuntahay geerida ninka Taksiilaha ah ee ku geeriyooday shilkaas, wuxuuna sheegay in ay socdaan baaritaan.

Wasiirka waxaa kaloo ugu baaqay AMIOM in ay la shaqeeyaan ciidamada Booliska iyo Dowladda si loo baaro shilka maanta dhacay.

Muwaadinka ku dhintay shilka maanta ayaa la oran jiray Salaax Nuur Maxamed waa 41-jir aabo u ahaa toddobo carruur ah kuwaasoo uu ka masruufi jiray Taksi uu wado.

Dhacdadan ayaa caawa si weyn looga hadal hayaa waxaana qof kasta uu kuu lee ciidamada Afrikaanka ee ku sugan dalka ma sameen karaan waxybaaha ay doonayaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

GAAS oo shaaciyey golaha wasiirada cusub ee Puntland (Aqri magacyada)

Garoowe (Caasimada Online) War goordhow naga soo gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa sheegaya in lagu dhawaaqay xubnaha wasiirada cuusb ee maamulka Puntland.

Wasiirada cusub oo ka kooban 44-wasiir, wasiir ku xigeen iyo wasiiro dowlayaal ayaa waxaa ka dhex muuqda rag ku jiray doorashadii madaxtinnimada Puntaland oo qaarkood u tanaasulay madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas.

GOALAHA WASIIRADA

  1. Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta
  2. Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose
  3. Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda  Amniga
  4. Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda
  5. Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda  Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda
  6. Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
  7. Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda  Xaanada xoolaha
  8. Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
  9. Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka
  10. Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud
  11. Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada
  12. Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
  13. Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka
  14. Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska
  15. abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda
  16. Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
  17. Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha
  18. Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada

GOLAHA KU-XIGEENADA

  1. Maxamesd Faarax aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta
  2. Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose
  3. Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga
  4. Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda
  5. Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka
  6. Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
  7. Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha
  8. Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada
  9. Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka
  10. Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta
  11. Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud
  12. Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada
  13. Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka
  14. Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda
  15. Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda
  16. Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada
  17. Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska
  18. Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta
  19. Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha

WASIIRU DOWLAYAAL

  1. Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha
  2. Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda
  3. Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose
  4. Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada
  5. Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah
  6. Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada
  7. Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka
  8. Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga
  9. Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga

DAAWO VIDEO: Turkiga oo MUQDISHO ka dhisay iskuul cusub oo casri ah

Dowalda Turkiga oo ah dadka kaliyah ee u istaagay in uu wax u qabto Shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan oo maanta u baahan in si dhab ah loo garab taago waxuuna ka dhabeeyay arinkaa.

Turkiga howlaha uu Muqdisho ka wado qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed wuu og yahay balse waxuu sameeyay ma ahan oo kaliyah in uu dhiso wadooyinka Muqdisho, balse waxaa ka mid ah iskuul cusub oo ay Muqdisho ka dhiseen.

HALKAAN KA DAAWO:

Dagaal siyaasadeed xuddunta ku haya Dekedda Kismaayo oo DF iyo Jubba ka dhex qarxay, xilli waqtigu dhow yahay

Kismaayo (Caasimada Online) – Qodobada lagu heshiiyay Heshiiskii Addis Ababa ee Dowladda Somalia iyo Axmed Madoobe ee ku saleysnaa dekadda Kismaayo waxay ahayeen sida tan:

14) – Maamulka Dekada iyo garoonka Kismaayo waa in lagu wareejiyaa DFS mudo 6 bilood ah kadib, laakiin hada waxaa sii shaqeynaya maamulka jira. Muddo 6 bilood ah kadib dowlada ayaa maamul tayo leh usoo magcaabi doonta iyadoo la tashanaysa maamulka kmg ee Juba.

15) – DFS waxay masuul kasocda waaxda socdaalka umagacaabaysaa dhamaam xuduudaha deegaanada maamulka.

16) – Waa in dhaqaalaha kasoo xarooda Dekada iyo garoonka Kismaayo loo maamulaa si cadaan ah oo musuqmaasuq lahayn, loona siticmaala oo kaliya sugida amniga,adeega bulshada iyo xarumaha kaabayaasha dhaqaalaha ee deegaanada Juba.

17) -Qaabkan loo maamulayo dekada iyo garoonka Kismaayo wuxuu sii shaqayn doonaa ilaa laga soo saarayo xeerka dhaqaala qeybsiga DFS iyo maamulada xubnaha ka ah.

Afartan qodob marka aad aqriso waxa aad modaa in DFS ay wixii ay dooneysay ku heshay heshiiska, laakin maamulka Jubba oo aqoonsi raadis ahaa waqtigaas, ayaan dhag jalaq u siin heshiis yadaas sidaasna ku qaatay, ayada oo xaalku u ekaa “Haye yey dishaa?”

Hadal haynta Dekadda Kismaayo ee hadda

sawir-heshiis-31

DFS waxaa ay hadda wadaa dadaalo ay dooneyso in ay ku hanato maamulka dekadda Kismaayo oo ah il dhaqaale muhiimna u ah koboca dhaqaalaha ee wadanka.

Dekadda Kismaayo hadda waxaa ka dhoofa qudrada qaar iyo sisinta waxana dekadda ka soo daga gaadiid, raashiin, iyo shidaal, daqliga canshuur ahaanta looga qaado gaadiidka iyo ganacsatada waxaa qaada maamulka Jubb una isticmaalo in lagu maareeya arrimaha maamulka KMG Jubba.

Necholas Kay oo ah ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya oo 20/01/2014 tagay Kismaayo kana qeyb qaatay xaflad caleemo saar ah oo maamulka Jubba loogu qabnayay magalada, ayaa ka yiri hadal aan laga fileyn madasha.

Ammaan iyo boogaadin uu u jeediyay maamulka Kaddib Kay ayaa yiri “Waa muhiim in la dhaqan galiyo heshiiskii Adis lagu soo galay kaas oo ahaa in dekadda Kismaayo iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo ay maamusho DFS ayadoo la raacayo war-murtiyeedkii Addis lagu qoray Heshiiska labda dhinac kaddib”.

Warka Kay ayaa noqday filaar ka kulul dab oo ku dhacday maamulka KMG Jubba laakin ma jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen hadalka Kay madaxda maamulka Jubba.

DFS ayaa ku jirtay hardan ku aadan hanashada dakadda Kismaayo oo ay iyada u aragto in ay tahay hal dheys ah.

Maamulka KMG Jubba ayaa iska dhaga tirayo hadalada ku aadan arrimaha dekadda Kismaayo waxaana ay mar walba yihiin kuwa hawlahooda iska wata halka warbaahinta ay DFS badana hadal heysa in lagu soo wareejiyo dekadda Kismaayo.

Tani, haddii ay dhacdo waa wadkii Axmed Madoobe, waayo taliyaha cusub ee la filayo inuu ka yimaado Sierra Leone waxa uu noqon doonaa mid dhageysta oo ka amar qaatay taliska Amisom ee Muqdisho oo ku xiran dowladda Somalia.

Dhowr maalmood ka hor, ayuu Axmed Madoobe kiciyey shacabka Kismaayo una sheegay inay u banaan-baxaan kalgaceyl ay u hayaan ciidanka Kenya ee halkaas jooga, si aan looga beddelin magaalada.

Si kastaba, waqtigii waa uu soo dhowaanayaa, waxaana muuqata in xaqiiqdi ay soo bixi doonto, waxaana hadda DFS ay waddaa diblomaasiyad xooggan, ayada oo hoggaanka ciidanka Amisom ee Kismaayo la filayo in bisha February laga wareejiyo ciidamada Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

UNHCR oo saartay war muhiim ah oo ku saabsan Soomaaliya (Faah-faahin)

Nairobi (Caasimada Online) Hey’adda qoxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan ee UNHCR ayaa warbixin ay soo saartay maanta oo Talaado ah waxa ay dib u soo cusbooneesisay difaacida dadka qoxootiga ee ka soo cararay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee dib loo celinaayo.

Hey’addu waxa ay sheegtay in kastoo xaallada ammaan ay ka soo roonaaneyso Soomaaliya haddana meelaha qaar in ay weli ka taagan tahay xaallad khatar ah.

Hey’addu waxa ay xustay in aan la heli karin tirakoob sax oo ku aadan inta uu la egyahay xad gudubyada ka dhaca dalkaas siddaas darteed ay ku dhiiri galineyso waddamada ay magangalyada ka raadsadaan Soomaalida qoxootiga inn dhaqan galiyaan shuruucda u yaalla ilaalinta qoxootiga adduunka.

UNHCR ayaa tilmaamtay in laga shaqeyso Soomaaliya in kastoo ay dhib tahay balse waxa ay soo xigatay warbixn ay soo saartay hey’ad cilmi baaris ah oo ka shaqeysa gudaha dalka taasoo lagu magacaabo ACLED, waxaana warbixinta ay soo saartay lagu sheegay in bishii June kaliya Kismaayo ay ku dhinteen 314-qof oo rayid ah.

Warbixinta hey’adda ayaa laga soo xigtay in wax yeelada sannadkii 2012 ilaa 2013ka ay ka badan yihiin sannadkii 2011 kuwaasoo u dhexeysa 100 ilaa 600

Sannadkii horre ayaa dowladdaha Kenya, Somalia iyo Hey’adda UNHCR waxa ay saxiixeen heshiis seddax geesood ah oo lagu celinaayo Nusmalyuun qoxooti Soomaali ah kuwaasoo ku nool xeryaha qoxootiga ee dalka Kenya.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Shacabka Muqdisho oo dhiiranaan aan horey looga looga baran muujiyey

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta muddo kooban ka dhacay bannaanbax ka dhan ah ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Bannaanbaxa ayaa ka dhashay markii mid ka mid ah baabuurta ciidamada AMISOM uu si bareer ah u jiiray darwal Taxi oo ku sugnaa meel ku dhow Isgoyska KM4 ee magaalada Muqidsho.

Dad careesan ayaa isusu soo baxay KM4 ilaa TREE BIYAANO kuwaasoo muddo kooban xanibay isku socodadka dadka iyo gaadidka.

Dadka ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigo ay ku diiddan yihiin ciidamada AMISOM in ay sii joogaan dalka Soomaaliya maadama ay si bareer ay u dilaan dadka rayidka.

“Tareebiyaano waxaa maanta ka dhacay qiso cajiib ah, taasoo ah baabuurta AMISOM oo ku socday waddo qalad ah in ay jireen wiil dhallinyaro ah isla markaana aysan wax jawaab ah bixin, ilaa inta laga soo qabanaayo darawalka waday baabuurka waday” ayuu yiri mid ka mid ah dadkii dibadbaxa ka qaybgalay.

Goobta bannaanbaxa ka dhacay waxaa soo gaaray ciidamada dowladda kuwaasoo kala ceyriyay dadkii bannaan baxayay, waxaana ay sheegeen in ay soo qabteen darwalkii waday baabuurka jiiray Salaax Nuur Maxamed oo 41-jir oo aabo u ah toddobo carruur ah.

Taliyaha ciidamada saldhigga Hodan Maxamed Daahir ayaa sheegay in dadka bannaanbaxayay ay kala ceyriyeen iyagoona u adeegsaday xabadaha cinjirka ah si loo furo waddooyinka ay xireen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo kolanyo ay la socdaan ciidamada AMISOM ay si bareer ah ugu jiiraan waddooyinka magaalada Muqdisho balse waa markii ugu horreysay oo la soo qabto darwalkii waday baabuurka falkaas geestay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Wasiiradii ugu badnaa XUKUUMADDA C/Weli oo maanta xilalka la wareegay

Muqdisho (Caasimada Onlibe) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday xaflado xilalka lagu wareejinaayo wasiiradii ugu badnaa ee xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirada xilalka la wareegay waxaa ka mid ah arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre, wasiirka gaashandhigga  Maxamed Cali Xaggaa Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Dhuxulow iyo wasaaradaha Boostada iyo gaadiidka

Dhammaan wasiirada lixda ah ee maanta xilalka lagu wareejiyay ayaa ammaanay howsha ay soo qabteen wasiiradii horrem waxaana ay ballan qaadeen in ay la imaan doonaan isbadal muhiim ah.

Xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kooban 25-wasiir wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowlayaal, waxaana looga fadhiyaa isbadalka ay la imaan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

AMISOM oo raali galin ka bixisay dilka qof rayid ah oo ay ku dileen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Midowga Afrika ayaa raali gallin ka bixiyay geerida qof rayid ah oo ku dhintay markii jiiray mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

War-qoraal ah oo la soo dhigay bogga AMISOM ay ku lee dahay Tweeter-ka ayaa lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Annadiif uu ka naxay shilkaas, wuxuuna intaas ku daray in ay la qaybsanayaan ehelka uu ka baxay muwaadinka Soomaalida ee ku dhintay shilkaas.

Danjire Annadiif ayaa sheegay in

Danjiro Anadif ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan siddii loo ogaan lahaa qofka rayidka ee maanta ay jireen kolanyada AMISOM.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay ninka darawalka ee ku dhintay waddada Makah Al-Mukaramah.

Hadalka Annadiif ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta barqadii gawaari ay la socdeen ciidamada AMISOM ay ku jireen nin darawal Taxi waddada Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

DF SOOMAALIYA oo u tartameysa in ay hoggaamiso ururka Midowga Afrika

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 22-sanno kaddib dooneysa in ay ka muuqato saaxada Afirka.

Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle kuwaasoo ka qaybgalaya shirka wasiirarada arrimaha dibeda Midowga Afrika oo maalinta berri furmaya.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ayaa sheegay in ay ka qaybgalayaan shirka muddo labo cisho ay halkaas ku lee yihiin wasiirada arrimaha dibeda Midowga Afrika kuwaasoo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ku jirto xaallada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso siddii ay uga dhex muuqan lahayd shirarka Afrika iyo in xittaa ay u xubin ka noqdaan dalalka xubnaha ka noqonaya golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika sidda uu yiri.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in ay Soomaaliya ku guuleesato kursiga banaan ee golaha ammaanka iyo nabadgalada Midowga Afrika

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay isku soo taagto xilkan tan iyo markii meesha ay ka baxday dowladii dhexe ee AUN Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-dii, wixii xilligaas ka dambeeyay Soomaaliya waxa ay shirarka Midowga Afrika ka ahayd ka qaybgal uun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

 

Daawo Sawirrada: Turkey oo Muqdisho ka dhisay isbitaalka ugu casrisan G/A

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlaha uu Turkiga ka wado magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia, waa kuwa muuqda oo banaanka yaal, Sawirro cusub oo laga soo qaaday Isbitaalkii hore ee Digfeer oo iminka Turkiga uu dib u dhisay, ayaa muujinaya isbital casri ah, oo xittaa indhaha inay daawadaan ay jecel yihiin.

Isbitalka Digfeer, oo iminka magaciisa loo beddelay Recep Tayyib Erdogan Hospital, waxa uu Turkiga damacsan yahay inuu noqdo kan ugu casrisan ee ku yaalla bariga qaaradda Africa, waxaana iminka muuqata inuu yahay.

Nala daawada Sawirrada

digfeer2digfeer3digfeer4digfeer5digfeer6digfeer7digfeer8digfeer9digfeer10digfeer11digfeer12digfeer13digfeer14digfeer15digfeer16

 

 

Soomalida oo si fudud u cuna-qabteyn karta 2-da dal ee u diidan dowladnimo

Waa fududahay sida lagu cunaqabateyn karo labo Dowladood oo Soomaaliya u diidan Dowladnimo, kuwaasi oo kala ah Kenya iyo Ethiopia.

• Soomaalida meel walbo ay joogto Jaadka ha joojiso isticmaalkiisa sadax bilood ama ha iska dhaafto.
• Ganacsatada jaadka ha u wareegto dhinaca bada cas (Yemen), ama lacagtiina ganacsi kale u wareejiya.
• Cadawga lacagteena uu ku xoogeystay aan jaadka kaga soo gadano.
• Hadaas saas sameysaan waxaad arki doontaan in cadawga jabo, caafimaadkiinana wanaagsanaado.
• Jaadka waxaa lagu buufiyaa sunta cayayaanka, Suntaas oo mamnuuc ka ah qeyb ka mid aduunka, waxaa kugu dhici karo, kansar ama Beerkaada oo xuubka ka dhaco.
• Qofka jaadka cuno badanaa wuxuu u dhintaa wadnaha oo istaago.
• Qofka jaadka cuno damiirka ayaa ka dhinto.
• Cadawgiisa ma yaqaano.
• Waxaa ku dhaco cudurada maskaxda. (sida shakiga)
• Lacagta aan cadawga jaadka kaga soo gadano, waxay noo dhisi laheyd ciidan cadawga naga yureeyo, jidad, iskoolo, jaamacado, warshado.

Qore: Abdiaziz Adan Hassan
[email protected]

DHAGEYSO: Tarsan “Meyd aan ruqsad iga haysan Lama aasi karo”, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday inaanu hadda kadib aqbali doonin in la iska aaso dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, isagoo amar ku bixiyay in meydadka dadka reer Muqdisho ee dhinta la marsiiyo xarunta CID.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay is diiwaan galinta dadka sidaa darteedna loo baahyan yahay in war baahintu ka gadaan shacabka maadaama ay tahay arin cusub.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya warka kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ah in qof walba oo xamar ku dhinta meydkiisa la marsiiyo xarunta dambi baarista ee CID.

Tarsan, oo arrintan ka hadlayey, ayaa shaaca ka qaaday inay jirto sabab ku kaliftay inuu soo rogo amarkan cusub, waxaana uu u macneeyey si buuxda.

Halkan ka dhageyso

Tarsan (1)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Dhageyso: Xubno sare oo ONLF ahaa oo laga afduubtay magaalada Nairobi

London (Caasimada Online) Ururka ONLF ayaa ka warbixiyay labo xubnood oo looga afduubtay  magaalada Naiorbi ee xarunta dalka Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibedda ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in labada sarkaal ay ka mid ahaayeen saraakiishii Nairobi u joogay wadahadalka ururka iyo dawladda Ethiopia ka dhexeeyey.la hadlay ayaa sheegay in dadkaas ay afduubteen sirdoonka dalka Ethiopia.

Wuxuuna sheegay in labadan nin ay ka tirsanaayeen ergooyinkii ONLF uga qaybgalayay wadahadallo iyaga iyo dowladda Ethiopia ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Mar la weydiiyay raggan in ay u baxsadeen Ethiopia sidda ay sheegeen warbaahinta Dowlad deeganka Soomaalida, wuxuu tilmaamay in arrintaas ay been tahay oo raggan iyagoo jooga Naiorbi la afduubtay.

Wuxuu tilmaamay oo kale in dhawaan lagu waday in uu qabsoomo wadahadallo u dhexeeya labada dhinac kaasoo ay waday dowladda Kenya.

Ugu dambeyn xoghayah arrimaha dibeda ONLF ayaa xusay in raggan ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Ethiopia, arrintaasna waxa ay sii kala dhantaaleysaa isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac.

ONLF ayaa muddo dheer dagaallo xooggan kula jirtay dowladda Ethiopia si ay xornimo u gaarsiiso gobalka Kilinka shannaad ee Ethiopia.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

XOG: Xubnaha WASIIRADA PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) War goordhow soo gaaray xafiiska Caasimada Online ee magaalada Garoowe ayaa lagu sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, uu berri ku dhawaaqi doono xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa oo maalmahan aad loo sugaayay.

Ilo Wareedyo ku dhow xafiiska madaxweyne Gaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xubnaha wasiirada cusub ay u badan yihiin golihii wasiiradii horre.

Tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas, wuxuu waday kulamo uu kal tashanaayo bulshada qaybaheeda kala duwan wasiirada uu dhisaayo.

Waxaa kaloo kulamadaas qayb ka ahaa salaadiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo doonaya isbadal in uu la yimaado maamulka cusub.

Madaxweynaha ayaa ka sheegay kulan uu la qaatay xildhibaannada baarlamaanka Puntland in uu ku saleen doono wasiiradiisa kuwa la jaan qaadi kara rabitaanka shacabka.

Qaban qaabada xafladda lagu magacaabayo xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulka Puntand ayaa caawa laga dareemay xarunta madaxtooyada Garoowe, halkaas oo berri gallinka horre la filaayo in ay ka dhacdo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Video: Wax ka ogow tirada Soomalida

Wadanka Somalia halka uu kaga yaalo Qaarada Afrika iyo Tirada saxda ah ee dadka soomaaliyeed oo la shaaciyay inta ay dhan yihiin & Kheyraadka Wadanka Somalia uu lee yahay.

Aqristoow Caalamka Maanta wax kasta wuu ogyahay halka uu idhaha ku hayo kheyraadka intaa la eg ee Muuqaalkani laga tusinaya in Dadka Soomaaliyeed ay lee yihiin oo indhaha caalamka uu ku jeedo ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO: