AMISOM oo raali galin ka bixisay dilka qof rayid ah oo ay ku dileen Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) Midowga Afrika ayaa raali gallin ka bixiyay geerida qof rayid ah oo ku dhintay markii jiiray mid ka mid ah gawaarida ciidamada AMISOM.

War-qoraal ah oo la soo dhigay bogga AMISOM ay ku lee dahay Tweeter-ka ayaa lagu sheegay in wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Maxamed Saalax Annadiif uu ka naxay shilkaas, wuxuuna intaas ku daray in ay la qaybsanayaan ehelka uu ka baxay muwaadinka Soomaalida ee ku dhintay shilkaas.

Danjire Annadiif ayaa sheegay in

Danjiro Anadif ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan ku aadan siddii loo ogaan lahaa qofka rayidka ee maanta ay jireen kolanyada AMISOM.

Ugu dambeyn wuxuu tacsi u diray qoyskii uu ka baxay ninka darawalka ee ku dhintay waddada Makah Al-Mukaramah.

Hadalka Annadiif ayaa ku soo beegmaya iyadoo maanta barqadii gawaari ay la socdeen ciidamada AMISOM ay ku jireen nin darawal Taxi waddada Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com