26.8 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Wasiiradii ugu badnaa XUKUUMADDA C/Weli oo maanta xilalka la wareegay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Onlibe) Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacday xaflado xilalka lagu wareejinaayo wasiiradii ugu badnaa ee xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Wasiirada xilalka la wareegay waxaa ka mid ah arrimaha gudaha Cabdulaahi Goodax Barre, wasiirka gaashandhigga  Maxamed Cali Xaggaa Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sheekh Dhuxulow iyo wasaaradaha Boostada iyo gaadiidka

Dhammaan wasiirada lixda ah ee maanta xilalka lagu wareejiyay ayaa ammaanay howsha ay soo qabteen wasiiradii horrem waxaana ay ballan qaadeen in ay la imaan doonaan isbadal muhiim ah.

Xukuumadda ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa kooban 25-wasiir wasiir ku xigeen iyo wasiiru dowlayaal, waxaana looga fadhiyaa isbadalka ay la imaan doonaan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News