DF SOOMAALIYA oo u tartameysa in ay hoggaamiso ururka Midowga Afrika

Addis Ababa (Caasimada Online) Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay muddo 22-sanno kaddib dooneysa in ay ka muuqato saaxada Afirka.

Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminaayo wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle kuwaasoo ka qaybgalaya shirka wasiirarada arrimaha dibeda Midowga Afrika oo maalinta berri furmaya.

Wasiirka oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha Addis Ababa ayaa sheegay in ay ka qaybgalayaan shirka muddo labo cisho ay halkaas ku lee yihiin wasiirada arrimaha dibeda Midowga Afrika kuwaasoo ka hadlaya arrimo dhowr ah oo ay ku jirto xaallada Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay dooneyso siddii ay uga dhex muuqan lahayd shirarka Afrika iyo in xittaa ay u xubin ka noqdaan dalalka xubnaha ka noqonaya golaha ammaanka iyo nabadgalyada Midowga Afrika sidda uu yiri.

Wasiirka ayaa rajo ka muujiyay in ay Soomaaliya ku guuleesato kursiga banaan ee golaha ammaanka iyo nabadgalada Midowga Afrika

Waa markii ugu horreysay oo Soomaaliya ay isku soo taagto xilkan tan iyo markii meesha ay ka baxday dowladii dhexe ee AUN Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1991-dii, wixii xilligaas ka dambeeyay Soomaaliya waxa ay shirarka Midowga Afrika ka ahayd ka qaybgal uun.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com