DHAGEYSO: Tarsan “Meyd aan ruqsad iga haysan Lama aasi karo”, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa shaaca ka qaaday inaanu hadda kadib aqbali doonin in la iska aaso dadka ku dhinta magaalada Muqdisho, isagoo amar ku bixiyay in meydadka dadka reer Muqdisho ee dhinta la marsiiyo xarunta CID.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, ayaa sheegay in arintan ay qeyb ka tahay is diiwaan galinta dadka sidaa darteedna loo baahyan yahay in war baahintu ka gadaan shacabka maadaama ay tahay arin cusub.

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si aad ah u hadal haya warka kasoo baxay gudoomiyaha gobolka Banaadir ee ah in qof walba oo xamar ku dhinta meydkiisa la marsiiyo xarunta dambi baarista ee CID.

Tarsan, oo arrintan ka hadlayey, ayaa shaaca ka qaaday inay jirto sabab ku kaliftay inuu soo rogo amarkan cusub, waxaana uu u macneeyey si buuxda.

Halkan ka dhageyso

Tarsan (1)

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com