Dhageyso: Xubno sare oo ONLF ahaa oo laga afduubtay magaalada Nairobi

London (Caasimada Online) Ururka ONLF ayaa ka warbixiyay labo xubnood oo looga afduubtay  magaalada Naiorbi ee xarunta dalka Kenya.

Xoghayaha arrimaha dibedda ONLF Cabdiraxmaan Sheekh Mahdi oo ku sugan magaalada London ee dalka Britain oo VOA-da la hadlay ayaa sheegay in labada sarkaal ay ka mid ahaayeen saraakiishii Nairobi u joogay wadahadalka ururka iyo dawladda Ethiopia ka dhexeeyey.la hadlay ayaa sheegay in dadkaas ay afduubteen sirdoonka dalka Ethiopia.

Wuxuuna sheegay in labadan nin ay ka tirsanaayeen ergooyinkii ONLF uga qaybgalayay wadahadallo iyaga iyo dowladda Ethiopia ay ku yeesheen magaalada Nairobi.

Mar la weydiiyay raggan in ay u baxsadeen Ethiopia sidda ay sheegeen warbaahinta Dowlad deeganka Soomaalida, wuxuu tilmaamay in arrintaas ay been tahay oo raggan iyagoo jooga Naiorbi la afduubtay.

Wuxuu tilmaamay oo kale in dhawaan lagu waday in uu qabsoomo wadahadallo u dhexeeya labada dhinac kaasoo ay waday dowladda Kenya.

Ugu dambeyn xoghayah arrimaha dibeda ONLF ayaa xusay in raggan ay ku xiran yihiin xabsi ku yaalla dalka Ethiopia, arrintaasna waxa ay sii kala dhantaaleysaa isku soo dhawaanshiyaha labada dhinac.

ONLF ayaa muddo dheer dagaallo xooggan kula jirtay dowladda Ethiopia si ay xornimo u gaarsiiso gobalka Kilinka shannaad ee Ethiopia.

Halkan ka dhageyso wareysiga

Caasimimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com