XOG: Xubnaha WASIIRADA PUNTLAND

Garoowe (Caasimada Online) War goordhow soo gaaray xafiiska Caasimada Online ee magaalada Garoowe ayaa lagu sheegaya in madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, uu berri ku dhawaaqi doono xubnaha cusub ee golaha wasiiradiisa oo maalmahan aad loo sugaayay.

Ilo Wareedyo ku dhow xafiiska madaxweyne Gaas ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay xubnaha wasiirada cusub ay u badan yihiin golihii wasiiradii horre.

Tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha Cabdiweli Cali Gaas, wuxuu waday kulamo uu kal tashanaayo bulshada qaybaheeda kala duwan wasiirada uu dhisaayo.

Waxaa kaloo kulamadaas qayb ka ahaa salaadiin iyo siyaasiyiin ka soo jeeda deegannada Puntland kuwaasoo doonaya isbadal in uu la yimaado maamulka cusub.

Madaxweynaha ayaa ka sheegay kulan uu la qaatay xildhibaannada baarlamaanka Puntland in uu ku saleen doono wasiiradiisa kuwa la jaan qaadi kara rabitaanka shacabka.

Qaban qaabada xafladda lagu magacaabayo xubnaha cusub ee golaha wasiirada maamulka Puntand ayaa caawa laga dareemay xarunta madaxtooyada Garoowe, halkaas oo berri gallinka horre la filaayo in ay ka dhacdo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com