27.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Video: Wax ka ogow tirada Soomalida

Wadanka Somalia halka uu kaga yaalo Qaarada Afrika iyo Tirada saxda ah ee dadka soomaaliyeed oo la shaaciyay inta ay dhan yihiin & Kheyraadka Wadanka Somalia uu lee yahay.

Aqristoow Caalamka Maanta wax kasta wuu ogyahay halka uu idhaha ku hayo kheyraadka intaa la eg ee Muuqaalkani laga tusinaya in Dadka Soomaaliyeed ay lee yihiin oo indhaha caalamka uu ku jeedo ee nala daawo.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaa maanta ka socda GAROOWE?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaa saakay ka socda howgallo lagu baadigoobayo raggii dilay Nabadoon caan ah oo xaley fiidkii lagu dilay magaaladaas.

Wariyaha Caasimada Online ee Garoowe, ayaa soo sheegaya in magaalada saakay ay ka socdaan howgallo gurri ka gurri ah, in kastoo goobaha ganacsiga iyo gaadidka uu caaddi yahay.

Habeenkii xaley ayey ahayd markii kooxo ku hubeysan bastoolado ay ku toogteen magaalada Garoowe AUN Nabadoon Maxamuud Maxamed Faarax Garaan oo ka mid ah odayaashii soo xulay wakiilada Puntland.

Nabaadoonkan ayaa caan ka ahaa guud ahaan deegannada Puntland, waxaana dilkiisa cambaareeyay maamulka iyo shacabka reer Puntland.

Waa nabadoonkii ugu horreyay ee lagu dilo magaalada Garoowe tan iyo markii uu maamul cusub qabtay hoggaanka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Daawo: Ifrax Sheikh C/llahi: Gurigeyga waxaa xoog ku heysta Gen. Gaafoow

Tan iyo markii Dowladiii Soomaaliya bur bur tay 22 sano ka hor, ayaa waxaa Soomaaliya ka dhacay bur bur iyo dhibaato badan iyadoona laga kala cararay hanti badan oo ay ku jireen guryo, waxaana Magaaladda Muqdisho lagu ka la dhacay guryo, waxaana hada Muqdisho ka taagan dhibaato la xariirta dhanka guryaha iyo qaabkii la isgu soo celinlahaa.

waxaa hada la is ku heystaa Guri ku yaala Magaaladda Muqdisho oo u dhow Garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasi oo la sheegay in ay la heyd Gabar Soomaaliyeed oo lagu Magacaabo Ifraax Shiikh C/laahi oo ilmo u dhashay nin Talyaani ah.

Ifarax iyo Qaraabadeeda oo ay wada socdaan, ayaa waxaa ay tageen Magaaladda Muqdisho si ay u soo ceshtaan Hantidoodii waxaana ay la kulmeen Caqabado kala duwan waxaana hada ay Ifraax iyo Qaraabadeeda ay sheegayaan in guriga uu hada uu sheeganaayo General Gaafoow oo uu leeyahay Guriga anaga ayaa is kaleh.

Halkaan hoose ka Daawo Sheekada Arinkaan la xariirta

Xasan Mudey oo Dowlada Kenya ka codsaday in la sii dayo Ilyas Yusuf

Siyaasiga Xasan Cabdul qaadir Muudey oo ah Wakiilka Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee wadamada Yurub ee uu ka tirsanyahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee PDP ayaa Cambaareeyay Xarigii dhowaan Dowladda Kenya ay u geysatay Dimlomasiga Ilyaas Yuusuf Warsame oo ah Madaxa Pratacol-ka Safaaradda Soomaaliya ay ku Leedahay Magaalada Nairobi.

Xasan Muudey oo Xisbiga Nabadda iyo Horumarka Wakiil uga ah Wadamada Yurub iminkana ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa Xarigga Ilyaas Cambaareeyay wuxuuna ku tilmaamay in sharciyan aysan sax aheyn in shaqsi Dimlomasi ah la xiro maalmana Xabsi la’isaga hayo iyada oo xittaa aan Maxkamad la keenin.

Wuxuu Dowladda Kenya ka codsaday in Ilyaas si deg deg ah loosoo daayo iyada oo la ixtitraamayo Xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo kamid ah Masuuliyiinta Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Magaalada Nairobi, waxaa la xiray isaga oo Gurigiisa jooga waxaana loo aaneynayaa in Kooxaha la dagaalanka Argagixisada ay wateen lamana oga wax dambi ah oo loo heysto.

DEG DEG AH: Nabadoon caan ahaa oo goordhow lagu toogtay Magaalada…..!

Garoowe (Caasimada Online) War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in caawa magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal lagu toogtay nabadoon caan ahaa.

Nabadoonka oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Faarax (Xamari) ayaa waxaa toogtay dhallinyaro bastoolado ku hubeysan kuwaasoo ku sugayay Masjid uu ku soo tukaday salaada maqrib sidda ay lee yihiin goobjoogayaal la hadlay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Kooxda dishay marxuumka ayaa goobta ka baxsaday durba mana jirto cid la soo qabtay.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamada ammaanka ee Puntland kuwaasoo baaritaano sameeyay balse ma jirto cid loo soo qabtay.

Ma cadda sababta loo khaarijiyay nabadoonka oo caan ka ahaa guud ahaan Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe.

Ma jirto koox sheegatay dilka nabadoonka balse waxaa ka naxay shacabka ku nool magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

SAWIRRO: Waddooyinka iyo Guryaha Xamar oo cinwaanno loo sameyey

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Shalay hirgaliyay Mashruuc ciwaanno loogu sameynayo Waddooyinka iyo Guryaha ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa si rasmi ah u bilaabay Mashruucaan lagu nambareynayo dhamaan Guryaha ku yaala degmooyinka Gobolka Banaadir, islamarkaana Magacyo loogu sameeynayo Jidadka.

Mashruucaan oo ay fulin doonaan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya ayaa waxaa soo abaabulay oo diyaariyay Maamulka Banaadir.

cin1Mashruucaan oo ah tillaabo Hormar leh ayaa waxey kamid tahay Isbadalka naqshada Caasimada, siduu sheegay Afhayeenka Maamulka Banaadir.

Ciise Maxamud Xalane oo Madax ka ah Mashruuca ayaa yiri “Tani waa qaabka Jideynta, magac u sameynta guryaha ku yaalla Gobolka, waana tallaabo lagu ogaan karo horumarka dalka, marka waxaan leeyahay qofkasta haka qeyb qaato”

cin2Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa Qorshahan ku tilmaamay “Mashruuc Taariikhi ah” oo Nolosha Caasimada dib usoo celinayo.

Munaasabad lagu daah-rogayay mashruuca oo ay ka qeyb-galeen maamulka gobolka Banaadir, mas’uuliyiin ka tirsan Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha, guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo qeybaha bulshada ayaa lagu qabtay xarunta gobolka ee magaalada Muqdisho.

Isha: KON

Diblomaasi Soomaali ah oo maalintii 4-aad u xiran dowladda Kenya, Sabab?

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho waxgarad iyo masuuliyiin si weyn u cambaareeyey xarig ciidamada la dagaalanka argagaxisada ee dalka Kenya kula kaceen diblomaasi ka tirsanaa safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi.

Ilyaas Yuusuf Warsame oo ahaa madaxii Brotokolka safaarada Soomaalida ee Kenya ayaa maalintii 4aad u xiran Ciidanka argagixiso la dagaalanka dalka Kenya oo su’aalo ka weydiinaya tuhun la xiriira inuu ku lug lahaa qarax dhowaan ka dhacay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta.

Xoghayaha maamulka gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cismaan oo ka mid ah xubnaha shirka jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin xariga Ilyaas Yuusuf Warsame ay kula kaceen ciidamada Kenya.

Ilyaas Yuusuf Warsame waa nin la yaqaano ma ahan argagaixiso, qaraxna shuqul kuma lahan, xariga ciidamada KENYA kula kaceena waa qalad isagoo heysta baasaboor diblomaasi ah” ayuu yiri C/kaafi.

Gudoomiyaha golaha bulshada rayidka degaanada Banaadir Muxyadiin Xasan Afrax ayaa isna sheegay in xariga loo geystay Ilyaas Yuusuf Warsame uu ahaa mid laga shaqeeyey

“Waxaa xarigiisa ka dambeeya oo soo abaabulay shirqoolkana u dhigay shaqsiyaad ka tirsan safaarada Soomaalida ee Kenya oo doonaya iney ka kiciyaan jagada uu safaarada ka hayo si ay ugu bedeshaan dad kale oo ay iyagu wataan” ayuu yiri Muxyadiin Xasan Afrax.

Waxaa sidoo kale ka hadlay kulankan nabadoono ay ka mid ahaayeen Garaad Cagey, Nabadoon Qaloosh, iyo Nabadoon Axmed Degoole oo dowlada Somalia ugu baaqay iney wax qabato xariga ciidamada Kenya kula kaceen Ilyaas Yuusuf Warsame.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

Calanka maamulka lixda gobal oo lagu daah rogay magaalada Baydhaba

Baydhabo (Caasimada Online) Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, waxaa maanta oo Isniin ah ka dhacday xaflad lagu soo bandhigayay calanka uu yeelanayo maamul loo sameenaay lix gobal oo ku yaalla koonfur galbeedka dalka.

Cabdulaahi Maxamed Idiris Lasta,oo ka mid ah howlwadeenada shirka Baydhabo ayaa VOA u sheegay in maanta la soo bandhigay calan uu yeelanaayo maamulka cusub ee loo sameenaayo gobalada Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbooyinka iyo Gedo.

Mar uu sharraxaad ka bixiyay nooca calanka uu yahay.

Wuxuu yiri “Calanku wuxuu ka kooban yahay seddax Kallar oo kala ah Buluug, Guduud iyo Cagaar,  Buluuga waxa ay muujineysaa nabad, Guduudku wuu ka turjumayaa in aanu nahay dad xoolaha iyo beeraha ku fiican cagaarka wuxuu ka turjumayaa nabadda iyo barwaaqada, waxaa kaloo ku jira lix xidig oo ah lix gobal” ayuu yiri Lasta.

Sarkaalkan ayaa sheegay in maalintii shaley ay hirgaliyeen dastuurka uu ku shaqeenaayo maamulka lixda gobal kaasoo ka kooban 114 qoddob.

Mar la weydiiyay shir kale oo ka furmay Baydhabo oo looga arrinsanaayo maamul seddax gobal?

Wuxuu beeniyay in wax shir ah uu ka furmay magaalada Baydhabo, mana jirto ayuu yiri shir ka furmay Baydhabo.

Shirka Baydhabo ee loo sameenaayo lixda gobal waa loo wada dhan yahay ayuu yiri.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

VIDEO: Amaanka Muqdisho & Maanta

Muqdisho waa magaalo dib u heshay Nidaamkii Dowladnimo waxeey sameysatay Nidaam kala haga Shacabka Iyo Dowlada waxaa haatan shaqeeya Dhamaan Hey’adihii Dowliga ahaa ee dhanka amaanka iyo nabad sugidaba.

Maanta waxaan idiin soo gudbineynaa howl maalmeedka dhanka amaanka & Muqdisho ee nala daawo waa hubaal waxaad xasuusan doontaa sida uu yahay dalka Maanta.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Yaa kala wareegaya Kenya hoggaanka AMISOM ee Kismaayo, goormase?

Kismaayo (Caasimada Online) – Taliye milateri oo u dhashay dalka Sierra Leone, ayaa horraanta bisha foodda nagu soo haysa ee February hogganka Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee Kismaayo kala wareegi doona taliyaha haatan talada haya ee u dhashay dalka Kenya.

Sierra Leone waa dalkii ugu horreeyay ee ka baxsan Bariga Afrika oo ciidamo nabad ilaalin ah u diray Soomaaliya.
Go’aanka dib u habaynta hoggaanka AMISOM ee gobollada Jubbooyinka ayaa qeyb ka ah dib u eegis Midowga Afrika uu ku wado howlgalkiisa Soomaaliya.

Isbeddelka ayaa yimid kaddib markii xubnaha Guddiga Madaxda Difaaca ee ciidamada dalalka u diray Soomaaliya ay kulan ku qaateen magaalada Addis Ababa January 12 2014, kaas oo qodobbadii ka soo baxay uu ka mid ahaa in hal guuto oo ciidamo ka socda dalka Sierra Leone lagu reebo magaalada Kismaayo iyagoo ay wehlinayaan ciidamo aan badnayn oo ka socda dalalka Burundi iyo Kenya. Cutub ka tirsan booliska Nigeria ayaa sidoo kale la go’aamiyay in la geeyo Kismaayo.

Ujeeddada kulanka ayaa ahaa in si gaar ah looga hadlo arrimaha muhiimka ah ee la xiriira howlgallada AMISOM.

Kenya waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradooda ay gaareyso 3,664 oo askari oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxayna ku kala sugan yihiin gobollada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo.

Shir madaxda dowladaha ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku qaateen horraantii August ee sanadkii hore magaalada Addis Ababa, ayaa qodobbadii war-murtiyeedkii laga soo saaray kulanka waxaa ka mid ahaa in ciidamo isku dhaf la geeyo magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka codsatay Midowga Afrika in ciidamo isku dhaf ah loo diro magaalada Kismaayo, si meesha looga saaro tuhun la xiriiray in ciidanka Kenya ee ku sugan magaalada ay gacan-saar la leeyihiin maamulka Axmed Madoobe.

Magaalada Kismaayo waxaa shalay ka dhacay dibadbax ay soo abaabuleen Axmed Madoobe iyo Kenya oo looga soo horjeedo in ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo lagu beddelo ciidan kale oo Afrikaan ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

Maxay tahay sababta Meles Zenawi uu u diidanaa in ciidamada Ethiopia ay ku biiraan Amisom, maxaase is-beddelay?

Raiisul Wasaarahii Hore ee Itoobiya Melles Zanawi waxaa u diidanaa in Ciidamadiisa ay ka mid Noqdaan Ciidamada Amisom ee Soomaaliya isagoo markasta oo loo soo bandhigo Arrimaha ku saabsan ku Biiritaanka Ciidamada Amisom ee Soomaaliya ay u ahayd Go’aan aad u Qaraar waayo waxaa uu Melless kaga hortagayey in ay Burbur uu ku yimaado Ciidamadiisa , sababta uu arrintaa u diiday ay ahayd in Ciidamada ay helaan Mushaar ka tira badan midka ay ku shaqeeyaan oo la sheegey in uu yahay mid aad u yar.

Askari itoobiyaanka waxaa uu ku Qanacsnaa in uu Mushaar ahaan u qaato Laba Boqol oo Bir oo loogu dar jirey Xoogaa Raashin ah si ay uga dhigtaan Ugaali (Canjeelo) ,waxaana uu Melles uu ogaa in hadii Ciidamada helaan Mushaar gaaraya Kun iyo Shan Boqol oo Doolar (1500) ay Ciidamadiisu u keeni karto Burbur waayo Askari ku qanacsnaa Mushaarkaas yar haddii uu helo mid ka sii badan waxaana uu qabey ama Aaminsanaa in ay keeni karto in kala daadasho iyo in la Xakameyn waayo Howlaha Ciidamada islamarkaana uu ku qanci waayo Mushaarka Dalkiisa uu siiyo .

Go;aanka uuu qaatey Melles Zanawi ayaa la qabay Madax badan oo Caalamka ka mid oo iyagu diidan in Mashaar aad u tira badan ay qaataan Ciidamadooda kuwa oo ka baqey in ay kala daadaan Ciidamada maadaama Ciidamadooda ay qaataan Mushaar aad u yar waxaana arrimahaan ku dhaqama Wadamada ay Xukumaan Madaxda Diktooriyadda ku dhisan kuwaa oo qaba Ciidamo aad u tiro badan oo lagu maamulo Mushaar aad u yar.

Marka la fiiriyo Caalamka Ciidamada ka soo laabtey Howlgalada ay abaabulaan Qaramada Midoobey , Midowga Afrika iyo ururada kale ee Caalamka ka jira ayaa la sheegey in ay adkaatey in Ciidamadas ay dib ugu laabtaan Mushaarkii hore oo aadka u yaraa,waxayna Dowladaha qaar Ciidamaas ka saareen dhamaan qaybha kala duwan ee Ciidamamda ka dib markii laga dareemey in ay kiciyan Ciidamadii kale ee Qaranku lahaa maadaama ay soo arkeen Nolol ka duwan midka ay ku jiraan.

Ciidamada Itoobiya ayaa waxay Soomaaliya soo galeen Sannadkii 2006 iyagoo taageerayey Dowladii Cabadulaahi Yuusuf, hase yeeshee Ciidamadaas ayaa waxaa lagala hor yimid Dagaal aad u Qaraar oo Aakhirkii keeney in Guud ahaan dalka ka baxaan hase yeeshee maanta ayaa Ciidamadaas oo ay Dharka soo badesheen waxay ka mid noqdeen kuwa Amisom waxayna dadka qaar ay sheegeen in aan wax isbedel ah la imaaneyn Ciidamada Itoobiya maadaama la soo arkey waxa ay dalka Soomaaliya ka geysteen iyadoo weli uu muuqdo raadkii ay ka tageen ciidamadaas.

Dadka qaar ayaa Aamisan in ku biiritaanka Ciidamada itoobiya ee Howgalka Amisom uu yahay Qorshe ay wataan Dowladha reer galbeed oo ay sheegeen in ay doonayaan in Somaaliya loo qaybiyo Shan qaybood oo kala ah Somaliland , Puntland , Gobolada Dhexe , Gobolada Jubooyinka ,Gobolada Koonfur Galbeed iyo Gobolka Banaadir , waxana ay sheegeen in Itoobiya oo markii horeba Madax ka haysatey Maamulada Somaliland iyo Puntland in la doonayo in loogu daro kuwa Koonfur Galbeed , Kenya ayaa la sheegey in ay Maamuli doonto Gobolada Jubbooyinka ,Jabuuti ayaa iyna lagu wareejin doonaa Gobolada Dhexe iyadoo Madaxweynahooda Ismaaciil Cumar Geele uu sheegey in Soomaaliya ay u diri doonaan Ciidamo hor leh kuwaa oo la geyn doono Gobolada Dhexe halka ciidamada Uganda iyo Burundi loo Xilsaarey Gobolka Banaadir..

Hadaba ku Biiritaanka Ciidamada itoobiya Howlgalka Amisom ayaa dad badan ay Rumeysan yihiin aysan wax Isbedel ah la imaan doonin maadaama dadka Soomaaliyeed ay Xasaasiyada weyn ka qabaan Ciidamadaas hadda oo ay soo badesheen Shaarkii ayaa dadka Mucaaradka ku ah Dowladda Itoobiya ayaa igu qaba in la raaco Go’aanii Melles Zanawai uu ku diidey ku biiritaanka Howlgalka Amisom waayo waxay sheegeen in Mustaqabalka Ciidamada itoobiya la kulmi karaan Burbur uu sababa u yahay Dhaqaalaha laga helo Amisom oo Ciidan kasta oo itoobiya uu ku qanci waayo Mushaarka yar ee uu Dowladiisa uu ka qaato sidoo kale kooxaha Mucaaradka ayaa aaminsan in ciidamada Itoobiya loo arkey islamarkaana hore ugu soo fashilmeen Gelitaankii Soomaaliya.

Guntii iyo Gunaanadkii ku soo Biiritaanka Ciidamada ayaa waxay dad badan ay qabaan in aysan wax ku soo Biirineyn Xaalada Murugsan ee ka taagan Soomaaliya iyadoo sidoo kale dadka qaar ay sheegeen in ay sii dhiiragelin karto dadkii Soomaaliyeed ee markii hore ka soo horjeedey hadaba la arki doonee waxa Ciidamada Itoobiya ku soo biiriyaan arimaha Soomaaliya ,waxaana dadka kale ay qabaan in Ciidamadaas faraha badan ee ku soo qulqulaya Soomaaliya uu dib u dhac uu u keeneyo Dhismaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo haatan aad u liito sidoo kale waxaa dalka jooga Ciidamo Shisheeye oo Booliis ah , waxayna dadka qaar ay qabaan maadaama Booliis iyo Milatari la keeney in ay ku xigi doonaan Munashiibiyo oo Canshuurta kuu qaada , marka waa Dal aan la dooneyn in ay Cidamadiisa Dhismaan .

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail [email protected]
E-Mail [email protected]

TARSAN oo shaaciyey qorshe MAGAC beddelis ah oo Muqdisho saameynaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa jira qorsho magacyada caanka ah looga bedelayo wadooyinka magaalada Muqdisho, sidaasi waxaa sheegay gudoomiyaha maamulka gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Maxamuud Axmed Nuur Tarzan.

Hadalkaan ayaa wuxuu ka sheegay kulan ay isugu yimaadeen gudoomiyayaasha degmooyinka gobalka Banaadir loogana arrinsanayo horumarinta magaalada Muqdisho.

“Waa hormar kale oo magaalada ay ku talaabsanayso, magacyaduna annaga ayaa dooranayno”, ayuu yiri Tarzan.

Qorshahaan ayaa qeyb wuxuu ka yahay mashruuc lambaro loogu sameynayo xaafadaha magaalada Muqdisho, oo ay fulinayaa hey’adaha ka socda dowladda Turkiga.

Wuxuu sheegay Tarzan wadooyinka magaalada Muqdisho in loo sameyn doono magacyo cusub, wuxuuna si gaar ah u soo hadal qaaday wadada caanka ah ee Wadnaha.

“Jidka wadnaha waan bedeleynaa, Istanbul ayaan u bixineynaa,” ayuu yiri.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa looga fadhiyaa inay aragtiyadooda ku muujiyaan in ay haboon tahay in la beddelo magacyada caanka ah ee wadooyinka Muqdisho iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Yaa ku haboon hogaanka maamulka Gobolka Banaadir? (Aqri astaamaha)

Shaki kuma jiro Gobolka ay hoos timaado caasimadda Soomaaliya ee Banaadir u baahan yahay maamul waxtar leh iyo hogaan suuban oo marxaladan kala guurka ah la jaanqaadi kara, waxna ka bedeli kara xaalada ammaan, dhaqaale, horumar iyo bulsho ee Muqdisho ku sugan tahay xilligan, tiiyoo maanka lagu hayo in rajo badan iyo yididiilo weyni jirto isla markaana wax badani ay qabsoomeen muddooyinkii ugu danbeeyay.

Qormadan kooban waxan ugu talogalay inaan kula taliyo madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ku howlan sidii uu mas’uul cusub ugu magacaabi lahaa xilka guddoonka Gobolka Banaadir oo uu dhowaan baneyn doono Maxamed Axmed Nuur (Tarsan).

Waxaan wada ognahay inaad mudane madaxweyne xilligan ku mashquulsan tahay kala shaandheynta iyo kala xulista magacyo dhowr ah oo aad ka raadineyso kii aad u dhiibi lahayd xilkan muhiimka ah oo marna noqon kara haddii qofka ku haboon Alle kugu toosiyo meel Soomaaliya iyo dowladda oo dhan nolol cusub gelin doona, haddii la waayana dowladda iyo Soomaaliya u dhutin doonaan, dib u dhacna u keeni doona qorshihii aad tiigsaneysay ee ahaa: Somaaliya oo nabad ah, ammaan ah isla markaana horumarsan.

Haddii aan dulucda maqaalka u daadego madaxweynow, waxaan marka hore ku xusuusinayaa inuusan Gobolku ku fiicneyn kala qaadis jagooyinka midka ah ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada, haddii ay taasi u dhacdo in beelo lagu qanciyo, waxay keeni doontaa in maamulka dhami hore u socon waayo oo lagu mashquulo qaabka shaqo qeybsiga.

MADAXWEYNOW GOBOLKA BANAADIR HA U MAGACAABIN:

Nin aan dowladnimo soo arag iyo maamul shaqeynaya ee da’diisu ka yar tahay ama u dhowdahay 40 sano.

Nin aan soo marin maamul ee aqoon qalalan maamul barad ah, dad la dhaqankiisuna liito.

Nin aan dalka ku nooleyn ee dalal nabada ka yimid, ayna adag tahay si loo fahamsiiyo baahida gobolka taalla iyo xaaladda dalka ku nool ku sugan yihiin.

Nin jeneraalnino ku qaatay sanad gudihiis, dowladnimaduna isaga qasan tahay.

Ganacsade ku ilbaxay is xambaar, ee kaliya fahmi kara is faa’iido looga raadiyo dad dhibaateysan.

Nin aan ka mid ahayn xisbi diineedyada fartu ku godan tahay ee kugu hareereysan.

Nin xil hore qaranku ugu dhiibtay ku fashilmay ee qeyli ka daba yeereyso ama feylkiisu madow yahay.

Nin beeshiisu kala weyn tahay qaranimada Soomaaliya iyo heybada caasimada iyo muraayadii dalka

MADAXWEYNOW GOBOLKA BANAADIR U MAGACAW:

Nin alle yaqaan oo reer Muqdisho ah, meelna uga cararin xiligii dhibaatada ee sida adiga oo kale dadka la joogay lana qeybsaday xanuunka.

Nin da’diidu ka weyn tahay 40 sano, degan, akhlaaq leh, aqoon iyo waaya-aragnimana u leh maamulka.

Nin ka nadiif ah musuqmaasuq oon eex lagu aqoon, dadkana wax u qabtay.

Nin wax ka fahmi kara nidaamyada caasimadaha, xiriirna la yeelan kara caasimadaha caalamka iyo kuwa gobolka.

Nin u dhow dadka caadiga ah iyo bulshada rayidka Gobolka Banaadir.

Nin tashi badan oo talada wax ka siinaya inta ka hooseysa iyo inta ka sareysa.

Nin Muqdisha-da noloshu ku soo noqotay hore u wadi kara oo heerka la tiigsanayo gaarsiin kara.

Nin aaminsan dowladnimo iyo qaranimo oo ka qeyb qaadan kara dibu dhiska dalka

Intaas hadii aan ku iri waxaan filayaa inaan madaxweynow kula taliyay, marka aad ku noqoto magacyada miiskaada saaran iyo shaqsiyaadka la kala wato, waxaad ogaan doontaa inaad heshay cabir kuu sahli doona inaad la soo baxdo qofkii xilkan culus aad u xil saari lahayd. Haddii aad maanta ilduufto madaxweynow waxay noogu kici doontaa qiime sare iyo ugu yaraan sanado kale oo naga qasaara.

Waxa diyaariyay: Shariif Moalim
HYPERLINK “mailto: [email protected]
Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online

Shirka magaalada Baydhaba ka socda oo dastuur loogaga dhowaaqay

Baydhabo (Caasimada Online) Shirka maamul u sameenta lixda gobal ee ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa maalintii shaley waxaa lagu ansixiyay dastuur uu yeelanaayo maamulkaas, kaasoo kooban 114-qoddo.

Cabdulaahi Maxamed Siyaad Leesto oo ka mid ah xubnaha shirkan u ololeenaya ayaa saxaafadda u sheegay in dastuurka uu yeelanaayo dowlad gobaleedka lixda gobal in lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh.

“Waxaan shaley meel marinay dastuurka uu ku shaqeenaayo dowlad gobaleedka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kaasoo koovab 114-qoddob, waxaa si aqlabiyad leh, waxaa meel mariyay 876 ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya shirka ADC ka socda seddax qof ayaa ka aamustay” ayuu yiri

Leesto ayaa xusay in maalmahan soo socda ay ku dhawaaqi doonaan golaha odayaasha ama Seneta ee uu lee yahay maamulka loo sameenaayo lixda gobal kuwaasoo ka kooban 73-oday ayuu yiri.

Waxaa kaddib la dooran doonaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayuu markale yiri.

Si kastaba, waxaa Baydhabo shaley ka furmay shir kale oo maamul loogu sameenaayo seddax gobal oo ku yaalla koofur Galbeed, shirka oo ka furmay Hotel Bakiil, waxaa furay guddoomiye ku xigeenka maamulka Baay Shiine Macalin Nuurow.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo dowladaha caalamka inay tageeraan qorsha maamulka loogu sameenaayo seddax gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa jirra xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, aqoonyahanno, odayaal-dhaqameed iyo siyaasiyiin isku khilaafsan maamul u sameenta gobalada Koonfur galbeed.

Waxa ay doonayaan in shirweynaha lagu soo dhiso maamul goboleed ka kooban lix gobol oo ay Jubbooyinka iyo Gedo ku jiraan, halka qaar kale ay qabeen in maamulka lagu soo kobo uun Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Shir maamul loogu dhisayo 3 gobal oo maanta ka furmay magaalada…

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baayl ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka furmay shir looga arrinsaanyo maamul u sameynta seddax gobal oo Koonfurta iyo Galbeedka ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Baay, Shiine Macalin Nuurow oo shirka daah furay ayaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka ka codsaday in ay taageeraan shirka maanta ka furmay magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in shirka ay ku sugan yihiin odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah odayaasha ka qaybgalaya shirka ka furmay Baydhabo ayaa soo dhaweeyay maamul gaar ah loo sameeyo seddax gobal ee ku yaalla Koonfurta Galbeed.

Si kastaba,magaalada Baydhabo waxaa waxaa ka socda labo shir oo kala duwan kuwaasoo looga arrinsanaayo labo maamul oo is garab socda.

Odayaal, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada Koonfur Galbeed ayaa isku khilaafsan maamul u sameenta gobaladaas.

Shirka maanta ka furmay Baydhabo ayaa la sheegay in uu taageerayo guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

[email protected]

Madaxtooyada SOOMAALIYA maxaa ka dhacay maanta (FAAH-FAAHIN)

Muqdisho (Caasimada Online)  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ku qabtay kulan labo cisho sonaya oo looga hadlaayo siddii xukuumadiisa loola xisaabtami lahaa.

Kulanka oo ka furmay xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha,guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Kulanka oo ahaa mid saxaafadda ay banaanka ka joogto, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka ra’iisal wasaaraha, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Wuxuu sheegay in kulan maanta ka dhacay Villa Hargeysa in looga hadlay sidddii xukuumada cusub loola xisaabtami lahaa inta ay xafiiska joogto “Waa kulankii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ka dhacay Muqdisho waxaana qabtay ra’iisal wasaaraha, xukuumadan waxa ay dooneysaa in la timaado qorshe cusub” ayuu yiri Ridwaan Xaaji.

Wuxuu sheegay oo kale, in la doonayo siddii 2016-ka dalka in ay ka dhacdo doorasho rasmi ah iyo inta ka horreysa muddadaas in la hirgaliyo nidaamka fedaraalka lana dhammeestiro dastuurka qabyada ah.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa horrey u ballan qaaday xukuumadiisa inay la imaan doonto isbadal ballaaran oo ka badalan xukuumadii horre, iyo in uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Dhageyso: Feysal C Waraabe oo runta u sheegay Xasan Sheekh “Hawiye wuu ka haray Soomaalida kale ee u tasho”

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland, Feysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in wada-hadallada Somalia iyo Somaliland, aysan marnaba ku saabsanaan karin in labada dhinaca ay dib u midoobaan.

Feysal, ayaa u sheegay madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud inuu dadkiisa iyo beeshiisa Hawiye u tashto, oo sida uu sheegay ka hartay Soomaalida inteeda kale, intii uu ku mashquuli lahaa Somaliland.

“Waxaan u sheegayaa Xasan Sheekh in maanta Hawiye uu isaga u baahan yahay, waxaan oran lahaa Hawiye u dhis maamul ayagaa kuu baahan’e oo Somaliland ha ku mashquulin” ayuu yiri Waraabe.

Feysal Cali Waraabe, ayaa tusaale usoo qaatay in Puntland ay iminka caleemo saartay madaxweynihii afaraad, ayna mudan tahay in lagu daydo, laguna ammaano horumarka ay gaartay.

Halkan ka dhageyso Feysal Cali Waraabe

waraabe2

Hadalka Feysal Cali Waraabe, ayaa imanaya xilli dhulka ay degaan Hawiyaha uu noqday dhulka ugu rabshadaha badan Somalia, oo deris la ah colaad joogta ah, islamarkaanu aanu ka jirin wax-maamul deegaameed muuqda ah.

Siyaasiyiin badan, ayaa horey isu-weydiiyey, sababta madaxweyne Xasan Sheekh oo ah ninka iminka ugu sareeya Hawiye iyo Somalia uusan caqligiis u siin inuu dadkiisa isugu yeero una sheego inay dhistaan maamullo wax ku ool ah, kuna daydaan Somaliland, Puntland iyo Jubaland.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]

Video: Horumarka Muqdisho & heerka uu marayo maanta (Muuqaal cusub)

Horumarka Baaxada Weyn ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa mid kala duwan balse waxaad dareemeysaa in magaaladu ay tahay Magaalo cagta saartay Wadadii Nabadda & dib u dhiska.

Muqdisho ayaa sidaa ah oo maanta laga helayaa adeeg nuucaan oo kale ah qof is dhahaya ma jiro ee indhaahada ku arag anaa hubo in aad ka heli doonto aqristoow.

HALKAAN KA DAAWO: