Shirka magaalada Baydhaba ka socda oo dastuur loogaga dhowaaqay

Baydhabo (Caasimada Online) Shirka maamul u sameenta lixda gobal ee ka socda magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay, ayaa maalintii shaley waxaa lagu ansixiyay dastuur uu yeelanaayo maamulkaas, kaasoo kooban 114-qoddo.

Cabdulaahi Maxamed Siyaad Leesto oo ka mid ah xubnaha shirkan u ololeenaya ayaa saxaafadda u sheegay in dastuurka uu yeelanaayo dowlad gobaleedka lixda gobal in lagu ansixiyay cod aqlabiyad leh.

“Waxaan shaley meel marinay dastuurka uu ku shaqeenaayo dowlad gobaleedka lixda gobal ee Koonfur Galbeed, kaasoo koovab 114-qoddob, waxaa si aqlabiyad leh, waxaa meel mariyay 876 ka mid ah ergooyinka ka qaybgalaya shirka ADC ka socda seddax qof ayaa ka aamustay” ayuu yiri

Leesto ayaa xusay in maalmahan soo socda ay ku dhawaaqi doonaan golaha odayaasha ama Seneta ee uu lee yahay maamulka loo sameenaayo lixda gobal kuwaasoo ka kooban 73-oday ayuu yiri.

Waxaa kaddib la dooran doonaa madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen ayuu markale yiri.

Si kastaba, waxaa Baydhabo shaley ka furmay shir kale oo maamul loogu sameenaayo seddax gobal oo ku yaalla koofur Galbeed, shirka oo ka furmay Hotel Bakiil, waxaa furay guddoomiye ku xigeenka maamulka Baay Shiine Macalin Nuurow.

Wuxuu ka codsaday dowladda Soomaaliya iyo dowladaha caalamka inay tageeraan qorsha maamulka loogu sameenaayo seddax gobal ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Waxaa jirra xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka, aqoonyahanno, odayaal-dhaqameed iyo siyaasiyiin isku khilaafsan maamul u sameenta gobalada Koonfur galbeed.

Waxa ay doonayaan in shirweynaha lagu soo dhiso maamul goboleed ka kooban lix gobol oo ay Jubbooyinka iyo Gedo ku jiraan, halka qaar kale ay qabeen in maamulka lagu soo kobo uun Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com