Shir maamul loogu dhisayo 3 gobal oo maanta ka furmay magaalada…

Baydhabo (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baayl ayaa sheegaya in halkaas maanta uu ka furmay shir looga arrinsaanyo maamul u sameynta seddax gobal oo Koonfurta iyo Galbeedka ku yaalla.

Guddoomiye ku xigeenka gobalka Baay, Shiine Macalin Nuurow oo shirka daah furay ayaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka ka codsaday in ay taageeraan shirka maanta ka furmay magaalada Baydhabo.

Wuxuu sheegay in shirka ay ku sugan yihiin odayaal iyo wax garad ka soo jeeda gobalada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose.

Qaar ka mid ah odayaasha ka qaybgalaya shirka ka furmay Baydhabo ayaa soo dhaweeyay maamul gaar ah loo sameeyo seddax gobal ee ku yaalla Koonfurta Galbeed.

Si kastaba,magaalada Baydhabo waxaa waxaa ka socda labo shir oo kala duwan kuwaasoo looga arrinsanaayo labo maamul oo is garab socda.

Odayaal, xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada Koonfur Galbeed ayaa isku khilaafsan maamul u sameenta gobaladaas.

Shirka maanta ka furmay Baydhabo ayaa la sheegay in uu taageerayo guddoomiyihii horre ee baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Baydhabo

Caasimada@live.com