Madaxtooyada SOOMAALIYA maxaa ka dhacay maanta (FAAH-FAAHIN)

Muqdisho (Caasimada Online)  Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta oo Axad ah magaalada Muqdisho ku qabtay kulan labo cisho sonaya oo looga hadlaayo siddii xukuumadiisa loola xisaabtami lahaa.

Kulanka oo ka furmay xarunta Villa Hargeysa oo ku dhex taalla madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka qaybgalay madaxweynaha,guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubno ka tirsan labada golle ee dowladda.

Kulanka oo ahaa mid saxaafadda ay banaanka ka joogto, ayaa markii uu soo dhammaaday waxaa saxaafadda la hadlay afhayeenka ra’iisal wasaaraha, Ridwaan Xaaji Cabdiweli.

Wuxuu sheegay in kulan maanta ka dhacay Villa Hargeysa in looga hadlay sidddii xukuumada cusub loola xisaabtami lahaa inta ay xafiiska joogto “Waa kulankii ugu horreeyay oo noociisa ah oo ka dhacay Muqdisho waxaana qabtay ra’iisal wasaaraha, xukuumadan waxa ay dooneysaa in la timaado qorshe cusub” ayuu yiri Ridwaan Xaaji.

Wuxuu sheegay oo kale, in la doonayo siddii 2016-ka dalka in ay ka dhacdo doorasho rasmi ah iyo inta ka horreysa muddadaas in la hirgaliyo nidaamka fedaraalka lana dhammeestiro dastuurka qabyada ah.

Ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh ayaa horrey u ballan qaaday xukuumadiisa inay la imaan doonto isbadal ballaaran oo ka badalan xukuumadii horre, iyo in uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo xukuumadiisa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com