Horumarka Baaxada Weyn ee ka soconaya Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho waa mid kala duwan balse waxaad dareemeysaa in magaaladu ay tahay Magaalo cagta saartay Wadadii Nabadda & dib u dhiska.
Muqdisho ayaa sidaa ah oo maanta laga helayaa adeeg nuucaan oo kale ah qof is dhahaya ma jiro ee indhaahada ku arag anaa hubo in aad ka heli doonto aqristoow.
Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Idaacada VOA, ayaa ka hadlay arrimaha Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli gacanta ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo aad u fog, welina aan wax xal ah laga gaarin
Madaxweynaha ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys weli Dowladda ay arrimo uga dhiman yihiin oo baaritaan uu ku socdo marka uu dhamaado baaritaankaasina ay arintaasi cadaan doonto, waxaana uu sheegay in hada meel ammaan ah oo ay Dowladda maamusho uu ku sugan yahay.
Waxa uu caddeeyey marka baaritaaanka uu dhammaado in dowladda ay soo saari doonto faah-faahin buuxda oo ku saabsan arrinta Xasan Daahir Aweys.
Dhinaca kale warar kale, ayaa sheegaya in xaaladda Xasan Daahir Aweys ay caafimaad ahaan tahay mid wanaagsaneyn, uuna wadaadka lumiyey miisaan badan oo ka mid ah jirkiisa.
Kismaayo (Caasimada Online) – Ku biiritiaanka ciidamada Ethiopia ee Amisom, ayaa wallaacyo siyaasadeed oo xooggan ku abuuray Axmed Madoobe iyo ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo, Caasimada Online ayaa ogaatay.
Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaysa inuu jiro qorshe xooggan oo Amisom ay waddo, oo la doonayo in-isbeddel xooggan uu ka dhaco Kismaayo, oo ay iminka joogaan ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone.
Waxaa qorshaha ka mid ah in ciidamo kale oo dheeri ah, oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Ethiopia la geeyo Kismaayo, si loo yareeyo saameynta ciidamada Kenya.
Axmed Madoobe iyo Kenya, ayaa arrintan aad uga walaacsan, waxaana ay adeegsanayaan shacabka halkaasi dega, ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo waa weyn oo ka dhacaya magaalada.
Waxaa dibad-baxyadaas lagu dalban doono in ciidamo kale oo Amisom ah aan la keenin magaalada, waxaana lagu wadaa inay dhacaan maanta iyo maalmaha soo socda.
Itoobiya waxay xoogga saari doontaa in Ciidamada Kenya ee Jubbaland jooga ay qayb ka noqoto, middaas oo ay isha ku hayn doonto dhaq-dhaqaaqa Maamulkaas iyo xidhiidhka uu la yeelan doono Gobalka Ogaden, waana taas sababta ay ugu biirtay Amisom.
Qorshaha Amisom ay ciidamo dalal kale ka socda ay ku geeneyso Kismaayo, ayaa imanaya xilli waqti yar un ay ka hartay 6-dii bilood ee Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubba ay ku heshiiyeen in gacan ku haynta dekedda Kismaayo lagu soo wareejiyo dowladda.
Kenya ayaa dhaqaale badan ka heshay dekedda Kismaayo, ayada oo adeegsaneysa maamulka ay dhisatay ee Jubba, waxaana jira cabsi ku saabsan in heshiiska ay ka baxaan kooxda Jubba.
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo si aad ah u nacay dowladda Somalia, ayaa hadalkiisii ugu dambeeyey ee muuqda geba-gebadii waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku muujiyey heerka uu gaaray naceybka uu hayo dowladda.
Faroole, ayaa munaasabaddii uu xilka ku wareejiyey, waxa uu hadal uu ka jeediyey ku sheegay inuusan marnaba ogolaan lahayn in cid ka socota dowladda Somalia ay kasoo qeyb gasho xafladda xil-wareejinta, balse sababta uu ku ogolaaday ay tahay in loo soo diray wasiir ay isku reer yihiin.
“Wasiirka ka socda Dowladda Federaalka, maba aynaan qaabileyn haddii aanu ahayn nin reer Puntland ah” ayuu yiri Faroole.
Waayadaan waxaa caadi iska noqday in laga Been sheego Taariikhda Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan laga xishoon beenta iyo jahawareerinta Jiilasha soo koroyo, taasoo mararka qaar aad isweydiineyso: kaalay Soomaalidu miyeysan ogeyn in beentu ka mid tahay Calaamadaha Munaafiqiinta.
Waxa aan daawaday ama aan dhageystay dhowr iyo Tobankii Sano ee la soo dhaafay Siyaasiyiin badan ka soo jeedo gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya oo meel walba la taagan waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay, iyagoo iska indho tirayo sida ay Soomaali u deganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub, waxa ayna ku waasheen Xaduud beenaadii uu sameyeyey Gumeystihii reer Yurub.
Markii ay dhacday Dowladdii dhexe waxaa looga dhawaaqay gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya maamul loogu magacdaray Soomaaliland kaas oo la sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxa ayna Siyaasiyiintii horboodayey Maamulkaasi sheegeen in markii horeba ay Soomaliya ka koobneyd koonfur iyo Waqooyi sidaa daraadeena hadda go’aansadeen in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.
Hadaba si aan loo marin habaabinin Jiilasha soo koroyo iyo Soomaalida ku korto Qurbaha ayaa waxa aan go’aansaday bal inaan wax ka qoro sida ay Soomaalidu u daganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub.
Sida aan ka wada warqabno dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen intooda badan dad Xoolodhaqato ah,kuwaas oo dhaqdo Sedexda nooc ee Xoolaha ee ay Maantaba dhaqdaan,Waxa ayna Xoolahooda u daaq geyn jireen meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa Iyada oo aysan jirin wax soohdin ah oo kala celisa.
Sida ay sheegaan Taariikhyadanadu, Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad sida Hal qoys oo kale ah, maadaama Diin, dhalasho iyo dhaqan ahaanba wadaagaan waana sababta keentay in aysan ilaa Maanta aqoonsan xaduud beenaadkii uu sameeyey Gumeystihii, halkaas oo dhulkii midka ahaa u qeybiyey ilaa Shan qeybood sida Koonfur, Waqooyi, Jabuuti Soomaali-galbeed iyo NDF
Sida aadba ka dhegeysan doontaa Video-yadan soo socda degaanada ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa waxa ay ahaayeen mid inta aysan imaan Nimankii reer Yurub mana jirin wax soohdin ah oo u dhaxaysay dadka Soomaaliyeed,mana jirin wax la yiraahdo Koonfur iyo Waqooyi laakiin nasiibdaro markii la qabsaday ayaa waxa loo qeybiyey ilaa Shan qeybood.
Qeybsashadii Africa la qeybsaday waxa ay dhibaato xoogan u geysatay guud ahaan Qaaradda Africa gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa dhulkoodi la siiyey dalalka Ethiopia iyo Kenya Iyada oo aan waxba laga weydiinin sida aadba ka dheysan doonaa Warbixinta soo socoto ee ay diyaarisay Idaacadda BBC-da.
Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaysan Soomaalidu u aqoonsaneyn kala qeybintii lagu sameeyey dhulkeeda iyo waliba soohdintii loo sameeyey Konfur iyo Waqooyiga?
Jawaabtu waa iska caddahay maxaa yeelay kala goyntaasi ma’ahan mid ay raali ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan haddii beerta aad leedahay uu Nin yimaado ka dibna uu beertii kala qeybiyo qeybna ku siiyo qeybtii kalena uu siiyo Ninkii dariskaaga ahaa ma yeeleysaa? Waa maya tan kale waxaa jirta tusaale ay isticmaalaan Culimada Islaamka kaas oo oronayo wixii baadhil lagu dhisaa Isagana waa baadhil.
Waxa aan codsanayaa in la dhegeyso Warbixinadan maqalka ah ee soo socda maxaa yeelay waxa ay xanbaarsan yihiin macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Taariikhda Soomaalida.waxa diyaasisay BBC-da
Sida aan soo sheegnay Soomaalidu inta uusan imaan Gumeystihii reer Yurub waxa ay ahayd mid mana jirin wax soohdin ah,Sidoo kalena ma jirin waxa Maanta loo yaqaano Koonfur, Waqooyin iyo Jabuuti sidaa daraadeed ma’ahan in Maalin kasta la taagnaadaa waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay.waa in laga heshiiyaa wixii dhacay.
Hadaan wax ka iraahdo wixii loo geystay Walaalaheena reer Waqooyi runtii aad iyo aad baan uga xumahay waana Taariikh madow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waxa aana rajaynayaa in Maalin un laga abaalmarin doona kuwii geystay dhibkaasi inkasta oo qaar badan oo Iyaga ka mid ah dhinteen.
Waxa aan leeyahay Walaalayaalow yaan laga been sheegin Taariikhda Umadda,Sidoo kalena yaan la marin habaabinin Jiilasha soo koroyo, Ogaadana in aysan Soomaali kala go’i Karin wax kastaaba ha dhaceen.
Waxa aan soo jeedinayaa Talooyin dhowr ah:
Waa in la balaariyaa wada hadalada lala leeyahay Maamulka Soomaaliland lagana qeyb geliyaa Maamulada kale ee ka jira Wadanka sida Puntland iyo Khaatumo State.
Waa in ay Soomaalidu ku wada hadashaa gudaha Wadanka sida Magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Garawa, Muqdisho iyo Baydhabo-Janaay
Waa in dhinacyadu isu tanaasulaan lana saxa wixii khaldamay si looga baxo dhibaatada ka jirta Wadankeena.
Waa in laga fogaadaa markasta gacan ka hadal keeni karaa in uu daato dhiig Soomaaliyeed.
Waa in laga wada shaqeeyaa dhinacyada Waxbarashad, Caafimaadka iyo Ganacsiga xitta haddii aan heshiis buuxa la gaarin.
Waa in la isu gurmadaa marka ay yimaadaan Masiibooyin dabiici ah sida tii ka dhacday gobolka Barri.
Muqdisho (Caasimada Online) Kaddib markii dhawaan uu sheegay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed in xubnaha wasiirada looga baahan yahay muddo shan cisho in ay kula wareegaan xafiisyadooda maadama shaqooyin badan ay sugeyso, waxaa habeenkii xaley magaalada Muqdisho lagu qabtay munaasabad xilalka lagu kala wareejinayay wasiirrada cusub ee Maaliyadda iyo Qorsheynta Qaranka.
Labadan wasiir ayaa waxa ay xilka kala wareegeen wasiirkii horre ee Maaliaydda, Maxamuud Xasan Saleybaan, oo xilalkaas isku hayay.
Munaasabada oo ka dhacday mid ka mid ah hotelada magaalada Muqdisho, waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu ka mid yahay ra’iisul wasaare ku-xigeen ahna wasiirka diinta awqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed, xubno ka socda labada golle, siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo magac ku dhex leh bulshadda.
Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay wasiirkii horre ee maaliyada iyo qorsheenta, Maxamuud Xasan Saleybaan, kaasoo faah-faahin ka bixiyay wax yaabaha u qabsoomay muddada uu xilka hayay isagoonta intaas ku daray in uu ku faraxsan yahay in uu xilka ku wareejiyo labada wasiir ee cusub, wuxuna u rajeeyay horrumar.
Wuxuuu ka hadlay shirar caalami ah oo ay ka qaybgaleen kuwaasoo lacago loogu yaboohay dowladda Soomaaliya iyo in ay dajiyeen miisaaniyada ay ku shaqeeneyso dowladda taasoo ay meel mariyeen baarlamaanka.
Waxaa kaloo isna goobta ka hadlay wasiirka cusub ee maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Xuseen Cabdi Xalane isna amaanay iyo bogaadin u jeediyay wasiirkii horre, wuxuuna ballan qaaday in uu la imaan doono wax qabad la taaban karo.
Waa wasiiradii ugu horreeyay ee xilalka la wareega labadan wasiir, waxaana dhimman 23-wasiir oo kale oo la rabo in maalmaha soo socda ay la wareegaan xilalkooda.
Marka (Caasimada Online) Guddoomiyaha degmada Marka, Maxamed Cismaan Maxamed Yariisow ayaa caddeeyay dhibaatooyin waaweyn oo lagu hayo shacabka ku nool gobalka Shabeellaha Hoose.
Wuxuu xaqiijiyay in ciidamada dowladda iyo kooxo ku labisan dharka ciidamada ay dhac iyo tacadiyo kale oo xooggan ay u geestaan dadka ku safra waddada xiriirsa Muqdisho iyo Marka, “Mana jirto cid wax ka qabata” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa eedeen u soo jeediyay guddoomiyaha gobalka Shabeellaha Hoose, Cabduqaadir Nuur Siidii, kaasoo sheegay in dibad bax ay shaley dhigeen darawalada iyo mulkiilayaasha gaadidleyda oo ka cabaanaayay isbaarooyin uu ahaa mid la soo abaabulay, gobalkana uu nabad yahay.
Bale Maxamed Yariisow, ayaa leh guddoomiya waa uu ku qaldan yahay hadalkaas, waayo maalin kasta ayaa la dhacaa dadka ku safra waddadaas xiriirsa Muqdisho iyo Marka.
“Guddoomiyaha waa nin aan waxbo ka ogeyn gobalka, maba aragno waayo Hotelo Xamar ayuu deggan yahay, annaga ayaa gobalka xaalladiisa ka warqabno, waa run dhibka lagu hayo shacabka musaafarka”ayuu yiri.
Ugu dambeyn wuxuu madaxda iyo saraakiisha ciidamada dowladda uu ka codsaday in ay wax ka qabtaan kooxaha dhaca iyo tacadiyada kale kula kaca shacabka ku safra waddada xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye.
Beledweyna (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya, maxkamada ciidamada qalabka sida in ay xabsiga dhigtay guddoomiye ku xigeenkii degmada Beledweyne.
Guddoomiye ku xigeenka dhinaca arrimaha bulshadda Sheekh Xuseen Cismaan Cali, oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in uu xiran yahay Cabdulaahi Maxamed Cumar oo guddoomiye ku xigeenka Beledweyne aha ku-simaha duqa magaalada.
Mar la weydiiyay bal in uu ka warbixyo sababaha loo xiray mas’uulkan, wuxuu tilmaamay in loo heesto dhacdo hadda ka hor ay geesteen ilaaladiisa, laakin faah-faahinta waa ay soo bixi doontaa” ayuu yiri.
Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku aadan sababaha loo xiray guddoomiye ku xigeenka degmada Beledweyne.
Arrintan ayaa magaalada ka dhilsay xaalad kacsanaan waxaana laga cabsi qabaa in iska hor imaad uu dhexmaro maamulka degmada iyo maxkamadda ciidamada qalabka sida oo kala madax banaan.
Magaalada Muqdisho maalinba arin baa ka cusub maantana waxaa ka cusub arin aan horay loo arag tan iyo burburkii Dowladii Dhexe waxaana Muqdisho aad looga xiiseynayaa in la helo arin shacabka dhan ay doonayaan.
Wadooyinka Muqdisho & Goobo Dowlada ay ka howl gasho ayaa boqolaal dadweyne ah buux dhaafiyeeyn ayagoo doonaya arin ay ku xirtay Dowlada Somalia in Shacabka ay sameeyaan ee nala arag.
Garoowe (Caasimada Online) Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta loo sameeyay sagootin cajiib ah, isagoona loo maamusay qaab madaxweynanimo ah.
Waxaa sagootintiisa ka qayb galay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Puntland iyo dadweyne fara badan, waxaa loo garaacay astaanta calanka Soomaaliya, iyadoo la is garab suray calanka Puntland iyo calanka maamulka KMG ahee Juba.
Axmed Madoobe inta uusan ka dhoofin Garoowe, ayuu u mahadceliyay madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland sidda ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe isaga iyo wafdi la socda.
Wuxuu ku amaanay Puntland in ay tusaale u tahay horrumarka ka jirra maamulada ka jira dalka.
Intaas kaddib, madaxweynaha cusub ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin wafdiga ka socda maamulka Jubba, isagoonta intaas ku daray in markooda booqasho ku iman doonaan magaalada Kismayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.
Afartan iyo afar kun ( 44,000) oo qori ayay dawladda Ingiriisku sanadkii na dhaafay ugu daabushay Soomaaliya , sida ku cad qoraaladda dawladda hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa 30,000 ,oo qoryaha daran dooriga u dhaca ah , 2,536 Birsooladood , kuwaas oo loo dhoofiyay Soomaaliya lana tuhun san yahay in loo gacan galiyay kooxo burcad ah ama diidan xasiloonida Soomaaliya sida ay qabaan qaar ka mid ah xildhibaanadii amuurtan dood kulul ka dhaliyay.
Guddiga la socodka dhoofinta hubka kana tirsan Baarlamaanka ayaa dusha ka saaray Wasaaradda Ganacsiga (Vince Cable, Wasiirka Ganacsiga 1966 ilaa1968 wuxuu ahaa La taliyaha ganacsiga ee Kenya ). Wasaaraddaayaa ogolaatay dhoofinta Hubkan ,sidoo kale gudigu waxay shaki galiyeen siyaasadda dheeli tirka dhoofinta hubka ee Boqortooyada Ingiriiska.
Agaasimaha Waaxda dhoofinta hubka Edward Bell ayaa yiri mar ay gudigu su’aalo waydiinayeen ‘’ waan dareemayaa war warka aad ka qabtaan hubka tiradaas leh ee loo dhoofiyay Soomaaliya , laakiin waxaan idiin hubaa inuu Hubkaas uu ku jiro gacan la hubo inay danaha Boqortooyada dhawrayaan’’.
Dugsiga Baarista Dhaqaalaha Jarmalka (DIW) ayaa wuxuu daabacay raadis ( Baaris) uu ku sameeyay cidda ay faa’iidada ugu jirto sii socoshada falalka Burcad Badeedda iyo xasilooni darrada Soomaalida waxaa ka mid ahaa qoraalkaas oo laga akhrisan karo Baalkooda www.diw.de Sidan: ‘’ Dhowr kooxood oo kala duwan ayaa faa’iido dhaqaale oo xoog leh ka hela dhaq-dhaqaaqa Burcadda waxaana ka mid ah ( Buracadda Soomaalida ,Dadka Deegaanka qaar ka mid ah , Maamulada ka dhacashay meelaha y falalka buracaddu ka dhacdaan ,Maraakiibta Dagaalka ee Caalamiga ah , shirkada ammaanka ee gaarka loo leeyahay , iyo Shirkadaha Caymiska (insurance industry ) , oo ay intooda badan leeyihiin ama saamiga ugu ballaaran ku leeyihiin siyaasiyiinta reer Galbeedka .
Qoraaga Patrick Henningsen wuxuu qabaa in Xiriir cad uu ka dhexeeya Ganasiyada ,Dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Adduunka inay sii quusiyaan Soomaaliya daymaha lagu leeyahay oo mar walba uu dalku ku tiirsanaado ‘’Gargaarka’’ , Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bankiga Adduunka ( World Bank) waxay mar walba shidaal ku sii shubaan Nadbad galya xumada, saboolnimada iyo gaajada ka jirta Soomaaliya iyo dalal badan oo ay doonayaan reer galbeedku inaysan ka hoos bixin gacantooda .
Ma ahan la yaab in dawladda Ingiriisku ay ugu deeqdo lacag dhan 2.2 Malyuun Xafiiska la dagaalanka Maandooriyaha iyo danbiyada ee Qaramada Midoobay ( UN ) si xabsi looga dhiso Puntland isla markaana dib loogu habeeyo Booliska maamulkaas , iyadoo ay Ingiriisku ka fakarayaan ilaalinta danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya cid u ilaalisa oo daacad u ahaata haddii ay yimaadaan kuwa marka hore shacabka matala ee aan jeebka ugu jirin danaha shisheeyaha .
Bilowga sanadkii 20013 waxaa la sameeyay Ciidanka Badda ee Biritishka oo si gaar ah loo leeyahay 200 oo sano kadib markii 1 aad waxaana unkay koox ganacsato ah si ah uga hawl galaan biyaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay la dagaalamayaan burcad badeedda hassa ahaatee waxay salka ku hayeen Shirkad caymis oo uu leeyahay Lloyds ka London , Waxaa ka mid ahaa raggaas Madaxii hore ee Caymiska Ganacsiga ee Bankiga HSBC Mr Typhon ahna ninka iska leh Anthony Sharp shirkadda ammaanka ee gaarka loo leeyahay kana hawl gasha xeebaha Soomaaliya .
Lloyds Of London wuxuu bilaabay durbadiida Caymis badaha sidoo dulaaliinta Caymisyada labaad ee dunida ugu ballaaran oo yiraahdo Willis Group Holdings plc ayaa waxay sheegeen sida ku cad warbixin uu daabcay Forbes 2010 kii ‘’ Haddii aad naga iibsato caymis buuxa waxaad ka bad baadaysaa inay ku bar tilmaameedsadaan Burcad Badeedda ‘’ hadalkaan iyo xariirka ka dhexeeya Ciidanka Badda Ingiriiska ee Gaarka loo leeyahay ayaa shaki wayn dhaliyay dhaliyay inuu jiro xariir ka dhexeeya weerarada Burcadda iyo Shirkadaha Caymiska .
Ma ahan sir qarsoon in Dawladda Igriisku aad u danaynayo waliba si xoog ah Dahabka Madaw ee ku moosan dhulka Soomaalida gaar ahaan kan hoos taga Itoobiya ( Somali Galbeed) iyo koofurta Soomaaliya waxaa si gaar ah ugu loolamaya Boqortooyada Ingriiska iyo Talyaaniga oo haattan u muuqda in looga taag roonaaday baratanka dhaqaalaha hasa ahaattee waxay mar walba iyaguna maleegayaan qorshe kasta oo ay ku xagal daacin karaan wixii ay is leeyihiin Ingiriis ayay uga qabsoomi karaan dhulkaas hodanka ah ee ay dadkuusu gaajada iyo harraadka u naf beelayaan xiliga abaarta markuu roob yimaadana wixii ka haray daadka uu cagta mariya .
Wargayska Financial times ee London kasoo baxa ayaa qoraal dheer ka qoray muranka ay soo kordhiyeen shirkadaha Shidaalka , Kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay wargayska Wasiirkii Tamarka ee Xukuumaddii Saacid ayaa yiri ‘’ Aniga iyo Madax wayne Xassan maalin walba waan kullanaa waxaana ka wada hadalnaa Shidaalka iyo shirkadaha danaynaya’’ baratankaan ayaa saliid ku kordhiyay muranka iyo kala fogaan shaha dalka u kala qaybsan kooxaha dantooda meeqaamka sare dhigay ee iska indha mariya mar walba shacabka ay sheegtaan inay matalaan .
Katrina Manson ayaa waxay qoraal ay FT.com ku daabacday ku sheegtay ‘’ Madaxda Soomaalida waxay door bidaan dantooda ayagoo murankooda uga faa’iideeya shirkadaha shisheeye eek ala caynka ah , waxay maalin walba si sahal ah u lumiyaan hanta qaranku leeyahay ayagoo eeganaya dan gaar ah iyo hadal afka baarkiisa ah oo dhagta loogu sheegay oo ay run moodeen markaas ayaa laga dhamaystaa wixii laga doonayay .
Dhinaca kale muranka ay Kenya galisay dhul biyeedka Soomaalida ayaa wuxuu soo kordhigay eray dublamaasiyadeed cusub ( Saddex Xagalka Wareerka ) durba waxay Kenya daabushay ciidan keeda waxay shab siisay Soomaaliya ayadoon markii hore ka mid ahayn AMISOM hasa ahaattee gadaalkii ayay ku guulaysatay inay ka mid noqoto waxayna taabteen Dakadda Kismaayo ayagoo dabada ka riixaya Hogaamiye dagaal ay dan gaara ka leeyihiin, Ujeedka Kenya ma ahan marna inay Soomaaliya ka dhisanto dawlad maamusha guud ahaan dalka ee waxay doonayaan inay muddo dheer ku hayaan siday haattan tahay ilaa laga gaaro heer ay ku murmi karaan Kismaayo gadaalkana ay dhulkaas bar qaadan karaan si ay u hubiyaan ceelasha shidaalka ee dhulkaas inay ka mid noqdaan Dhulka Kenya .
Ingriiska , Maraykan iyo Reer Yurub waxay sugayaan xiliga ugu habboon ee ay soo guran karaan khayraadka Soomaaliya inta ka horaysana waxaa jira dhabooyin badan oo ay lacag ku samayn karaan .
Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo dib u heshay adeegyo ka maqnaa 23-kii sano ee burburka ahaa waxaana haatan la dareemayaa arimo ku farxad gelinaya marka aad aragto.
Arinta Bulshada reer Muqdisho farxad gelisay ayaa hubaa in adne ay ku farxad gelin doonto aqristoow waana Nidaamka Dowladeed ee dib loo helay ee daawo Muuqaalkani.
Garoowe (Caasimada Online) Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ballan qaaday maamulkiisa in uu la shaqeen doono dowladda dhexe ee Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay in la imaato wadashaqeen fiican oo dib loogu celiyo xiriirka labada dhinac.
Madaxweyne Gaas ayaa carabka ku adkeeyay Puntland in ay u taagan tahay midnimada Soomaaliya, isgaoona intaas ku daray in ay geed dheer iyo geed gaaban ay u fuuli doonaan Soomaaliya oo noqota mid qura.
“Waxaan rabaa caawa in aan sheego in xiriirka annaga iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu haagi doono haddii dowladda ay ku dhaqanto dastuurka dalka u yaalla,” ayuu yiri madaxweyne Gaas.
Wuxuu ku celceliyay Maamulka Puntland in ay ka go’antahay siddii uu uga shaqeen lahaa horrumarinta iyo qaranimada Soomaaliya “Arrintaas ma mid qof shakhsi uu sheegay ee waa mid ay go’aan ay ku gaareen shacabka reer Puntland” ayuu markale yiri.
Si kastaba, hadalkan ayuu madaxweynaha cusub ee Puntland ka jeediyay xaflad habeebkii xaley ka dhacday magaalada Garoowe, waxaana halkaas ku sugnaa mas’uuliyiin iyo diplomaasiyiin caalami ah.
Maamulkii horre ee Puntland, ayaa horrey u sheegay in ay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya, kaddib markii ay ku eedeeyeen in ay wax ka badashay dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaalla.
Barnaamijka Soomaaliya ee “Aada Dugsiyada”, oo ay xukuumadda federaalka ku ballan qaadday in ay hal milyan oo carruur Soomaaliyeed ah ku siiso waxbarasho lacag la’aan ah, ayaa haddana caqabad kale la kulmay markuu ku biloowday habsaan iyo isaga oo aan haysan kharashkii loogu talo galay.
In ka badan 300 oo macallin oo ka shaqeeya gobolka Benaadir ayaa ku dhawaaqay in ay shaqo joojin bilaabayaan Khamiista (16-kii January) ka dib markii ay xukuumaddu siin wayday mushaarkooda oo buuxa bishan ku saddex, sida laga soo xigtay Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir.
“Waxaan go’aan ku gaadhnay in aan shaqada joojinno ka dib markii aan waynay xuquuqdeenii, waxaanan shaqada ku laabanaynaa marka nala siiyo xuquuqdeenna,” Maslax Xaashi Dhoore, oo ah guddoomiyaha ururka oo 23-jir ah, ayaa yiri.
Wuxuu sheegay in ay 316 macallin ku jiraan ururka waxayna 40,000-50,000 oo arday wax ku baran 17 dugsi oo ku yaala Muqdisho.
“Waxaan heshiis la saxiixannay agaasimaha waxbarashada ee Wasaaradda Hawlaha Guud 7-dii September,” ayuu yidhi. “Heshiisku wuxuu dhigayay in nala siiyo $200 bil walba, laakiin illaa hadda waxaan helnay $300 oo kaliya, waxaa hal mar nala siiyay $200 mar kalena waxaa nala siiyay $100, marka waxaa naga maqan $700.”
Guddiga Ururka Macallimiinta Aada Dugsiyada ee gobolka Banaadir ayaa usbuucii hore u codeeyay in la bilaabo shaqo joojintooda 16-kii January, 2014. [Cabdi Macallim/Sabahi]Dhoore wuxuu sheegay inuu ururku ku dadaalay inuu la xidhiidho wasaaradda si loo siiyo mushaarkooda, laakiin “way diideen in ay na qaabilaan.”
Waaxda waxbarashada iyo macallimiinta oo eedeeymo is waydaarsaday
Agaasimaha Waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Nuur ayaa garwaaqsadey in aan macallimiinta la siin mushaarkooda oo dhammaystiran, laakiin wuxuu sheegay in ay xukuumaddu qorshaynayso in ay arrinta si degdeg ah wax uga qabato.
“Mushaarka macallimiinta, oo ah $200, badhkiis waxaa bixiyay [Santuukha Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF)] waxaana xukuumadda laga filayay in ay bixiso badhka kale,” Nuur ayaa ku sheegay waraysi uu 19-kii January siiyay raadiyaha ay xaruntiisu Muqdisho tahay ee Goobjoog. “Waxa macalimiinta hadda ka maqan waa qaybtii dawladda.”
Faahfaahin kama uusan bixin sababta ay qaybtii dawladda ee mushaarka macallimiinta wali u maqan tahay, wuxuuna ku gaabsadey in uu yidhaahdo dhammaan shaqaalaha dawladda ayuu mushaarku ka daahaa.
Wuxuu yidhi macallimiintu waa ay ku degdegeen go’aankooda ah in ay shaqada joojiyaan.
“Waan maqalnay cabashooyinkooda, laakiin waxaan ka filaynay in ay sugaan illaa inta aan ka soo raadinayno lacagta mushaarkooda,” ayuu yidhi.
Laakiin macallimiinta shaqo joojinta sameeyay qaarkood ayaa sheegay in ay ka soo tageen shaqooyin lacag fiican ay kaga qaadanayeen dugsiyo gaar loo leeyahay si ay ugu shaqeeyaan dawladda.
Cabdinasir Axmed Cali, oo ah macallin 31-jir ah oo shaqo joojin sameeyay, ayaa sheegay inuu qaadan jiray $230 markuu u shaqeeynayay iskuul gaar loo leeyahay.
“Waxaan rabay in aan qaranka u shaqeeyo, laakiin waan ku hungoobay. Wax ma dhigi karo mushaar la’aan. Xittaa bas raac ma heli karo hadda,” ayuu yidhi Cali, oo xisaabta ka dhiga dugsiga dhowaan dib loo furay ee Dugsiga Macallin Jaamac ee ku yaala degmada Xamar Weyne ee Muqdisho.
“Wasaaraddu ma aysan bixin manhaj qaran oo loo isticmaalo in carruurta wax loogu dhigo,” ayay tidhi Muxiyadiin, oo maaddada Soomaaliga ka dhigta Dugsiga Maxamuud Hilowle ee degmada Dharkenleey. “Markii aan shaqada bilownay waxaa naloo sheegay in nala siin doono manhaj qaran oo carruurta wax loogu dhigo, laakiin waxaan wali carruurta u dhignaa manhajka UNICEF.”
“Waxaa sidoo kale na haysta dhibaato la xidhiidha qalabka kale ee aan wax ku dhigno sida jeestada, oo mar walba go’da,” ayay tidhi. “Sidoo kale ma jiraan kormeer iyo wada xisaabtan.”
Astaamo muujinaya fashil dawladeed?
In aan macallimiinta iyo shaqaalaha kale ee muhiimka ah la siinin mushaar waxay astaan cad u tahay in ay dawladnimadu fashilantay, ayay tidhi Caasha Isxaaq, oo ka soo shaqeeysay macallinimo iyo maamul taniyo burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre.
“In aan meel la saarin mushaarka macallimiinta iyo askarta ammaanka sugta waxay muujinaysaa sida aysan dawladdu ugu diyaarsanayn in ay horumar keento,” ayay tiri, iyada oo raacisay in lacag isticmaalka dawladda ay ka maqan tahay wada xisaabtanka iyo hufnaanta. “Sidoo kale, ma jiro qorshe cad oo lagu maamulo lacagta dawladda.”
Waxaa jira malaayiin doolar oo lacagta dadweynaha ah oo maqan oo ay xukuumaddu u isticmaali kartay in ay ku bixiso mushaaraadka iyo adeegyada guud, ayay tidhi Isxaaq.
Waxay sheegtay in ay dawladdu isku daydo in ay sameeyso barnaamijyo soo jiita dadweynaha, laakiin aysan jirin wax dhammaystir ah.
“Tusaale ahaan, Aada Dugsiyada wuxuu kor u qaaday rajada boqolaal kun oo waalid iyo carruur ah. Waxay ahayd tallaabo horumar leh oo ay qaadday xukuumaddu, laakiin waa musiibo qaran marka uu barnaamij noocaas ah fashilmo,” ayay tidhi.
Faarax Xuseen, oo kormeere u ah barnaamijyada waxbarashada ee Wakaaladda Muslimiinta Afrika ee Soomaaliya, ayaa yidhi fashilka iskudaygii ugu horreeyay ee waxbarasho lacag la’aan ah lagu siinayay kumanaan caruur Soomaaliyeed ah oo halis ugu jira in ay nolosha ka dhacaan waxay niyad jab weyn ku tahay muwaadiniinta.
“Haddii aysan xukuumaddu tallaabooyin degdeg ah qaadin oo aysan la imaan qorshe cad oo lagu badbaadinayo Aada Dugsiyada, waxay khasaare u tahay qaranka,” ayuu yidhi.
“Carruurta wax la barayay ee aan horay u helin fursad ay wax ku bartaan waxay ku noqon doonaandarbi jiifnimo, koolo dhuuq iyo in ay hub qaataan oo ay maleeshiyo noqdaan,” ayuu yidhi.
‘Fadlan sii wada inaad wax dhigtaan’
Xasan Daa’uud, oo ah arday 13-jir ah oo dhigta Dugsiga Macallin Jaamac, ayaa sheegay in uu ka murugaysan yahay inuu guriga joogo oo uu sugi la’ yahay in uu iskuulka ku noqdo.
“Waxaan dhiganayay maaddooyin badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin xisaabta, Soomaaliga iyo Ingiriiska,” ayuu yidhi, isaga oo raaciyay in uu wax badan bartay ta niyo markuu iskuulka bilaabay sannadkan. “Waxaan dawladdeena uga mahad celinaynaa in ay na siisay waxbarasho lacag la’aan ah waxaanan macallimiinta ka codsanaynaa inay sii wadaan in ay wax dhigaan.”
Tan iyo markii ay shaqo joojintu bilaabatay, Makka Xaaji Cabdi, oo ah 45-jir, ayaa sheegtay in shanteeda carruur ah oo iyaguna dhigta Dugsiga Macallin Jaamac ay tagayeen iskuulkooda subax walba iyaga oo rajo ka qaba in ay macallimiinta ku qanciyaan in ay dib u bilaabaan duruusta.
“Waxaan u mahad celinaynaa dawladda; waxay sameeysay wixii ay awoodday laakiin lacag yar ayay haysataa maaddaama aan ka soo kabanayno [dagaal],” ayay sheegtay, iyada oo sheegtay in samir looga baahan yahay Soomaalida oo dhan.
“Waa in ay macallimiintu caawiyaan dadkooda iyo dalkooda [oo ay duruusta dib u bilaabaan],” ayay yidhi Cabdi, oo aysan carruurteedu waligood iskuul dhigan barnaamijkan dawladda ka hor sababta oo ah qoysku ma aysan awoodin lacagta iskuulka lagu dhigto.
Gobolka Gedo dadweynaha ku nool waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin waddaniyiin, aan jeclayn gobolaysiga iyo kala qaybsanaanta Soomaliya . Waxay kale oo caan ku noqdeen soo dhawayntadowlad kasta oo Soomaaliya loo dhiso.
Kolkii la caleemo saaro madaxwayne, guddoomiye baarlaman ama ra´isalwasaare waxay ku soo dhaweeyaan caleemo qoyan iyo xaflado.
Wuxuu nasiib u yeeshay dhibaato joogta ah sida dagaallo, abaaro, maamul xumo iyo kala qaybsanaan dadka degaannadaas ku nool. Wuxuu kale oo nasiib u yeeshay isagoo noqday halka ciidammada arxanka daran ee Kenya iyo Ethiopia dalka ka soo galaan .
Dowladda fedaralka(DF) ah waxa kaliya ee laga arkaa waxaa weeye in ay ciidamada Ethiopianka u oggolaato falalka naxariis darrada ah ee ay Gobolka ka geystaan .Runtii waa ciidan aan cidna ka amar qaadan, sidii ay rabaanna ugu adeegta maleeshiyooyinka ay degaannadaas ka qortaan.
Waxaa la wada ogyahay inaysan Gobolka Gedo ka jirin hal Iskuul oo ay DF taageerto ama Isbitaal qur ah oo degaannadaas ka shaqeeya . Barnaamijka Go to School ee madaxwayne Xasan Shekh ku faano iyo talaalkii shanta cudur midkoodna Gobolkaas ma gaarin,inkastoo ay jiraan gobollo badan oo la mid.
Dadka Gobolka Gedo imisa ayay sii wadi doonaan tageerada hagar la´aanta ah ee ay taageeraan DF? Goormayse DF garan doontaa qaybinta ama baahinta deeqda iyo dakhliga dalka soo gala ee lagu koobay gobollada qaarkood ?
Qore Eng. Hamze Ali Denmark Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online