Sidee Soomaalidu dhulka u daganeyd kahor Gumeystayaashii Reer Yurub?

 Waayadaan waxaa caadi iska noqday in laga Been sheego Taariikhda Umadda Soomaaliyeed, sidoo kalena aan laga xishoon beenta iyo jahawareerinta Jiilasha soo koroyo, taasoo mararka qaar aad isweydiineyso: kaalay Soomaalidu miyeysan ogeyn in beentu ka mid tahay Calaamadaha Munaafiqiinta.

Waxa aan daawaday ama aan dhageystay dhowr iyo Tobankii Sano ee la soo dhaafay Siyaasiyiin badan ka soo jeedo gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya oo meel walba la taagan waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay, iyagoo iska indho tirayo sida ay Soomaali u deganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub, waxa ayna ku waasheen Xaduud beenaadii uu sameyeyey Gumeystihii reer Yurub.

Markii ay dhacday Dowladdii dhexe waxaa looga dhawaaqay gobolada Waqooyi-galbeed ee Soomaaliya maamul loogu magacdaray Soomaaliland kaas oo la sheegay inuu ka go’ay Soomaaliya inteeda kale, waxa ayna Siyaasiyiintii horboodayey Maamulkaasi sheegeen in markii horeba ay Soomaliya ka koobneyd koonfur iyo Waqooyi sidaa daraadeena hadda go’aansadeen in ay ka go’aan Soomaaliya inteeda kale.

Hadaba si aan loo marin habaabinin Jiilasha soo koroyo iyo Soomaalida ku korto Qurbaha ayaa waxa aan go’aansaday bal inaan wax ka qoro sida ay Soomaalidu u daganeyd dhulka ka hor imaashadii Gumeystayaashii reer Yurub.

Sida aan ka wada warqabno dadka Soomaaliyeed waxa ay ahaayeen intooda badan dad Xoolodhaqato ah,kuwaas oo dhaqdo Sedexda nooc ee Xoolaha ee ay Maantaba dhaqdaan,Waxa ayna Xoolahooda u daaq geyn jireen meel alaale iyo meeshii uu roob ka da’o oo ka tirsan dhulka ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa Iyada oo aysan jirin wax soohdin ah oo kala celisa.

Sida ay sheegaan Taariikhyadanadu, Soomaalidu waxa ay ahaayeen dad sida Hal qoys oo kale ah, maadaama Diin, dhalasho iyo dhaqan ahaanba wadaagaan waana sababta keentay in aysan ilaa Maanta aqoonsan xaduud beenaadkii uu sameeyey Gumeystihii, halkaas oo dhulkii midka ahaa u qeybiyey ilaa Shan qeybood sida Koonfur, Waqooyi, Jabuuti Soomaali-galbeed iyo NDF

Sida aadba ka dhegeysan doontaa Video-yadan soo socda degaanada ay Soomaalidu ka degto Geeska Africa waxa ay ahaayeen mid inta aysan imaan Nimankii reer Yurub mana jirin wax soohdin ah oo u dhaxaysay dadka Soomaaliyeed,mana jirin wax la yiraahdo Koonfur iyo Waqooyi laakiin nasiibdaro markii la qabsaday ayaa waxa loo qeybiyey ilaa Shan qeybood.

Qeybsashadii Africa la qeybsaday waxa ay dhibaato xoogan u geysatay guud ahaan Qaaradda Africa gaar ahaan Shacabka Soomaaliyeed sababtoo ah waxaa dhulkoodi la siiyey dalalka Ethiopia iyo Kenya Iyada oo aan waxba laga weydiinin sida aadba ka dheysan doonaa Warbixinta soo socoto ee ay diyaarisay Idaacadda BBC-da.

Hadaba Su’aasha meesha taalaa waxaa weeye maxaysan Soomaalidu u aqoonsaneyn kala qeybintii lagu sameeyey dhulkeeda iyo waliba soohdintii loo sameeyey Konfur iyo Waqooyiga?

Jawaabtu waa iska caddahay maxaa yeelay kala goyntaasi ma’ahan mid ay raali ka ahaayeen dadka Soomaaliyeed tusaale ahaan haddii beerta aad leedahay uu Nin yimaado ka dibna uu beertii kala qeybiyo qeybna ku siiyo qeybtii kalena uu siiyo Ninkii dariskaaga ahaa ma yeeleysaa? Waa maya tan kale waxaa jirta tusaale ay isticmaalaan Culimada Islaamka kaas oo oronayo wixii baadhil lagu dhisaa Isagana waa baadhil.

Waxa aan codsanayaa in la dhegeyso Warbixinadan maqalka ah ee soo socda maxaa yeelay waxa ay xanbaarsan yihiin macluumaad muhiim ah oo ku saabsan Taariikhda Soomaalida.waxa diyaasisay BBC-da

Halkan ka dhageyso Qeybta 1aad

Halkan ka dhageyso Qeybta 2aad

Halkan ka dhageyso Qeybta 3aad

Sida aan soo sheegnay Soomaalidu inta uusan imaan Gumeystihii reer Yurub waxa ay ahayd mid mana jirin wax soohdin ah,Sidoo kalena ma jirin waxa Maanta loo yaqaano Koonfur, Waqooyin iyo Jabuuti sidaa daraadeed ma’ahan in Maalin kasta la taagnaadaa waxa aan ahayn Labo gobol oo isu tagay.waa in laga heshiiyaa wixii dhacay.

Hadaan wax ka iraahdo wixii loo geystay Walaalaheena reer Waqooyi runtii aad iyo aad baan uga xumahay waana Taariikh madow oo soo martay Shacabka Soomaaliyeed, waxa aana rajaynayaa in Maalin un laga abaalmarin doona kuwii geystay dhibkaasi inkasta oo qaar badan oo Iyaga ka mid ah dhinteen.

Waxa aan leeyahay Walaalayaalow yaan laga been sheegin Taariikhda Umadda,Sidoo kalena yaan la marin habaabinin Jiilasha soo koroyo, Ogaadana in aysan Soomaali kala go’i Karin wax kastaaba ha dhaceen.

Waxa aan soo jeedinayaa Talooyin dhowr ah:

  • Waa in la balaariyaa wada hadalada lala leeyahay Maamulka Soomaaliland lagana qeyb geliyaa Maamulada kale ee ka jira Wadanka sida Puntland iyo Khaatumo State.
  • Waa in ay Soomaalidu ku wada hadashaa gudaha Wadanka sida Magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Garawa, Muqdisho iyo Baydhabo-Janaay
  • Waa in dhinacyadu isu tanaasulaan lana saxa wixii khaldamay si looga baxo dhibaatada ka jirta Wadankeena.
  • Waa in laga fogaadaa markasta gacan ka hadal keeni karaa in uu daato dhiig Soomaaliyeed.
  • Waa in laga wada shaqeeyaa dhinacyada Waxbarashad, Caafimaadka iyo Ganacsiga xitta haddii aan heshiis buuxa la gaarin.
  • Waa in la isu gurmadaa marka ay yimaadaan Masiibooyin dabiici ah sida tii ka dhacday gobolka Barri.

W/Q: Cabdullaahi Ibraahim