Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo si aad ah u nacay dowladda Somalia, ayaa hadalkiisii ugu dambeeyey ee muuqda geba-gebadii waayihiisa siyaasadeed waxa uu ku muujiyey heerka uu gaaray naceybka uu hayo dowladda.
Faroole, ayaa munaasabaddii uu xilka ku wareejiyey, waxa uu hadal uu ka jeediyey ku sheegay inuusan marnaba ogolaan lahayn in cid ka socota dowladda Somalia ay kasoo qeyb gasho xafladda xil-wareejinta, balse sababta uu ku ogolaaday ay tahay in loo soo diray wasiir ay isku reer yihiin.
“Wasiirka ka socda Dowladda Federaalka, maba aynaan qaabileyn haddii aanu ahayn nin reer Puntland ah” ayuu yiri Faroole.
Halkan ka dhageyso Hadalka Faroole.
Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
[email protected]