XOG: Walaacyo siyaasadeed oo Kenya iyo Axmed Madoobe la soo darsay iyo qorshe ay dejiyeen oo ka dhacaya….

Kismaayo (Caasimada Online) – Ku biiritiaanka ciidamada Ethiopia ee Amisom, ayaa wallaacyo siyaasadeed oo xooggan ku abuuray Axmed Madoobe iyo ciidanka Kenya ee jooga Kismaayo, Caasimada Online ayaa ogaatay.

Xog ay heshay Caasimada Online, ayaa muujinaysa inuu jiro qorshe xooggan oo Amisom ay waddo, oo la doonayo in-isbeddel xooggan uu ka dhaco Kismaayo, oo ay iminka joogaan ciidamada Kenya iyo kuwa Sierra Leone.

Waxaa qorshaha ka mid ah in ciidamo kale oo dheeri ah, oo ka socda dalalka Uganda, Burundi iyo Ethiopia la geeyo Kismaayo, si loo yareeyo saameynta ciidamada Kenya.

Axmed Madoobe iyo Kenya, ayaa arrintan aad uga walaacsan, waxaana ay adeegsanayaan shacabka halkaasi dega, ayaga oo qorsheeyey dibad-baxyo waa weyn oo ka dhacaya magaalada.

Waxaa dibad-baxyadaas lagu dalban doono in ciidamo kale oo Amisom ah aan la keenin magaalada, waxaana lagu wadaa inay dhacaan maanta iyo maalmaha soo socda.

Itoobiya waxay xoogga saari doontaa in Ciidamada Kenya ee Jubbaland jooga ay qayb ka noqoto, middaas oo ay isha ku hayn doonto dhaq-dhaqaaqa Maamulkaas iyo xidhiidhka uu la yeelan doono Gobalka Ogaden, waana taas sababta ay ugu biirtay Amisom.

Qorshaha Amisom ay ciidamo dalal kale ka socda ay ku geeneyso Kismaayo, ayaa imanaya xilli waqti yar un ay ka hartay 6-dii bilood ee Dowladda Somalia iyo Maamulka Jubba ay ku heshiiyeen in gacan ku haynta dekedda Kismaayo lagu soo wareejiyo dowladda.

Kenya ayaa dhaqaale badan ka heshay dekedda Kismaayo, ayada oo adeegsaneysa maamulka ay dhisatay ee Jubba, waxaana jira cabsi ku saabsan in heshiiska ay ka baxaan kooxda Jubba.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com