Dhageyso: Xasan Sh oo xog ka bixiyey xaalka Xasan Daahir & xog sheegaysa..

Xasan Sheekh Maxamuud oo Wareysi siiyay Idaacada VOA, ayaa ka hadlay arrimaha Sheekh Xasan Daahir Aweys oo weli gacanta ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya muddo aad u fog, welina aan wax xal ah laga gaarin

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sheekh Xasan Daahir Aweys weli Dowladda ay arrimo uga dhiman yihiin oo baaritaan uu ku socdo marka uu dhamaado baaritaankaasina ay arintaasi cadaan doonto, waxaana uu sheegay in hada meel ammaan ah oo ay Dowladda maamusho uu ku sugan yahay.

Waxa uu caddeeyey marka baaritaaanka uu dhammaado in dowladda ay soo saari doonto faah-faahin buuxda oo ku saabsan arrinta Xasan Daahir Aweys.

Dhinaca kale warar kale, ayaa sheegaya in xaaladda Xasan Daahir Aweys ay caafimaad ahaan tahay mid wanaagsaneyn, uuna wadaadka lumiyey miisaan badan oo ka mid ah jirkiisa.

Halkan ka dhageyso Xasan Daahir

Maxamuud-Xasan-Sheekh

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Washington

Caasimada@live.com