KASHIFAAD: Colaadda Soomaaliya iyo caymisyada London (Xog xasaasi ah)

Afartan iyo afar kun ( 44,000) oo  qori ayay dawladda Ingiriisku sanadkii na dhaafay ugu daabushay Soomaaliya , sida ku cad qoraaladda dawladda hubkaas ayaa waxaa ka mid ahaa 30,000 ,oo  qoryaha daran dooriga u dhaca ah , 2,536 Birsooladood , kuwaas oo loo dhoofiyay Soomaaliya lana tuhun san yahay in loo gacan galiyay kooxo burcad ah ama diidan xasiloonida Soomaaliya sida ay qabaan qaar ka mid ah xildhibaanadii amuurtan dood kulul ka dhaliyay.

Guddiga la socodka dhoofinta hubka  kana tirsan Baarlamaanka ayaa dusha ka saaray Wasaaradda Ganacsiga (Vince Cable, Wasiirka Ganacsiga 1966 ilaa1968 wuxuu ahaa La taliyaha ganacsiga ee Kenya ). Wasaaraddaayaa ogolaatay dhoofinta Hubkan ,sidoo kale gudigu waxay shaki galiyeen siyaasadda dheeli tirka  dhoofinta hubka ee Boqortooyada Ingiriiska.

Agaasimaha Waaxda dhoofinta hubka  Edward Bell  ayaa yiri mar ay gudigu su’aalo waydiinayeen ‘’ waan dareemayaa war warka aad ka qabtaan hubka tiradaas leh ee loo dhoofiyay Soomaaliya , laakiin waxaan idiin hubaa inuu Hubkaas uu ku jiro gacan la hubo inay danaha Boqortooyada dhawrayaan’’.

Dugsiga Baarista Dhaqaalaha Jarmalka (DIW) ayaa wuxuu daabacay raadis ( Baaris) uu ku sameeyay cidda ay faa’iidada ugu jirto sii socoshada falalka Burcad Badeedda iyo xasilooni darrada Soomaalida waxaa ka mid ahaa qoraalkaas oo laga akhrisan karo Baalkooda www.diw.de  Sidan: ‘’ Dhowr  kooxood oo kala duwan ayaa faa’iido dhaqaale oo xoog leh ka hela dhaq-dhaqaaqa Burcadda waxaana ka mid ah ( Buracadda Soomaalida ,Dadka Deegaanka qaar ka mid ah , Maamulada ka dhacashay meelaha y falalka buracaddu ka dhacdaan ,Maraakiibta Dagaalka ee Caalamiga ah  , shirkada ammaanka ee gaarka loo leeyahay , iyo  Shirkadaha Caymiska  (insurance industry ) , oo ay intooda badan leeyihiin ama saamiga ugu ballaaran ku leeyihiin siyaasiyiinta reer Galbeedka  .

Qoraaga Patrick Henningsen  wuxuu qabaa in Xiriir cad uu ka dhexeeya  Ganasiyada ,Dawladda Ingiriiska iyo Bangiga Adduunka inay sii quusiyaan Soomaaliya  daymaha lagu leeyahay oo mar walba uu dalku ku tiirsanaado ‘’Gargaarka’’ ,  Sanduuqa Lacagta Adduunka ( IMF) iyo Bankiga Adduunka ( World Bank)   waxay mar walba shidaal ku sii shubaan Nadbad galya xumada, saboolnimada iyo gaajada ka jirta Soomaaliya iyo dalal badan oo ay doonayaan reer galbeedku inaysan ka hoos bixin gacantooda .

Ma ahan la yaab in dawladda Ingiriisku ay ugu deeqdo lacag dhan 2.2 Malyuun Xafiiska la dagaalanka Maandooriyaha iyo danbiyada ee  Qaramada Midoobay ( UN ) si  xabsi looga dhiso Puntland isla markaana  dib loogu habeeyo  Booliska maamulkaas , iyadoo ay Ingiriisku ka fakarayaan ilaalinta danaha ay ka leeyihiin Soomaaliya cid u ilaalisa oo daacad u ahaata haddii ay yimaadaan kuwa marka hore shacabka matala ee aan jeebka ugu jirin danaha shisheeyaha .

Bilowga sanadkii 20013  waxaa la sameeyay Ciidanka Badda ee Biritishka oo si gaar ah loo leeyahay 200 oo  sano kadib markii  1 aad  waxaana unkay koox ganacsato ah si ah uga hawl galaan biyaha Soomaaliya waxaa lagu sheegay in ay la dagaalamayaan burcad badeedda hassa ahaatee waxay salka ku hayeen Shirkad caymis oo uu leeyahay Lloyds ka London , Waxaa ka mid ahaa raggaas Madaxii hore ee Caymiska Ganacsiga ee  Bankiga HSBC  Mr Typhon ahna ninka iska leh  Anthony Sharp   shirkadda ammaanka ee gaarka loo leeyahay kana hawl gasha xeebaha Soomaaliya .

Lloyds Of London wuxuu bilaabay durbadiida Caymis badaha sidoo dulaaliinta Caymisyada  labaad ee dunida ugu ballaaran oo yiraahdo Willis Group Holdings plc  ayaa waxay sheegeen sida ku cad warbixin uu daabcay Forbes 2010 kii  ‘’ Haddii aad naga iibsato caymis buuxa waxaad ka bad baadaysaa inay ku bar tilmaameedsadaan Burcad Badeedda ‘’ hadalkaan iyo xariirka ka dhexeeya Ciidanka Badda Ingiriiska ee Gaarka loo leeyahay ayaa shaki wayn dhaliyay dhaliyay inuu jiro xariir ka dhexeeya weerarada Burcadda iyo Shirkadaha Caymiska .

Ma ahan sir qarsoon in Dawladda Igriisku aad u danaynayo waliba si xoog ah Dahabka Madaw ee ku moosan dhulka Soomaalida gaar ahaan kan hoos taga Itoobiya ( Somali Galbeed)  iyo  koofurta Soomaaliya  waxaa si gaar ah ugu loolamaya Boqortooyada Ingriiska iyo Talyaaniga oo haattan u muuqda in looga taag roonaaday baratanka dhaqaalaha hasa ahaattee waxay mar walba iyaguna maleegayaan qorshe kasta oo ay ku xagal daacin karaan wixii ay is leeyihiin Ingiriis ayay uga qabsoomi karaan dhulkaas hodanka ah ee ay dadkuusu gaajada iyo harraadka u naf beelayaan xiliga abaarta markuu roob yimaadana wixii ka haray daadka uu cagta mariya .

Wargayska  Financial times ee London kasoo baxa ayaa qoraal dheer ka qoray muranka ay soo kordhiyeen shirkadaha Shidaalka , Kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay wargayska Wasiirkii Tamarka ee Xukuumaddii Saacid ayaa yiri ‘’ Aniga iyo Madax wayne Xassan maalin walba waan kullanaa waxaana ka wada hadalnaa Shidaalka iyo shirkadaha danaynaya’’ baratankaan ayaa saliid ku kordhiyay muranka iyo kala fogaan shaha dalka u kala qaybsan kooxaha dantooda meeqaamka sare dhigay ee iska indha mariya mar walba shacabka ay sheegtaan inay matalaan .

Katrina Manson ayaa waxay qoraal ay FT.com ku daabacday ku sheegtay ‘’ Madaxda Soomaalida waxay door bidaan dantooda ayagoo murankooda uga faa’iideeya shirkadaha shisheeye eek ala caynka ah , waxay maalin walba si sahal ah u lumiyaan hanta qaranku leeyahay ayagoo eeganaya dan gaar ah iyo hadal afka baarkiisa ah oo dhagta loogu sheegay oo ay run moodeen markaas ayaa laga dhamaystaa wixii laga doonayay .

Dhinaca kale muranka ay Kenya galisay dhul biyeedka Soomaalida ayaa wuxuu soo kordhigay eray dublamaasiyadeed cusub ( Saddex Xagalka Wareerka ) durba waxay Kenya daabushay ciidan keeda waxay shab siisay Soomaaliya ayadoon markii hore ka mid ahayn AMISOM hasa ahaattee gadaalkii ayay ku guulaysatay inay ka mid noqoto waxayna taabteen Dakadda Kismaayo ayagoo dabada ka riixaya Hogaamiye dagaal ay dan gaara ka leeyihiin, Ujeedka Kenya ma ahan marna inay Soomaaliya ka dhisanto dawlad maamusha guud ahaan dalka ee waxay doonayaan inay muddo dheer ku hayaan siday haattan tahay ilaa laga gaaro heer ay ku murmi karaan Kismaayo gadaalkana ay dhulkaas bar qaadan karaan si ay u hubiyaan ceelasha shidaalka ee dhulkaas inay ka mid noqdaan Dhulka Kenya .

Ingriiska , Maraykan iyo Reer Yurub waxay sugayaan xiliga ugu habboon ee ay soo guran karaan khayraadka Soomaaliya inta ka horaysana waxaa jira dhabooyin badan oo ay lacag ku samayn karaan .

W/Q: Aadam Zaki

Aadan17@hotmail.com