Axmed Madoobe oo hab madaxweyne oo kale looga sagootiyay Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) Hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta loo sameeyay sagootin cajiib ah, isagoona loo maamusay qaab madaxweynanimo ah.

Waxaa sagootintiisa ka qayb galay madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenkiisa Puntland iyo dadweyne fara badan, waxaa loo garaacay astaanta calanka Soomaaliya, iyadoo la is garab suray calanka Puntland iyo calanka maamulka KMG ahee Juba.

IMG_48551

Axmed Madoobe inta uusan ka dhoofin Garoowe, ayuu u mahadceliyay madaxweynaha iyo shacabka reer Puntland sidda ay ugu soo dhaweeyeen Garoowe isaga iyo wafdi la socda.

Wuxuu ku amaanay Puntland in ay tusaale u tahay horrumarka ka jirra maamulada ka jira dalka.

Intaas kaddib, madaxweynaha cusub ayaa isna sheegay in ay ku faraxsan yihiin wafdiga ka socda maamulka Jubba, isagoonta intaas ku daray in markooda booqasho ku iman doonaan magaalada Kismayo ee xarunta gobalka Jubbada Hoose.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com