30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 6, 2026

Dibad-bixii ugu ballaarnaa oo maanta ka dhacay Muqdisho iyo Afgooye

Muqdisho (Caasimada Online) Darwalada iyo Milkiilayaasha gaadidka dadweynaha ee ka shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta oo Sabti dibad bax ballaaran ka dhigay Isgoyska Ex-Control ee Afgooye.

Dibadbax ayey uga cabanayeen isbaarooyin la soo buux dhaafiyay wadadda xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye, iyagoona shaaciyay in ay ku dhaqaaqeen shaqo-joojin ilaa inta madaxda dowladda ay wax ka qabaneyso ragga ku la bisan dharka ciidamada ee dhaca u geesta dadka la socda gaadidka halkaas adeegsada.

Qaar ka mid ah darwalada oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in wadadda xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye ay taallo 15-isbaaro taasoo lacago baad looga qaado isla markaana dhibaatooyin ay u geestaan rag xiran dharka ciidamada.

“Waxaan maanta ku dhaqaaqnay shaqo joojin guud, waayo isbaarooyin fara badan ayaa la soo dhigay wadadda xiriirsa Muqdisho iyo Afgooye, rag ku labisan dharka ciidamada ayaa tacadiyo noo geesta” ayuu yiri darawal sheegay in dhowr jeer la jirdilay.

Wixii daruuriyaad ah oo Muqdisho uga imaanayay Afgooye waa ay joogsadeen, sidoo kale dadkii ka imaanayay Afgooye iyo deegannada ku sugan maanta ma aysan imaan caasimada.

Waxaa kaloo ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay ka mid yihiin “Ma dooneyno darawal dille iyo Kirishbooy dile”

Waa dibad bixii ugu ballaarnaa oo ay sameeyaan darawalada iyo milkiilayaasha gaadidka ee ka dhex shaqeeya inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo maanta oo wax gaadid ah aysan adeegsan halkaas.

Ilaa hadda ma jirto cid ka dashay dibadbaxa ay maanta sameeyeen darawalada iyo mulkiilayaasha  gaadidka ka dhex shaqeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Baabuur la’aan ka jirta inta Afgooye & magaalada Muqdisho u dhexeysa

Muqdisho (Caasimada Online) Waxaa gabi ahaan maanta oo Sabti ahaan  shaqeyneenin gaadidka dadweyne ee adeegsada inta u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye, kaddib shaqo joojin ay ku dhaqaaqeyn darwalada gaadidleyda.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii ay ku soo bateen wadaddaas kooxo burcad ah ay oo dhac u geesta rakaabka la socda gaadidka isla markaana lacago baad ah ka qaata darwalada wada gaadidka dadweynaha.

Guddoomiyaha guddiga gaadiidleyda gobolka Banaadir, Daahir Maxamuud Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shaqo joojinta ay ku dhawaaqeen gaadidlayda ay la xiriirto isbaarooyinka yaalla wadaddaas.

Wuxuu dowladda iyo saraakiisha ciidamada ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arrintaas haddii kale gabi ahaan ay joojin doonaan gaadidka u safra degmada Afgooye.

Wadadda u dhexeysa Afgooye iyo Muqdisho ayaa ah mid muhiim ah,waxaa adeegsada gaadidka khudaarta iyo caanaha keenay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono kooxaha isbaarooyinka ay u yaallaan goballada dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

VIDEO: Maxaa ka cusub MUQDISHO?

0

Magaalo Madaxda Muqdisho oo Sanadkaan 2014 noqotay Magaalo isbadalkeedu uu nuucyo badan ka kooban yahay oo dhanka horumarka iyo soo celinta bilicda Magaalada si aad ah dib loogu soo celinayo.

Isma lihid Muqdisho ayaa sidaan ah kadib sanado dagaal iyo burbur xoogan uu ka jiray magaalada Muqdisho balse Sanadkaan 2014 waa sanadkii dib u dhiska iyo horumarka ee nala daawo Muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

 

Digniin loo diray burcad dadka dhibay

Afgooye (Caasimada Online) Maamulka Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose ayaa digniin culus u diray kooxaha burcadka ee jidgooyooyinka ay u yaallaaan degmada.

Mahadi Xasan oo ah guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka maamulka Afgooye ayaa wariyaasha u sheegay in cid kasta oo la arko iyagoona dhinaga jidgooyo in goobta lagu toogan doono sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu sheegay oo kale inta in degmada laga saaray ciidamda hubeysan ee dadka dhaca, isagoonta intaas ku daray in ciidamo nabad sugid iyo boolis.

“Xaallada ammaanka magaalada Afgooye waa mid wanaagsan, in kastoo ay jiraan kooxo burcad ah oo gaadidka dad weynaha, kuwaasna goobta lagu arko ayaa lagu toogan doonaa” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka degmada Afgooye.

Ugu dambeyn waxa uu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hey’addaha ammaanka si loo adkeeyo ammaanka degmada Afgooye.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Cabdi Weli Gaas oo la caleemo saaray

Garoowe (Caasimada Online) Waxaa goordhow soo dhammaaday qaybtii koowaad ee xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Xafladda oo ka dhacday xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, waxaa ka qaybgalay wafuud caalami ah oo ka kala socoda Qaramada Midoobay, Maraykanka, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD, wakiilo ka socday waddamada Turkiga, Qadar, Kuwait, Norwey, sidoo kale waxaa xafladda ku sugnaa wafdi ka socda dowladda dhexe iyo madax ka soocota maamulada ka dhisan dalka sidda, Galmudug, Ximin & Xeeb, Jubba iyo marti sharaf kale.

Mas’uuliyiinta goobta xafladda ka hadlay, waxaa ka mid ahaa wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nichalas Key.

Wuxuu aad u amaanay qaabkii ay u dhacday doorashadii madaxweynaha ee ka dhacday Garoowe 8-dii bishan, wuxuu kaloo amaanay qaabka uu xilka u rajeeyay madaxweyne Faroole.

Danjire Key ayaa ballan qaaday in Qaramada Midoobay ay sii joogteen doonto taageerada ay siineyso maamulka Puntand.

IMG_0010Cabdiraxmaan Faroole muxuu sheegay?

Waxaa hadalka la wareegay madaxweynihii horre ee Puntland, Cabdiraxmaan Faroole, wuxuu ugu horreyn soo qaatay waxyaabaha uu qabtay maamulkiisa inta uu xilka hayay muddadii shanto ee la soo dhaafay, isagoo soo bandhigay mashaariic ay ka hirgaliyeen magaalada Garoowe iyo kuwa u harsanaa.

Mar uu ka hadlay khilaafla dowladda dhexe iyo maamulka Puntland, wuxu tilmaamay in wax khilaaf ah aysan jirin balse kaliye la isku qabsaday siddii loo wada ilaalin lahaa dastuurka, wuxuuna ku celceliyay midnimada Soomaaliya in ay lama huraan tahay.

Ugu dambeyn wuxuu la dardaarmay ciidamada ammaanka iyo shacabka reer Puntland, isagoona tilmaamay in la shaqeeyaan maamulka cusub ee xafiiska la wareegay.

Muxuu Cadde Muuse sheegay? 

Waxaa kaloo goobta ka hadlay Gen Maxamed Xirsi Cadde Muuse oo ahaa madaxweynihii ka horreeyay Faroole, wuxuu aad u amaanay maamulkii horre ee uu hoggaaminaayay Faroole, wuxuu maamulka cusub kula dardaarmay siddii loo fulin lahaa wax yaabaha horrumarka ee uu sameeyay maamulkii horre oo ay ka mid tahay shidaal baarista laga waday deegannada Puntland.

Waxaa kaloo Gen: Cadde Muuse dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso faragallinta ay ku sameeneyso arrimaha Puntland iyo in mashaariicda deegannada Puntland loogu talagalay la keeno.

Nuxurka Khudbada madaxweynaha cusubCabdiweli Gaas

Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ugu horreyn u mahad celiyay dhammaan wafuud caalamiga ee ka soo qaybgalay xafladda isagoona kula hadlay luuqda Ingiiiska.

Mar uu ka hadlay wax yaabaha uu qaban doono maamulkiisa shanta sanno ee soo socota, in uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, xoojinta xiriirka ka dhexeeya maamulkiisa iyo dowladda dhexe  iyo in uu abuuro mashaariic ay ka faa’ideestaan dadka reer Puntland.

Intaas ayaa lagu soo gabagabeeyay qaybtii koowaad ee xafladda caleema saarka madaxweynaha cuusb ee Puntland, waxaana caawa la filayaa in ay xaflad kale oo weyn ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Garoowe.

Intii xafladda socotay waxaa dadka maadadaalinaayay fannaaniin waaweyn oo uu ku jirro Cali Dhaanto oo ka yimid magaalada Jigjigo ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida Ethiopia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

DHAGEYSO: Beesha Hawiye oo shaaca ka qaaday laba maamul goboleed

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, waxaa ka dhacay kullan taariikhi ah, oo ay isugu yimaadeen wax-garad kasoo jeeda beelaha Hawiye, oo qaatay go’aan taariikhi ah.

Kullanka oo ay ka qeyb galeen ku dhowaad 400 oo qof, ayaa waxaa lagu go’aamiyey in beelaha Hawiye ay sameysteen maamul goboleedyo laga sameynayo deegaanada ay ku badan yihiin Hawiyaha.

Waxaa kullanka lagaga dhowaaqay guddi ka kooban 11 qof, oo howshan soo agaasima.

Maamul goboleedyada ay dhisanayaan Hawiyaha, ayaa waxa ay kasoo billaaban doonaaan Gaalkacyo, waxaana ay ku ekaan doonaan magaalada Marka, waxaana loo qeybin doonaa laba maamul goboleed.

Haddaba dadkii ka qeyb galay kullanka, ayaa faah-faahiyey qaabka gobollada loogu qeybin doono maamul goboleedyada.

Halkan ka dhageysto.

hawiye

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

Daawo Video: Gabar ka timid qurbaha oo MUQDISHO horumar ku biirineysa

0

Magaalada Caasimadda ah Muqdisho oo si xoogan uu uga soconaya Horumarka dib u dhiska iyo soo celinta Bilicda Magaalada ayaa waxaa si xowli ah ugu so noqonaya Qurba Joogta Soomaaliyeed ayagoo qeyb ka noqonaya horumarka Magaalada.

Mid ka mid Gabdhaha Qurba Joogta Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka sameeysay arin aan horay looga baran dumarka Soomaaliyeed taa oo Shacabka Muqdisho la yaab ku noqotay ee nala daawo oo ku dayo gabadhani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxay Dr. C/raxman Baadiyow iyo Cali Max’ed Geedi ka dooneen Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaa maalintii labaad ku sugan siyaasiyiin iyo diplomaasiyiin caalami ah, kuwaasoo ka qaybgalaya caleema saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas).

Siyaasiyiinta magaalada gaartay waxaa ka mid ah, ra’iisal wasaarihii horre Cali Maxamed Geedi iyo Dr. Cabdiraxmaan Macalin Baadiyow oo horrey isku soo taagay xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labadan siyaasi ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, waxaana soo dhaweentooda ka qayb qaatay madax fara badan.

Sidoo kale, magaalada waxaa ku sugan Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha KMG ah ee Juba.

Waxaa kaloo magaalada ku sugan wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya, Nichalas Key, wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Maxamed Saalax Annadif iyo wakiilka IGAD ee Somalia Danjire Maxamed Cabdi Afeey.

Waa wafuudii ugu sareesay ee magaalada gaarta muddo 15-sanno laga joogo xilligaas oo la unkay maamulka Puntland.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo farta badan sidda uu ku soo warramay wariyaha Caasimada Online ee Garoowe.

Xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, ayaa waxaa iminka ka socota qaban qaabada xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, Dr, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Haddaba Shabakadda caasimada Online, waxa ay idiin ballan qaadeysaa in ay idiin soo gudbin doonto dhammaan qudbadaha iyo wax yaabaha ka socoda magaalada Garoowe maanta oo Jimco ah in shaa allah.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

Dhagayso: Ethiopia, QM, DF iyo Jubba oo ka hadlay arrinta Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Todobaadkaan waxaa ka dhacay Munaasabad ballaaran oo lagu caleema saarayay madaxda sare ee Jubba, waxaana kasoo qayb galay xubno ka socday beesha Caalamka, Qaramada Midoobey, iyo Dowladda Soomaaliya kuwaasoo mudadii ay kismaayo ku sugnaayeen Kulamo kala duwan la qaatay Hogaanka maamulka KMG ah.

Arimaha ay ka wada hadleen dhinacyadaasi Kismaayo iskugu tagay ayaa waxaa kamid ahaa dhamaystirka Heshiiyadii lagu gaaray magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho kuwaasoo ay ku kala saxiixdeen qodobo dhowr ah dhinacyadii Khilaafaadka Jubbooyinka oo garwadeena ka ahaayeen dowladda Soomaaliya iyo Ethiopia.

Siyaasiga Cabdi Barre oo kamid ahaa Xildhibaanadii hore ee baarlamankii KMG ahaa imikana ku sugan degmada Kismaayo, ayaaa sheegay arinta Ciidanka Col Barre Hiiraale ee ku sugan duleedka Kismaayo isla soo qaaday isla markaana laga dooday qaabka ugu haboon ee si wadajir ah Ciidamadaasi loogu soo xarayn karo.

Wuxuu sheegay Cabdi Barre in la sameeyay gudi ka kooban Afar dhinac oo iskugu Jira, Jubba, Dowladda Soomaaliya, Qaramada Midoobay, AMISOM, iyo Ethiopia kuwaasoo loo xil saaray arimaha soo xaraynta Ciidamadda.

Dhanka kale wuxuu ka hadlay arimo ku saabsan xaaladaha Jubbooyinka iyo wasiirada cusub ee dhawaan la ansixiyay ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Dhinacyadii horay heshiiska Muqdisho ugala gaaray Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa dhawaan ka dalbaday dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay in la dhaqan galiyo heshiisyadii lagu gaaray Addis Ababa iyo Muqdisho dhammaadkii sanadkii tagay ee 2013.

Hakan ka dhageyso wareysiga

cabdi barre

Isha: Kismaayo24.net

Baarlamaanka Soomaaliya iyo kaashka madaxtooyada (Imisa ayaa ku baxday 7-dii fadhi ee ugu muhiimsanaa BFS?)

Sida caadada u ah Baarlamaanada caalamka oo dhan waa iney ka tarjumaan rabitaanka dadka sidii la doonaba ha ku yimaadeene. Baarlamaankeena Somalia waxaa uu soo maray maraaxil, mar waxay nooga yimaadeen xerada eldorate-ee Kenya, mar kalane waxaa lagu soo laba jibaaray Jabuuti, intuba waan aragnay seey ahaayeen .

Baarlamaanka maanta.

Dhamaadkii 2012 waxaa Muqdisho lagu dhisay Baarlamaan la yiri waa mid rasmiya waxaana mar labaad soo galay kuwii hore, laakiin waxaa Kale oo soo galay xubno macquul ah haba u badnaadeen Soomaali qaxooti joog ah oo qurbaha ku soo lacag beeshay, kadib markii wadamada reer galbeedku miisaaniyadoodii is dhimtay .

Waxaa kaloo Baarlamaanka soo galay ganacsato iyo masuuliyiin magaalada wax ka ah oo ay dhibtay eryashada PS ta dawlada, waxayna hoos galeen Baarlamaanka si aan loogu soo dhicin.

Danta shacabka iyo Baarlamaanka.

Baarlamaanka Somalia intooda badan uma muuqato danta shacabka. Shacabka waxayna ka door bidaan tooda gaarka ah. Tusaale Baarlamaanda dunida waxay dhagaystaan guuxa shacabka kadibna waxay u bedelaan cod golaha shacabka, lakiin Baarlamaan keena guuxeena ma maqlo laakiin wuxuu maqlaa shanqarta $dollar-ka$ .

Waa sidee Xildhibaanada BF

Dadku isku ma wada jiraan. Waxaa Baarlamaanka ku jira waa dad fiican iyo isbaarooley iyo laaluush ku nool.
100 iyo dhowr iyo 30 waa Xildhibaanadii hore ee ku shubo lacag ah.

50 Xildhibaan ku dhawaad waa ganacsato iwm.

100 xidhibaan ku dhawaad waa qaxooti joog qurbaha ka soo hayaamay.

Qiyaastaas hadaan raacno waxaa kuu soo baxaysa 25 Xildhibaan wax ka yar in la oran karo waa dad madaxbanaan.

Lakiin waa su’aale far kaliya fool ma dhaqdaa? Waa maye ku darso xisaabta in ku dhawaad 60 Xildhibaan oo u badan qaxooti joog iyo ganacsato aysan soo xaadirin fadhiyada Baarlamaanka ee xasaadiga, halka kooxda isbaarooley ay xaadir ku yihiin golaha shacabka .

Waa su’aale yaa wax diida marka waxaa wax diida waa in yar oo Qaxooti jooga iyo ganacsatada inta ka joogta ah iyo qayb ka tirsan kooxdii isbaarooley oo markaa wax quursatay.

Laaluushka Villa Somalia.

Waxaa laaluushka madaxtooyada ka soo dalaalo xubno ka tirsan Baarlamaanka ku waas oo u dhexeeys Madaxweynaha iyo Xildhibaanada. Waxaa jira Xildhibaano tiro dhaaf ah oo ku xisaabtamo mooshinada BF kuwaas oo lacag macquula ka sameeyay doorashadii ilaa iyo hadda oo ah muddo sanad ah.

Fadhiyadii BF (2012-2014). Kuwa xasaasiga ama kuwa lagu helo cash($)

-Doorashadii Madaxweynaha
-Ansixintii Saacid
-Ansixintii Golahii Wasiirada Saacid
-Mooshinkii Saacid lagu riday
-Ansixitii C/Weli
-Mooshinkii wasiirada xukuumadii hore
-Ansixintii Xukuumadii C/Weli

7 fadhi oo ca$h ah, kiiba waxaa lagu qiyaasaa codkiiba 10,000$ iyo kabadan lakiin kaba soo qaad 5,000$.

5,000$ × 7 = 35,000$ waa meesha ugu hooseyso markaan ka soo qaadno, sanad iyo bilo = 35,000$ ninka iska diidaayo waa ruux wadaniyad iyo alle ka cabsi leh.

Madaxweyne iyo laaluush bixin.

Madaxweyne waxaa loo doortaa inuu la yimaado qorshe horumarineed si loo gaaro baraaro iyo barwaaqo loogana nasto dhibta sharciga islaamkana waxaa ku cad in imaamka ama madaxweynaha uu yahay fuliyaha sharciga kana shaqeeyo maslaxada bulshada kana qabto fidnada iyo isdaba mareynta.

Laaluushku wuxuu ka mid yahay waxyaabaha nebigeenu NNK uu lacnaday bixiyaha iyo qaatahaba. Sidee ku dhacdaa inuu Madaxweyne bixiyo laaluush? Haduusan bixin muxuu ula kulmaa Xildhibaanada beel beel ayagoo ah xiliga mooshinka.

Laaluushku iyo koboca dalka.

laaluushku wuxuu cunuha jaraa horumarka dalka. Tusaale 35,000$ haduu qaatay hal Xildhibaan muddo sanad ah ku dhifo ugu yaraan 100 Xildhibaan 35,000$ × 100 = 3,500,000$ ka warama!!. lacagtaas waxaa lagu furi karaa 20 school iyo 10 isbitaal iyo 17 km oo wado laami ah Iyo howlo kale. Lacgtuna intaas aad ayey uga badan tahay qiyaastan waa mid aad uga yar laaluushka ka socda dalka.

W/Q: Cabdirashid Abdullahi

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriirna ahna lama lahan tan Caasimada Online

Innaga & Adduunka (Isku eeg Somalia iyo 7-dan dal, adigaa yaabi doonee!)

Reerkoodu waxey leeyihiin 500 oo geel ah, asaguna carab ayuu 5 geel ah u raacaa! 

Nin Somali ah oo reerkoodu leeyihiin 500 oo geel ah ayaa ushaqeeya nin Saudi ah oo leh 5 geel ah. 5-taas geela ah ayuu u raacaa. Somalia dhaqaale weyn oo la horumarin karo ayey leedahey haddii nabad iyo daacadnimo loo helo. Haddii kale, Somalidu waxey ku danbeyneysaa iney u shaqeeyaan umado kale oo ay ka dhaqaale fiican yihiin.

Maanta Somalidu waxey ka shaqeysataa South Africa, Mozambique, Angola, Kenya, Uganda, Zambia iyo dalal kale oo badan oo aad u liita sida South Sudan.

Usbuucii hore waxaan ka qeyb galey shir ka dhacey ISTANBUL, Turkey oo lagu dhisayey shirkad dhaqaale galineysaa dalka QUBRUS (Cyprus) dhanka Turkiga raacsan. Shirarka noocaan oo kale ah waxaa isugu yimaada dad dhaqaale xoog leh heysta oo raadinaya fursado iyo dalal ay dhaqaale gashadaan. Mar walbana waxaa la iweydiiyaa “Somalia dhaqaale mala gashan karaa?”.
Waxaan la yaabaa barwaaqada ay Somalia heysato iyo sida ay gaajada u tahey. Haddaan tusaale ka bixiyo:
1) Turkish Republic of Northern Cyprus (waa Cyprus qeybta dadka Turkeyga ah degen yihiin):

– Tirada dadkoodu waa 300,000 oo qof (saddex boqol oo kun oo qof oo kaliya)
– Dhulkoodu waa 3,355 Kilometer oo square ah
– GNP per Capita US$15,000 (Shan iyo toban kun oo dollar) – waa marka dadka oo dhan loo qeybsho dhaqaalaha dalka soo gala.
– Waxaa ku taal 8 jaamicadood oo caalami ah; waxaana dhigta 55,000 oo ardey oo 90% ay AJNABI yihiin.

Dadka ku nool Cyprus dhanka Turkiga raacsan oo dhan wey ka yaryihiin hal magaalo oo Somalia ah, Sida Xamar, Hargeysa, Bosaso, Kismayo,Galkayo, Burco, Baidhoba iyo magaalooyin kale oo badan. Yacni halmagaalo oo Somalia ah ayaa ka dad badan Cyprus oo dhan.

Shirkaas waxey ka heleen dhaqaale aad u badan oo wax weyn ay uga qaban karaan horumarinta dalkooda iyo dadkooda, khaas ahaan dhanka waxbarashada, Tourismka iyo beeraha. Waxey ahaayeen dad daacadnimo ka muuqato oo dalkooda iyo dadkooda horumar u raadinayey, weyna ku guuleysteen.

2) Uganda: Sida la og-yahey Uganda bad ma leh. Waxeyse leedahey hal haro weyn (lake victoria). Kalluunka laga dhoofsho haradaas halkii sano wuxuu kor u dhaafey US$136 million.

Somalia oo leh xeeb dheer oo Indian ocean iyo Red Sea ka kooban, maxey dhoofisaa??? Maxeyse awood u leedahey iney dhoofiso. Waxaa hubaal ah hadii kalluunka kaliya si fiican ooga shaqeeyo inuu wax weyn ka bedeli karo dhaqalaha Somalia oo dhan. Sidee arrintaan wax looga qaban karaa?

Waxaa sidaas la mid ah BEERAHA. Inteysan burburin dawladii Somalia 1991, Somalia waxaa ku taaley beerta adduunka ugu weyn ee MOOSKA lagu beero. Qof kasta oo ajnabi ah oo aan la kulmo, su’aasha ugu horeysa oo uu iweydiiyo waa mooskii Somalia ka waran????

1996-dii ariga soo galey Saudi Arabia 50% wuxuu ka yimid Somalia; geela wuxuu ahaa 90%. Maantana wax yar oo aan micne laheyn ayaa soo gala! Beeyada waa dhaqaale kale oo muhiim ah waayo waxey gashaa daawada, perfumeska iyo xalwiyaatka oo dhamaan aad iyo aad loogu baahan yahey.

3) VIETNAM: Vietnam waxaa ka dhacey dagaalkii ugu xumaa ee taariikhda adduunka. Maanta Vietnam waxey ka mid tahey dawladaha ugu dhaqaalaha fiican adduunka uguna horumarka dheereeya khaas ahaan xaga wax-soo-saarka.Xawliga ay ku socoto Vietnam waa mid baqdin galiyey dawladaha waaweyn sida China, waayo Vietnam waxey soo saartaa alaab quality aad u fiican oo haddana aad raqiis u ah. Vietnam waxey isku rogtey goob dhaqaalaha adduunka heer sare kaga jirta halka ay dhawaan ka aheyd goob dagaalka adduunka ugu khasaaraha badan ka dhacey

4) Angola: Dagaal sokeeyey oo ka xun kan Somalia ayaa ka dhacey Angola. Maanta Angola waxey leedahey dhaqaalaha adduunka ugu koriinka badan. Maxey tahey sababtu: Markey muddo dagaal sokeeye ku jireen ayaa waxaa usoo baxdey iney nabadda iyo wada noolaanshaha ku gaari karaan horumar.

5) Congo Kinshaha: Congo waa dalalka adduunka ugu kheyraadka badan laakiin dagaala sokeeye ayaa ka dhammaan waayey. Sidaas darteedna waxey noqotey meel GAAJADA iyo FAQRIGA tusaale looga soo qaato. Walina dagaalkii sokeeye waa ka socdaa…

6) Libya vs Tunis: Libya oo ka mid dalalka Petrolka leh, geyskana ku heysa Europe oo la rabey iney noqoto dawladaha adduunka ugu horeeya dhan kasta, waxaa aad iyo aad uga horeeya Tunis oo aan wax dhaqaale ah laheyn.

7) Algeria vs Morocco: Algeria waxey dhoofisaa petrol badan iyo macaadin. Waa dal barwaaqo ah xagga beeraha, roobka iyo badaba. Morocco oo aan intaas oo dhan aan laheyn ayaa ka horumar fiican.

Waxaas oo dhan waxey kuu tilmaamayaan hal arrin ah: Haddii madaxda dalku daacad tahey oo ay ka shaqeyneyso horumarka dalkooda, waxey heli karaan fursado badan oo dalka iyo dadka lagu horumarin karo. Hadiise aysan madaxdu daacad aheyn, dib ayaa loo noqon oo horumar lama helayo.

Somalia waxey leedahey beero, kalluun, xoolo, beeyo, petrol iyo nicmooyin kale oo ILAAHEY ku manneystey. Sidee looga faa’ideysan karaa nicmadas ILAAHEY na siiyey???

W/Q: Axmed Biixi
[email protected]

Geesiyaashii 77 oo ayaandaro iyo ciil ku qeexay in Ethiopia ku biirto Amisom

Muqdisho (Caasimada Online) Ciidamada Naafada Xoogga dalka Soomaaliya ka hadlay sidda ay u arkaan ciidamada Ethiopia in loo sharciyeeyo in ay ka mid noqdaan howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Afhayeenka ciidamada naafada xoogga, Cabdi Mahad Cali oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ayaan daro ay tahay ciidamada Ethiopia oo la ogyahay cadaawada kala dhexeesa Soomaalida in loo sharciyeeyo in ay soo galaan dalka Soomaaliya.

Wuxuu ku tilmaamay in arrintaas ay sharraf iyo taarikh ay u noqon doonto dowladda Ethiopia maadama ciidankeeda siddii ay rabaan ugu socon karaan gayiga Soomaaliya.

Afhayeenka ayaa sidoo kale tilmaamay in dhaqaale badan ay ku heli doonto Ethiopia howgalka AMISOM maadama ciidamo ay joogaan dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyn Cabdi Mahad Cali ayaa carabka ku adkeeyay in maalin madow ay u tahay ciidanka naafada xoogga Soomaaliyeed oo ku curyaamay dagaalkii ay la galeen dowladda Ethiopia sannadkii 1977-dii.

Ciidamada Ethiopia ayaa labo maalin ka hor waxaa si rasmi ah loo shaaciyay in ay ug amid noqdeen howgalka Midowga Afrika ee AMISOM kaasoo taageero ka helaya Qaramada Midoobay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Munaasabadda Caleema saarka Cabdi Weli Gaas oo Garoowe ka billaabatay

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, waxaa ka billaabatay xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Magaalada waxaa ku sugan wafuud caalami ah, iyo wakiilo ka socda maamul gobaleedyada ka dhisan dalka sidoo kale waxaa la filayaa in magaalada ay gaaraan wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, waxaana hoggaaminaya guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari.

Xafladda waxaa ka qeybgalaya wakiillo ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, madax ka socota dalalka Jabuuti iyo Itoobiya, maamul-goboleedyada Soomaaliya, ururada bulshada  iyo marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa ay wararka sheegayaan in wafdiga dowladda dhexe uu ka mid yahay ra’iisal wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo xubno ka mid ah wasiiradiisa cusub, balse wararkaas ilaa hadda ma cadda.

Dhinaca kale, waxaa xarunta PPRC ee Garoowe hadda kulan ku leh madaxweynayaashii horre ee Puntland iyo madaxweynaha cusub, waxaana looga hadlayaa kulanka siddii xiriirka Puntland loo xoojin lahaa labada dhinac.

Xafladda waxaa lagu wadaa inay socoto ilaa caawa.

Faah-Faahin kala soco Caasimada Online

Maxaa ka jirra dad Soomaali ah in lagu xiray waddanka Malaawi?

Lilongwe (Caasimada Online) Guddoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee dalka Malaawi ayaa beeniyay in qoxooti Soomaali ah lagu xiray magaalada Kasungu oo 100 kilomitir u jirta magaalada caasimadda ah ee Lilongwe.

Isagoo la hadlaayay BBC-da ayuu sheegay in dadka la qabtay ay yihiin Ethiopian kuwaasoo sita baasaboorka Soomaalida.

“Ma jirto Soomaali lagu xiray dalka Malaawi, waxaana ugu dambeesay bishii lixaad sannadkii 2006-dii wixii xilligaas ka dambeeyay ma jirin Soomaali lagu xiray dalkan” ayuu yiri Cabduqaadir Maxamuud Suleeymaan.

Mar la weydiiyay in Soomaali qoxooti ah ay ku nool yihiin dalkaas, wuxuu tilmaamay in ay jiraan Soomaali badan oo ku nool dalkaas kuwaasoo qoxooti ahaan ugu nool xeryo.

Si kastaba, hadalka guddoomiyaha jaaliyada Soomaaalida, ayaa yimid kaddib markii Afhayeen u hadlay booliska oo lagu magacaabo Edwin Kaunda, uu shegeay 91 qof oo Soomaali tahriibayaal ah in lagu qabtay magaalo ku dhow xadka.

Wuxuu kaloo sheegay afhayeenka in dadkaasi ay da’dooda u dhaxeyso 18 ilaa 19 laguna qabtay keynta Lisasadzi iyaga oo nasiino ku jiray.

Inta badan Soomaalida lagu qabto dalka Malaawi ayaa u socda waddanka Koonfur Afrika, halkaasoo ay ka raadsadaan nolal dhaanta tii ay ka soo tageen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

[email protected]

Video: Horumarka uu Sameeyay garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Garoonka weyn ee Aadan Adde Airport ee ku yaalo Bartamaha magaalo madaxda Muqdisho ayaa waxaa lagu soo kordhiyay horumar dhan walba ah ee maku ogeyd sidaan.

Aqristoow hadii aad aragto waxaa hubaal ah in aad qiiroon doonto oo aad la ilmeyn doonto sida uu noqday Garoonka aadan Adde oo dib u dhis xoogan lagu wado ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO:

 

Maxaad kala socotaa sababta Jawaari uu u tagayo magaalada Garoowe?

Garoowe (Caasimada Online) Shabakadda Caasimada Online, ayaa ogaatay in caleema saarka madaxweynaha cusub ee Puntland oo maalinta berri ka dhaceysa magaalada Garoowe in ay ka qaybali doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wafdigan oo ka amabixi doona magaalada Muqdisho ayaa waxaa hoggaaminaya guddoomiyaha golaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari, waxaa kaloo ku wehliya xubno ka socda labada Golle ee dowladda.

Waxaa kaloo wararka ay lee yihiin waxaa maalinta berri ah kulan gaar ah ku yeelan doona xarunta PPRC ee magaalada Garoowe, madaxweynayaashii horre ee Puntland sidda Gen Cadde Muuse , Cabdiraxmaan Faroole, madaxweynaha cusub, guddoomiyaha baarlamaanka Puntland, wafdi ka socda dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Ma cadda wax yaabaha looga hadli doono kulankaas, balse waxaa loo badinayaa in ay la xiriirto siddii dib loogu soo celin lahaa xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka Puntland oo xumaa waayihii ugu dambeeyay.

Magaalada waxaa gaaray maanta oo Khamiis ah wafuud caalami ah iyo hoggaamiyaal ka socda maamulada ka dhisan dalka.

Habeen dambe ayaa la filayaa in xaflad weyn ay ka dhacdo xarunta madaxtooyada Garoowe, waxaana halkaas lagu caleema saari doonaa madaxweynaha cusub.

Ammaanka magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana magaalada soo buux dhaafiyay dadweyne aad u fara badan oo doonaya in ay ka qaybgalaan xafladda caleema saarka madaxweynaha cusub.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

[email protected]

“Xisbiga PDP iyo Damjadiid isma lahan, mana ahan firqo diimeed” waxaa yiir…

Muqdisho (Caasimada Online) Sarkaal u hadlay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa sheegay in xisbiga uusan wax xiriir ah la laheen urur diimeedyada ka dhisan dalka.

Xasan Cabduqaadir Muudeey oo ah wakiilka Xisbiga PDP ee qaarada Yurub, oo la hadlaayay Idaacadda Bar-kulan, ayaa sheegay in xisbiga PDP iyo Damjadiid aaney isku mid ahayn, waxaana uu ku tilmaamay dadka sidaas leh in ay dambi galeen.

Wuxuu sheegay in xisbiga uu doonaayo siddii uu mabaadidiisa u gaarsiin lahaa Min Caseer ilaa iyo Raas-Kambooni, “Siddaas darteed wax xiriir ah lama lahan firqi diimeed” ayuu yiri.

“Waxaan rabaa maanta in aan caddeeyo Xisbiga PDP, wax xiriir ah lama lahan urur diimeed, ama hala dhaho Damujadiid Aama Damjadiid” ayuu yiri.

Xasan Muudeey ayaa tilmaamay in xisbiga uu hadda lee yahay xafiisyo ku yaalla dalka iyo dibediisa kuwaasoo shaqeeya isla markaana ay ku sugan yihiin shaqaale ka tirsan xisbiga PDP.

Wuxuu tilmaamay in ay doonayaan siddii dalka oo dhan ay uga dhigi lahaayeen mid nabad ah oo ka dhaqangala nidaamka dimuquraadiyada sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo la weydiiyay mar haddii ay xilka ugu sareeya dalka ay la wareegeen in xafiisyadii xisbiga iyo Idaacadda Nabadda la xiray, wuxuu sheegay in dhammaan ay shaqeeyaan xafiisyada balse Idaacadda loo xiray maadama codka dowladda ay ku hadleyso Radio Muqdisho.

Mar la weydiiyay cidda hoggaamisa xisbiga, wuxuu tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay ninka hoggaamiya xisbiga, wuxuuna intaas ku daray in ku rajo weyn yihiin siddii dalka ay uga dhici lahayd doorshada madaxweynaha marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

Xildhibaano maanta soo saaray go’aan culus oo ka dhan ah Axmed Madoobe

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Khamiis ah shir ku yeeshay xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasoo ka soo horjeestay caleema saarka loo sameeyay hoggaamiyaha KMG ah ee Jubba.

Xildhibaannadan ayaa ku tilmaamay caleema saarkaas mid Aroos la mid ah sidda ay hadalka u dhigeen, iyagoona intaas ku daray Axmed Madoobe in xoog ku qabsaday magaalada Kismaayo.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Maxamed Ibraahim Xaabsade, oo sheegay Axmed Madoobe in uu ka yimid Ethiopia isla markaana uu afduub ku qabsaday magaalada Kismaayo sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu cambaareeyay in wafdi ka socda beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ay ka qaybagalaan xafladda caleema saaray Axmed Madoobe.

“Axmed Madoobe wuxuu ka baxay ballantii uu la galay dowladda iyo shacaba ku dhaqan Jubooyinka, isagoona ka baxay heshiiskii Addis Ababa, waxaan rabaa in aan halkan ka sheego waa been caleema saarka, waa in QM iyo waddamada dariska ay raali gallin ka bixiyaan shir ku sheega ka dhacay Kismaayo, Fedaraalka ma ahan wax lagu soo heshiiyo Kenya iyo Ethiopa waa rabitaanka dadadka, Axmed Madoobe ma ahan deeganka wuxuu ka yimid Ethiopia” ayuu yiri.

Wuxuu tilmaamay in uu ka mid yahay dadka deeganka ka soo jeeda ee diiddan maamulka uu sameestay Axmed Madoobe.

Sidoo kale, xildhibaan Xaabsade waxaa ku raacsanaa qaar ka mid ah xildhibaannada kulanka ka qaybgalay oo ka soo jeeda deegannada Jubbooyinka.

Xildhibaannada maanta kulamay ayaa dowladda ugu baaqay inay taageeraan shirka ka socda magaalada Baydhabo kaasoo la doonayo in maamul gobaleed loogu sameeyo lix gobal oo kala ah, Baay, Bakool, Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubadda Hoose iyo Gedo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

Video: Muuqaalkii ugu dambeeyay ee bilicda magaalada Muqdisho (Daawo)

0

Soomaali waxay tiraahdaa hadal qiimo badan oo ah DAL WELIBA WAXAA DHISA DADKIISA, Taa oo aan u soo qaatay qiimaha uu lee yahay micnaha hadalkaa waa hadii loo dhaqaaqo Talada Hadalkaasi dhankiisa wanaagsan.

Hadaba Muuqaalkani waa mid aan hubo in aad ka heli doontaa waxa ka bilaawday Muqdisho & sida uu Shacabka Muqdisho isku xil qaamay dhanka iska wax u qabso oo dalka ay u dhisayaan ee nala daawo muuqaalkani.

HALKAAN KA DAAWO: