“Xisbiga PDP iyo Damjadiid isma lahan, mana ahan firqo diimeed” waxaa yiir…

Muqdisho (Caasimada Online) Sarkaal u hadlay Xisbiga Nabadda iyo Horumarka ee PDP ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa sheegay in xisbiga uusan wax xiriir ah la laheen urur diimeedyada ka dhisan dalka.

Xasan Cabduqaadir Muudeey oo ah wakiilka Xisbiga PDP ee qaarada Yurub, oo la hadlaayay Idaacadda Bar-kulan, ayaa sheegay in xisbiga PDP iyo Damjadiid aaney isku mid ahayn, waxaana uu ku tilmaamay dadka sidaas leh in ay dambi galeen.

Wuxuu sheegay in xisbiga uu doonaayo siddii uu mabaadidiisa u gaarsiin lahaa Min Caseer ilaa iyo Raas-Kambooni, “Siddaas darteed wax xiriir ah lama lahan firqi diimeed” ayuu yiri.

“Waxaan rabaa maanta in aan caddeeyo Xisbiga PDP, wax xiriir ah lama lahan urur diimeed, ama hala dhaho Damujadiid Aama Damjadiid” ayuu yiri.

Xasan Muudeey ayaa tilmaamay in xisbiga uu hadda lee yahay xafiisyo ku yaalla dalka iyo dibediisa kuwaasoo shaqeeya isla markaana ay ku sugan yihiin shaqaale ka tirsan xisbiga PDP.

Wuxuu tilmaamay in ay doonayaan siddii dalka oo dhan ay uga dhigi lahaayeen mid nabad ah oo ka dhaqangala nidaamka dimuquraadiyada sidda uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo la weydiiyay mar haddii ay xilka ugu sareeya dalka ay la wareegeen in xafiisyadii xisbiga iyo Idaacadda Nabadda la xiray, wuxuu sheegay in dhammaan ay shaqeeyaan xafiisyada balse Idaacadda loo xiray maadama codka dowladda ay ku hadleyso Radio Muqdisho.

Mar la weydiiyay cidda hoggaamisa xisbiga, wuxuu tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu yahay ninka hoggaamiya xisbiga, wuxuuna intaas ku daray in ku rajo weyn yihiin siddii dalka ay uga dhici lahayd doorshada madaxweynaha marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com